Isbadal Doonkii UDUB Oo Ku Soo Biiray Xisbiga Kulmiye, Xaflad Balaadhan Lagu Soo DhaweeyayHargeysa (Kulmiye.org)-Xisbiga KULMIYE Oo Xaflad BalaadhanHargeysa(Kulmiye.org)- Xisbiga KULMIYE ayaa maanta xaflad balaadhan oo ay ku soo dhawaynayeen garabka isbedel doonka xisbiga UDUB ku qabtay Huteelka KAAH ee Bariga Hargeysa. Siyaasiyiinta ku soo biiray xisbiga KULMIYE waxa Hoggaaminayay Wasiirkii hore ee Caafimaadka iyo shaqada Md. Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal) iyo Guddoomiyaha Garabka Isbedel doonka UDUB Md, Axmed Sandoon Xasan waxaaba xubno ka mid ahaa 8 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada, 5 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa iyo xubno tiro badan oo ka mid ah garabka isbedel doonka xisbiga UDUB. Wasiirkii hore ee Wasaarada caafimaadka Md. Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo ka hadlay xafladaasi wuxuu u mahad celiyay Mulkiilihii Huteelka lagu qabtay Xafladaasi ee KAAH ee Magaalada Hargeysa waxaanu ku bogaadiyay sidii uu gaashaanka ugu dhuftay dhawaan amar uga yimid Taliyaha ciidanka Booliska oo sheegay ku wargeliyay inaan Huteelka lagu qaban xaflad taageereyaal KULMIYE ku soo biiray lagu soo dhawaynayay. Wasiirkii hore ee Caafimadku wuxuu sheegay in loo baahan yahay in KULMIYE u diyaargaroobo wax kasta oo kaga yimaada xisbiga UDUB, waxaanu yidhi "Ma arko in la yidhaahdo UDUB waa dambaska oo waxeenu meel bay inoo yaalaan, nimanka aan Anigu meesha kaga imid rag waxan aad ka sheekaynaysaan hayaba ma aha waa rag wax kastaa ka suurtoobi karaan. Nimankani waa quus, ragguna iskuma jiraane'e ragga badankiisu waxba kama war hayaane'e mushaharka uun bay iska qaataan.laakiin rag tirsan oo u haysta Somaliland inay u dhamaatay haddii uu Rayaale tago ayaa jooga oo wax waliba ka suurtoobaan. Markaa waxa la inooga baahan yahay inaynu dagaalka noocaasi ah u diyaar garowno, qoladiina KULMIYE-na Nabadgelyada uun baa la idinku bajinayaa markaasay bash idinka odhanaysaa." Md. Cabdilaahi Darawal, wuxuu xisbiga KULMIYE uga mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen. Guddoomiyaha Isbedel doonka xisbiga UDUB Md. Axmed Sandoon Xasan, oo xafladaasi ka hadlay ayaa Hoggaanka xisbiga KULMIYE uga mahad celiyay sidii loogu soo dhaweeyay xisbigaasi waxaanu yidhi "Waxaynu u baahan nahay dawlad dalka horumarkiisa ka shaqeysa Haddii aan Guddoomiye markii hore aan Madaxweynenimo doono dhab ayay iga ahaydoo waxaan islahaa Daahir Rayaale yaanu soo noqonine'e xisbiga UDUB gudahiisaba ku soo reeb, waa kii nalaga cararay ee Maasoor ciidankii la gsalay. Guddoomiye Waxaanu doonaynaa inaynu xoogeenna midayno. Horta waxaan ka fikirayay haddii aad Daahir Rayaale reebto oo halkaasi kaga tagto Odaygii Siilaanyo ayaa halkaasi soo fadhiyee sidee ayaad ula tartamaysaa. Ilaahay mahadii maanta fikirkaasi igima jiro oo ma tartamayno waan ku dhisayaa. UDUB-na waxaan rabaa inaanay sodon sanadood madaxtinimada ku soo tukan. Waxaan leeyahay UDUB ha eersato sacabka ay iska tumayaa." Md. Axmed Sanadoon wuxuu sheegay inay si hagar la'aan ah ula shaqayn doonaan xisbiga KULMIYE. Sidoo kale,waxa xafladaasi ka hadlay Md.Maxamed Xaaji Hadliye , Md. Axmed Maxamed (Axmed Dheere) waxaanu sheegay inay ku faraxsan yihiin in xisbiga KULMIYE ay ku biiraan waxaanu yidhi "Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsan nahay inaanu ku biirno KULMIYE, waxaan qoladiinan KULMIYE u sheegaynaa qoladayadii NSS-ta aad ayaad walaac uga qabteen waxaan idin leeyahay imika waanu idinku soo biirnay ee sidaasi la socda." IWaxa kale oo iyaguna madashaasi ka hadlay Md. Maxamed Odawaa Cigaal kuwaasi oo dhammaantood ka waramay xaalada dalku marayo oo ay tilmaameen in loo baahan yahay isbedel weyn. Waxaanay sheegeen markii ay tashi badan sameeyeen ay goosteen inay ku biiraan KULMIYE. Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi wuxuu yidhi "Waxaan u mahad celinayaa dadweynaha sharafta leh ee ka soo qeyb galay xafladan balaadhan ee aynu ku soo dhawaynayo Garabka Isbedel doonka xisbiga UDUB.waxaan leeyahay walaalayaal qalbi furan iyo walaaltinimo ayaan ku soo dhawaynaynaa waxaan idiin sheegayaa khamiista soo socota haddii Alle yidhaahdo waxa xisbiga KULMIYE soo bandhigi doonaa barnaamijka iyo Himilada uu doonayo inuu ku hago dawladnimada soo socota waxaan rajaynayaa in barnaamijkaasi uu noqdo mid ka turjuma baahida iyo isbedelka aan doonayno ee dhinacyada kala duwan. Waxaanu doonaynaa in dalkan halganka adag loo soo galay aanu hagno kuna hoggaaminayo dariiqa saxda ah ee cadaalad u keeni kara ee horumar u keeni kara." Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay ku guulaystaan doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa waxaanu yidhi "Waxaan Maanta kalsooni badan ku qabaa waynu ku guulaysan doonaa doorashadan madaxtooyada haddii Alle yidhaahdo, saacadii uun baan lagu dhawaaqin laakiin waa la sheegay in wakhtigii doorashadu aad iyo aad inoogu soo dhow yahay, waxaynu doonaynaa inaynu xaqiijino cadaalada iyo isbedelka la doonayo. Dalkeenu nabadgelyo , Ictiraaf iyo horumar ayuu u baahan yahay." Gabo-gabadii xafladaasi waxa Guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Isbedel doonka xisbiga UDUB Md. Axmed Sandoon Xasan ay kala saxeexdeen heshiiska ay la xidhiidha Mabaa'dida ay labada dhinac ku heshiiyeen kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa inay kaalin ka qaatay olalaha doorashada isla markaana ay si rasmi ah xisbiga uga mid ahaadaan laga bilaabo maanta. |
COMPREHENSIVE, INSTANTLY UPDATED INTERNATIONAL NEWS PORTAL WITH DEEP ANALYSIS OF ALL SOMALI RELATED AFFAIRS, SPECIAL ATTENTION GIVEN TO SOMALILAND NEWS.
Tuesday, April 20, 2010
Isbadal Donkii UDUB Oo Ku Soo Biiray Xisbiga Kulmiye
__._,_.___
OGAYSIIS::- Fadlan anshaxa golaha ilaaliya // Ha soo dirin email aflagaado ah // isku day email kooban oo wax laga korodhsado // due to limited space::- emailka aad u jawaabayso dib ha u soo dirin // emailkaaga laba jeer ha soo dirin
MARKETPLACE
.
__,_._,___
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment