Monday, June 18, 2012

Madaxweyne Siilaanyo oo xilal cusub magacaabay xilka qaadisna sameeyay

Madaxweyne Siilaanyo oo xilal cusub magacaabay xilka qaadisna sameeyay

Hargysa,-Madaxweyne Siilaanyo ayaa magacaabay Agaasimayal guud oo qaarkood jagooyinkoodu banaanayeen mudo sanad ku dhowdhow markii qaarkood iskood shaqada uga tageen,xilalkan uu Siilaanyo magacaabay maanta ayaa kala ah:-

1- Faysal Cali sheekh oo loo magacaabey Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha debeda awel horena ahaa agaasimaha guud ee warfaafinta

2- Cabdirashiid Jibriil Yoonis oo loo magacaabay Agaasimaha guud ee warfaafinta

3- Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed oo loo magacaabay Agaasimaha guud ee diinta iyo awqaafta

4- Axmed Cumar Faahiye oo loo magacaabay Agaasimaha guud ee arimaha gudaha

5- Saleebaan Jaamac Diiriye oo loo magacaabay Agaasimaha guud ee maaliyada iyo

6- Maxamed Daahir Axmed oo loo magacaabay xidhiidhiyaha raashinka deeqda ah ee ay bixiso hayada caalamaiga ah ee WFP.

Dhinaca kale wuxuu madaxweyne siilaanyo xilkii ka qaadey xidhiidhiyihii hore ee raashinka deeqda ah ee ay bixiso hayada caalamaiga aha ee WFP Axmed Xasan Nuur,.

No comments:

Post a Comment