| Muuse Biixi oo Caddeeyey in Haddii KULMIYE ku Guulaysto Talada aanay ku Dhaqmi Doonin Heshiisyadii Rayaale Galay Mudadii Dheeraadka ahay ee uu Xilka Hayey 'Waxanu ku Hawlgalaynaa Waqtiga Komishanku Gooyey oo ah ugu Dambeyn 30-ka June inay Doorashadu Dhacdo wixii ka Dambeeyana Iskuma ogin, mana oggolin, wixii' Hargeysa (Jam)- Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga mucaaradka ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku hanjabay in xisbi ahaan aanay sinaba u aqbalay in doorashada madaxtooyadu dhaafto bisha 30 June ee sannadkan 2010, isaga oo xusay wixii ka dambeeya maalintaas aanay oggoleyn doorasho dhacda. Muj. Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka hadlayey munaasibad xisbiga KULMIYE Jaamacadda Burco ugu wareejinayey gaadhi noociisu yahay Serf oo ay hore ugu ballanqaadeen, waxa uu ku nuux-nuuxsaday in cidda ku hawlan carqaladaynta qabsoomida doorashada aan sinaba looga yeeli doonin. "Sida aynu wada ognahay Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu ballanqaaday oo uu go'aamiyey in bisha June doorashada dhacayso, waanan soo dhoweynaynaa, waxa maalmahan u dambeeyey xisbiga talada haya ee UDUB ka soo baxayey hadallo is-khilaafsan, waad maqasheen Madaxweyne-ku-xigeenku warraysi uu siiyey BBC-da, waxaannu sheegay inay si cad diyaar ugu yihiin doorashada inay qabsoonto waqtigeeda, aad ayaannu u soo dhoweynaynaa dhawaaqaa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, isaga oo raaciyey haddii nagala helo si xilkasnimo leh ayaanu u wareejinaynaa, waa dhawaaq masuuliyadeed, xilkasnimo, waddaniyadeed, waxaanan leenahay xisbiga UDUB halkaas ha ka leexanin, war aan kaa ahayna yaanaan kaa maqlin. Isla xalay [habeen hore] waxa khilaafay hadalkaa Madaxweyne-ku-xigeenka qaar ka mid ah xisbiga UDUB oo Tv-ga Qaranka iyo saxaafadda ka lahaa, waa lagu degdegay iyo diyaar uma nihin, waxaannu raacaynaa hadalka Madaxweyne-ku-xigeenka, doorashadana wixii carqaladaynaya halaga daayo. Waxaynu ognahay in aynu gelnay heshiis lix qodob ah oo adduunku innagu dhex joogo, waxa ka mid ahaa wixii Seerfarkaa ka soo baxa in aannu aqbalayno oo aannu hore u saxeexnay, xisbina ka hadli karin, waxaananu ku hawlgalnay wixii ay soo saaraan aqoonyahannada ay gacantooda ku jirto ayaanu ku hawlgalaynaa. Waxaannu ku hawlgalaynaa waqtigaa uu gooyey Komishanku oo ah ilaa 30 June ayey noo calaamadiyeen, ugu dambeyn 30-ka June inay doorashadu dhacdo wixii ka dambeeyana iskuma ogin, mana oggolin, wixii carqaladaynayana waxaannu leenahay waa waxaan loo fadhiyey iyo hadimo horlee ha laga daayo," ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga mucaaradka ee KULMIYE. Muj. Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey in xisbi ahaan hadii ay talada dalka ku guulaystaan aanay aqbalayn heshiisyada madaxweyne Rayaale mudadii dheeraadka ahayd ee uu xilka hayey galay hadii aanu golaha wakiiladu ansixinaanay, isaga oo xusay in hoggaamiyayaasha bulshadooda ixtiraamaya marka wakhtigu ka dhamaado aanay wax cusub curin Karin, heshiisyana geli Karin, balse ay yihiin oo qudha qaar xilka sii haya inta si sharci ah loo dooranayo cida beddelaysa. Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi; "Geeska Afrika dab ayaa ka qarxayaa, maalin walba waxaynu aragnaa dagaallo iyo budhcad-badeed iyo sida adduunku u hayaano oo ah meel gubanaysa, Somaliland waxay ka mid tahay meelaha yaryar ee nabdoon, waxaanna nabaddaa keenay dadkooda oo isku dulqaatay, marka la isku dulqaadanayo qoys, saaxiibo, ganacsato, laba arday ha ahaato, nin baa wax ku qaldan oo qalooca ah ku dulqaadanay. Markaa Somaliland intii u soo dhibtooday ee u soo halgantay ee lexejeclada ka qabtay ayaa mar walba u dulqaadata, dulqaadka ay kuwaas ku dulqaadaan ayey nabaddu ku fadhidaa, markaa waxaynu maraynaa xukuumad shan sanno la doortay oo siddeed sanno sii cago-cagaynaysa, laba sanno iyo badh Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku waxay ku fadhiyaan muddo-dhaaf, codkii lagu doortayna kuma joogaan, madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka marka uu wakhtigoodu dhammaado awoodaha qaar ma laha sida caalamka awoodaha waaweyn, wadamada garaadka badan ee ixtiraamaya bulshadooda, hadii wakhtigiisu dhammaado ma badali karo wasiir, heshiis caalami ahna ma geli karo, wax cusubna ma curin karo, waayo waxa uu sugayaa oo uu sii haynayaa si la iskugu soo gaadho oo dowlada dambe ee timaadaa hawlaha halkaas uga sii wado. Waxa aanu lee nahay, intan uu wakhtigiisu dham maaday, (madaxweyne Rayaale), intaas oo heshiis ayuu galay maalin walba wasiir ayaa la magacaabaa, waxaasi waxay u eegtahay meel ka dhac oo maamulka dowladnimo ayay meel ka dhac ku tahay, mid kaliya ayaan ku soo koobayaa heshiis yada caalamiga ah ee la galay mudadaas, haddii aanay ansixin golayaasha sharciga ahi waxba kama jirayaan, dowlada soo socotana ma qabanayo sharcigaasi, waayo wakhtigiisa ayaa dhamaaday oo sharci kumuu fadhiyin, markaa waxa wanaagsan in la dhowro maamulka iyo sharciyada iyo siday dowladu u dhaqanto." Waxa kale oo uu ku dheeraaday Muj. Muuse Biixi Cabdi kaalinta uu ka qaado xisbigoodu waxqabadka bulshada iyo siday xukuumaddu marwalba ugu fashilanto bixinta qaadhaannadau ballanqaado bulshada. Guddoomiyaha Jaamacadda Burco Prof. Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale oo ka guddoomay gaadhigaas, ayaa si weyn ugu mahadnaqay xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inay ka qaybqaateen horumarka bulshada Somaliland, isla markaana ay gaadhigaasi dusha sare kaga xardhi doonaan, 'Waxa Gaadhigan Jaamacadda Burco ugu deeqay xisbiga KULMIYE.' |
Jamhuuriya Online |
COMPREHENSIVE, INSTANTLY UPDATED INTERNATIONAL NEWS PORTAL WITH DEEP ANALYSIS OF ALL SOMALI RELATED AFFAIRS, SPECIAL ATTENTION GIVEN TO SOMALILAND NEWS.
Thursday, April 29, 2010
Muuse Biixi oo Caddeeyey in Haddii KULMIYE ku Guulaysto Talada aanay ku Dhaqmi Doonin Heshiisyadii Rayaale Galay Mudadii Dheeraadka ahay ee uu Xilka Hayey
Wednesday, April 28, 2010
Homes, Jobs and Peace - Manifesto for a Hung Parliament
Homes, Jobs and Peace - Manifesto for a Hung Parliament
Monday 26th April 2010"It now looks inevitable that there will be a hung parliament after the general election. Respect will never support a Tory government whose policy of immediate and massive cuts combined with tax breaks for big business and the very wealthy would be a disaster for the economy and most peoples' lives.
"With a real chance of winning three MPs; George Galloway, Poplar and Limehouse, Abjol Miah, Bethnal Green and Bow, and myself in Birmingham Hall Green; Respect will have three minimum conditions on which we would consider supporting a government:
- A massive council house building programme to address the housing scandal across the country
- The rapid withdrawal of British troops from all illegal and pointless wars
- The radical democratisation of our constitution with a fair proportional voting system, abolition of the appointed House of Lords and cleaning up parliament - no more second homes fiddles.
This manifesto outlines some of the other policies we will fight for in any negotiations."
Salma Yaqoob, Leader, Respect Party
Download the Manifesto
Xaflad Dhidibada Loogu Taagay Urur Samafal oo Loogu Magac-daray Marxuum Cali Maarshaal
Xaflad Dhidibada Loogu Taagay Urur Samafal oo Loogu Magac-daray Marxuum Cali Maarshaal
| London: Xaflad Dhidibada Loogu Taagay Urur Samafal oo Loogu Magac-daray Marxuum Cali Maarshaal Jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera ee uu ka dhacay shilkii Cali Maarshaal ku geeriyooday oo ururka Somaliland Forum dib-u-dhis ku samayn doono
"Markii Cali Maarshaal dhintay waxaan go'aansaday in aan siyaasadda …" Guddoomiye-xigeenka 2-aad ee KULMIYE
Kullankan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka qaybgalay dad fara badan oo reer Somaliland oo ka kale isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin, masuuliyiinta Jaalliyada, dhalliyaro iyo haween, kuwaasi oo isaga kala yimi magaalooyinka Bristol, Cardif, Leicter iyo Cardiff ee dalka Ingiriiska. Waxaana ugu horeyntiiba ereyo kooban oo soo dhawayn iyo mahadcelin isugu jira halkaasi ka soo jeediyay Maxamed Yoonis Cawaale.
Mr. Axmed waxa uu intaa ku daray in afkaartii ugu waaweynaa ee marxuumku aaminsanaa ay ka mid ahaayeen tayaynta maamulka iyo wanaajintiisa, xorriyadda saxaafadda iyo nidaam dheellitiran oo ku salaysan xisaabtan. Sidoo kale waxa uu xusey inuu ahaa ruux shakhsiyad fiican oo naftiisa u hurey sidii uu dadkiisa iyo dalkiisaba wax ugu qaban lahaa."
Guddoomiye-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Mr. Cabdiraxaan Cabdilqaadir Faarax oo dhaawac culus ka soo gaadhay shilkii baabuur ee Cali Maarshaal ku geeriyooday, ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay in lagula soo dardaarmay in aan la qiiroon oo ay tahay maalin aynu aasaasayno urur samafal ah, waxaannu yidhi; "Cali waxaannu si fiican isku baranay xilligii doorashadii madaxtimada ee Somaliland, intii ka dambaysanyna niman isku xisbi ah ayaanu ahayn, waxa uu ahaa isaga iyo Dr. Siciid Axmed Xasan, raggii sababta u ahaa in sanaaduuqdii UDUB laga joojiyay wakhtigii doorashada, wax kalena muu samayn ee qayniinka haloo hoggaamsamo ayuun bay yidhaadeen." "Cali Marshal waxa uu Illaahay ku manaystay dhawr tayoo oo aan bani aadamka inta badan la isku raacin sida akhlaaqda, xishoodka, ixtiraamka, aqoonta, qadarinta, aqoonta, siyaasadda. Muu ahayn ruux isla weyn oo dadka ka u sarreeya iyo ka suuqa joogaba isku si ayuu ula hadli jiray, waliba wuxuu jeclaa dadka caadiga ah, ardayda iyo haweenka."
Mr. Cabdiraxmaan waxa uu xusey inuu ahaa aabbo wanaagsan oo naxariis badan qaraabada iyo dadka jilicsana kaalmayn jiray, waxaannu sheegay in Cali ahaa maskaxda ka dambaysay ee isku soo dubbariday barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE, uuna ahaa nin qabyaalada neceb oo rumeysnaa in ay siyaasadu ku badinayso qabyaalad la'aan, sidaa darteedna uu ku kasbaday inuu noqdo qofka ugu taageerada badan xibiga dhexdiisa iyo waliba mid guud oo uu ka haystay shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, uuna noqon lahaa hoggaamiyaha xisbiga ee mustaqbalka.
Safiirka Jamhuuriyadda Ireland u fadhiya Somaliland Md. Cabdifataax Siciid Axmed oo kulankaas ka hadlay ayaa yidhi; "Mujaahid Cali wuxuu ahaa halyay geeridiisu argagixiso innagu wada noqotay oo dadka reer Somaliland oo dhan ayuu ahaa geesi ka baxay. Maanta afar shir oo kale ayaa jiray oo xataa kii UDUB waxaan ka doorbiday aasaaska ururka samafalka ah, waana arrin qaran fikirka siyaasiga ah waa lagula kale duwanaan karaa, laakiinse anigu waxaan ahayn safiir u dhexeeya saddexda xisbi qaran."
Xisbiga siyaasiga ee UCID oo uu hadlay Nuur X Xuseen Cumar Xaashi oo ka tirsan guddida fulinta, ayaa sheegay in Cali Maarshaal ummadda reer Somaliland oo dhan tabayso xisbi ahaana taageersan yihiin ururkan samafalka ah ee loogu magacdaray.
Intaa kadib waxa warbixint dheer oo hadlaysa hadafka iyo sida uu ururkan samofalka ahi u shaqayn doono ka soo jeedisay xaaskii Cali Maarshaal Marwo Yasmin Sekaali, waxayna sheegtay in ururkan fikradda ka danbaysay ahayd maalin iyada Cali oo waddada socda ciyaal shiideen gaadhigoodii, kadib markii ay sitaageen ee weydiiyeena sababta carruurtii u sheegeen inay dhagaxaanta ku wadeen ninka waalan ee gaadhigooda dhinaciisa ku dhuumanayana, sidaa awgeedna ay iyada iyo marxuumku isla garteen inay wax u qabtaan dadka maskaxda wax ka qaba ee ku nool Somaliland.
Khadar waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in Cali Marshaal uu ahaa xubin muhiima oo muddo badan ka tirsanaa ururka Somaliland Forum, isla markaana urur ahaan Somaliland Forum ay go'aansadeen in mashruuca ururka ee sannadkan loogu magac-daro marxuumka. Mashruucaas oo laga fullin doono waddada isku xidha Berbera iyo Hargeysa, waxaannu noqon doonaa buu yidhi, "ilaa dhawr iyo soddon calaamadood oo shub ah oo laga dhisi doono goobaha loo aqoonsaday in ay halis yihiin, kuwaas oo ay ku qornaan doonaan farriimo digniin ah oo dadka ku baraarujinaya meelaha halista badan ee jidkan." Shirkan oo uu guddoominayay Maxamed Yoonis, waxa kale oo ka hadlay dad aad u tiro badan oo ay ka mid ahaa Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, Jamaal Madar, Cali Aadan, Axmed Caddare, Marwo Luul Faarax (Somaliland Forum), Axmed Daahir Cilmi (Gudoomiyaha SSUK),Maxamuud Maxamed Xoore (Camuudo), Prof. Muumin, Xasan Cali Weyd (Bristol), Cali Xiddig (Leicester) iyo xubno kale. Kulankan oo aad inta badan ka dareemaysay dadku siday u tabeen ee uu ugu dheeraa marxuum Cali Maarshaal Allaah ha u naxariistee, ayaa lagu soo gebagabeeyay tabarucaadkii u horreeyay ee ururka dhidibada loogu taagi lahaa; haddaba haddii aad rabto in aad ka qaybqaadato waxaad kale xidhiidhi kartaa. wwwhttp://www.alimarshalltrust.org. |
| Jamhuuriya Online |
KOMISHANKA DOORASHOOYINKA OO KU DHAWAAQAY TIRADA CODBIXIYAYAAL KA BADAN HAL MILYAN IN AY KA QAYB QAADANAYAAN DOORASHADA MADAXTOOYADA BISHA JUNE
KOMISHANKA DOORASHOOYINKA OO KU DHAWAAQAY TIRADA CODBIXIYAYAAL KA BADAN HAL MILYAN IN AY KA QAYB QAADANAYAAN DOORASHADA MADAXTOOYADA BISHA JUNE
Shir jaraai'd oo ay maanta qabteen Xubnaha Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka hadlay wixii ka soo baxay natiijada codbixiyayaasha ee Diiwaangalintii dalka ka qabsoontay.
Afhayeenka komishanka Doorashooyinka Maxamed Xirsi Geele oo halkaa ka hadaly ayaa sheegayin ay goosteen in Doorasho la galo horta, Su'aal baanu isweydiinay Liiska inoo soo baxay imika ee aynu hayno ma ku gali karnaa Doorasho, oo midaynu Ummadeena u sheegi karno oo aynu odhan karno liiskaasi waa liis hagaagsanoo waynu ku gali karnaa ma yahay waxaanu isla qaadanay khalad waa ku jiraa, khaladkana lama heli karo wax boqolkiiba boqol ah 100% sax ah.
Markaanu isku celcelino tirada ay ahayd liisku oo inta badan dadku ay isweydiiyaan inkastoo tii kama danbaysta ah ahayn markaanu toddobaatan kun ka saaray ( 70,000), sideetana ay ku soo kordheen ( 80,000) tiradii halkii uun bay taagnaanaysaa laakiin macnaheedu maaha waxba lama qaban., oo waxa la qabtay boqol kun oo qof ( 100,000) oo kombuyuutarku ka saaray iyo toddobaatan ku oo qof ( 70,000) oo lagaga saaray gacanta iyo Isha.
waxaanu go'aansanay inaanaan dadka dib ugu celinin xaaladii uu soo maray September 2009 kii ee isku-dhaca keentay ee Liis Diiwaangalineed halagu galo iyo Diiwaangalin la'aan halagu galo la isku qabsaday ee aad ogaydeen ee dad ku baxeen ee dhiig ku daatay, Liis fiicanbaa inoo soo baxay oo boqolkiiba Sagaashan 90% aynu odhan karno sax buu yahay haduu khalad ku jiro ugu badnaan 10% baa ku jiraya inkastooy inta badana meelaha qaarkood ka yar yihiin.
Waxaynu ognahay markii anaga la'na magacaabay Komishan ahaan waxaanu ku nimi xaalad adkayd oo tafaasiisheeda aynaan ku noqon Karin Waxa jiray Heshiis Sadexda Xisbi Qaran ay wada galeen ooy Bulshada Caalamkuna qayb ka ahayd oo ahaa in Komishan cusub la sameeyo, in Doorashada soo socota lagu galo Diiwaangalin, in Serverkii xumaaday ee ciladu gashay loo soo kireeyo khubaro caalami ah oo baadha oo eegta oo sifaysa inta la sifayn karayo, kadib marka ay sifeeyaan wakhtiga ay dhameeyaana Komishanku ku go'aan qaato wakhtiga Doorashada iyo nidaamku dhacayaan.
Sifaynta markaan u soo noqdo waxaanu u qorshaynay afar marxaladood inuu maro, midi waxay ahayd mid Kombuyuutarka lagu sifaynayo oo elektaroonikali kombuyuutarku isagu qabto wixii ku celceliyay ama khalad ah, midna waxay ahayd in kombuyuutarka iyo isha aadamiga la isku daro oo lagu qabto wixii kombuyuutarku garan waayo, midna waxay ahayd in kaadhadh cusub la soo sameeyo oo deedna liiska inoo soo baxa ee intaynu sifayno loo soo bandhigo.
Komishanka Doorashooyinku waxa ay intaa ku dareem in Doorashada Madaxtooyadu dhacayso inta lagu guddo jiro bisha June isla markaana ay maalmaha soo socda soo bandhigi doonaan Kaadhadhkii cusbaa ee loogu talogalay in loo qaybiyo dadka doorashada ka qayb qaadan doona.
Ummadda waxa aanu u sheegaynaa in hawshii servarku naga dhamaatay meel dambe oo lagaga noqdaana aanay hadhin, waxa keliya oo hadhay waa in la laalo intaa la hayo ayaa doorashada lagu gelayaa, kaadhadhkii cusbaana usbuuca ugu horeeya bisha may ayaanu sugaynaa, usbuuca labaadna waanu qaybinaynaa, markaa qof kasta waxa aanu ka codsanaynaa in uu kaadhkiisa qaato oo aanu cid kale u soo dirsan.
Tuesday, April 27, 2010
Winning elections without a majority
Winning elections without a majority | |||||||||||||||||||||||||
|
Liberal Democrat leader Nick Clegg has criticised the current electoral system because it is possible for a party to win the election while getting fewer votes than another party. How is it possible? Consider this simplified example of an election involving three parties competing in three seats, each of which has 30 voters.
Party A has won the election despite receiving fewer votes than the other two parties. It is possible because there is no value placed on votes in seats that you do not win, so the 11 votes that party C received in seat 2 were effectively wasted. There is also no value placed on having a bigger majority, so gaining extra support in a constituency that you already hold does not help your party very much. This is a problem for parties that have some support in a lot of constituencies, but less concentrated support. In 2005, the Liberal Democrats received 22% of the votes but only won 62 seats, which was less than 10% of the seats in the House of Commons. In the 1951 general election, Winston Churchill's Conservatives won 26 more seats than Clement Attlee's Labour Party despite having received about 250,000 fewer votes. The electoral system means that opinion polls that aim to reflect percentage support throughout the country may be misleading, because what matters is not the total proportion of votes won but the amount of concentrated support that wins seats. | |||||||||||||||||||||||||
Wasiirka Maaliyadda oo Golaha Wakiilada la hortagay Mii...
Xuseen Cali Ducaale isagoo sharaxaad ka bixinaya meelaha uu dakhliga odoroska Miisaaniyadu ka soo baxayo sheegay inay filayaan inay ka soo baxdo:-
Sidoo kale waxa uu wasiirku xusay iyagoo ka shidaal qaadanaya qodobka Dastuurka ee Miisaaniyada ee 34aad faqradiisa 3aad oo ah habsami u ururinta Cashuuraha Dalka iyagoo aan waxba ku kordhin Cashuuraha inay filayaan inay ka soo baxaan illahan Dakhli lacagayow kala ah :-
Kuwaasoo isku noqonaya 310 Bilyan SL SH, waxaanu xusay dakhligaasi kharash ahaan inuu u baxo sidan;-
Kuwaas oo dhammaantood isku noqonaya 310 Bilyan SL SH
Wasiirka wasaaradda Maaliyadu waxa uu ssheegay kharashaadkaasi inay ku baxaan Adeegyada Bulshada gaar ahaan Nabadgelyada, Maamulka iyo Siyaasadda iyo Mahaariicda Guud, waxaanu mudanayaasha ka codasaday inay Miisaaniyada sida ugu dhakhsaha badan u ansixiyaan isagoo xusay inay dadaal muujiyeen sanadkan maadaama Caalamka oo dhami ka qaylinayo Dhaqaale burbur
Isagoo intaa ku daray inay sameeyeen kharash dhimis taasoo uu tusaale u soo qaatay shidaalka oo ahaa waxa ugu dhibaatada badan leh si ay u yareeyaan inay u xaraasheen baabuurtii Land-crieserada ahaa ee ay xukuumadu wadan jirtay, kuna bedeleen kuwo yaryar
Waxyaabaha kale ee uu wasiirku ka hadlay ayaa ahaa inay samaynayaan daraasad ku saabsan qaabka dakhli ururinta oo uu sheegay labaatankii sano ee ay Somaliland jirtay inaan wali la samayn daraasad mug leh oo qiimaysa meelaha ay dhibaatadu ka jirto isagoo sheegay in loo baahan yahay in wax la saaro meelo badan oo ay Cashuuro ka baaqsadaan, isla markaan laga dhimo meelo badan oo ay saaran tahay Cashuur badani
Wasiirka Maaliyadu waxa uu ku faanay mudadii uu xilka hayay inuu sameeyay dadaal badan oo ah dhinaca dakhli ururinta waxaanu sheegay markii uu xilka qabtay dakhliga Dalku inuu ahaa Laba boqol iyo shan iyo Lixdan bilyan imikana uu gaadhsiiyay Saddex boqol iyo saddex iyo Lixdan Bilyan
Ugu danbayntii waxa uu Cawil ka codsaday Xildhibaanada inay Xukuumadda ugu Duceeyaan inay Guulaystaan, isagoo isna ugu duceeyay inay Guulaystaan maadaama ay Miisaaniyada ugu jirto Doorashadoodii iyo tii Madaxtooyaduba
Khudbada Wasiirka kadib waxa uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu ku wargaliyay mudanayaasha inay toddobaad soo akhristaan Miisaaniyada si wasiirkana Su'aalo looga weydiiyo loona Ansixiyo balse intii uu wasiirku waday hadalkiisa waxa ay qaar xildhibaanada ka mid ahi soo jeedinayeen in loo sii daayo maadaama aanay jirin awood wax ka qaabanaysa Wasiiradda Dawlada oo marka uu Goluhu u yeedho aanay u imanayn balse Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada ku qanciyay inay sharci tahay in wasiiradu Golaha hor yimaadaan waxaanu xusay inay iman doonaan.
Nasiib News Network
TACKLING SEXUAL VIOLENCE MUST INCLUDE PREVENTION AND ENDING IMPUNITY – UN OFFICIAL
Fresh from her visit to the Democratic Republic of the Congo (DRC), which she described as the "rape capital of the world," a senior United Nations official today urged the Security Council to make the prevention of sexual violence a top priority, and stressed the need to end impunity for the scourge.
"Women have no rights, if those who violate their rights go unpunished," Margot Wallström, the Secretary-General's Special Representative on Sexual Violence in Conflict, told the 15-member body.
Ending impunity for sexual violence is a critical part of the Council's broader mandate to shepherd situations "from might to right, from rule of war to rule of law, from bullets to ballots," she noted.
"If women continue to suffer sexual violence, it is not because the law is inadequate to protect them, but because it is inadequately enforced."
Ms. Wallström said she is haunted by what she heard in the DRC – that women are still not safe, under their own roofs, in their own beds, when night falls. "Our aim must be to uphold international law, so that women – even in the war-torn corners of the world – can sleep under the cover of justice," she stated.
According to the UN Population Fund (<"http://www.unfpa.org/public/">UNFPA), more than 8,000 women were raped in the DRC during fighting between warring factions last year. The UN mission there, known as MONUC, has been trying to combat the problem by developing a greater presence on the ground, escorting women going to market or fetching firewood or water, developing early warning systems, and working with local mayors.
At the same time, sexual violence remains a dominant, even escalating, feature of the conflict in DRC, which continues to be "the rape capital of the world," said Ms. Wallström, noting that the core of the problem is impunity, which is the rule rather than the exception.
She also warned that politically-motivated rape is a disturbing trend, witnessed in the wake of Kenya's contested elections, and more recently, in broad daylight on the streets of Guinea. Such crimes, she said, present a security crisis that demands a security response.
Ending impunity is one of the five priorities Ms. Wallström, who was appointed in February, has set for herself, in addition to empowering women, mobilizing political leadership, increasing recognition of rape as a tactic and consequence of conflict, and ensuring a more coherent response from the UN system.
Also briefing the Council, Rachel Mayanja, the UN Special Adviser on Gender Issues and Advancement of Women, stressed the Secretary-General's commitment to tackling violence against women.
"Through the appointment of his Special Representative on Sexual Violence in Armed Conflict, he has demonstrated his determination to address the persistent scourge of violence against women, including sexual violence, to lead by example and to strive to empower women and girls to play a meaningful role in peace and security, including in situations or armed conflict."
She noted that the Mr. Ban himself has witnessed and been deeply troubled by the effects of violence, abuse and blatant violations of the rights of women and girls in conflict-affected countries, and he remains "unflinchingly" committed to this cause.
In his latest report on women, peace and security, which Ms. Mayanja presented to the Council, the Secretary-General lamented the fact that the implementation of a call by the UN a decade ago to have women play a more prominent role in conflict prevention and resolution remains slow.
He outlines measures intended to track the implementation of the Council's resolution 1325 of 2000, including a set of 26 indicators pertaining to prevention, participation, protection, and relief and recovery.
The indicators, said Ms. Mayanja, range from those that aim to assess the situation of women and girls, to those that assess the degree to which gender considerations are mainstreamed in peace processes, to those that seek to determine resource availability and institutional capacity for addressing peace and security issues.
In a presidential statement adopted at the end of the meeting, the Council took note of the indicators put forth in the report, adding that they will need "technical and conceptual development" before they can become operational. It also expressed its intention to take action on the indicators on the occasion of the tenth anniversary of resolution 1325, which will be marked in October.