Sunday, December 30, 2012

Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyey Miisaaniyad Sanadeedka 2013-ka

Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyey Miisaaniyad Sanadeedka 2013-ka

Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyada Qaranka Ee 2013ka......

Hargeysa (GNS) - Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyada Qaranka Ee 2013ka 
Mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland ayaa dood ka dib ansixiyey Odoroska Miisaaniyada Qaranka ee sanadka soo socda 2013-ka. 

Mudaneyaasha golaha wakiilada oo maalmahan ku mashquulsana odoroska miisaaniyada qaranka iyo su'aalo ka weydiinta masuuliyiinta wasaaradda maaliyadda ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey miisaaniyada qaranka ee Sanadka soo socda. 

Fadhiga maanta ee Golaha oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha 
Golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waxa ka soo xaadiray 43 xildhibaan, waxaana gacan taag loo sameeyey ogolaanshaha ansaxa miisaaniyada dalka ee 2013 ogolaaday 36 mudane, 5 xildhibaan ayaa diiday, 2 xildhibaana way ka aamuseen, waxaana sidaasi ku ansaxay miisaaniyada 2013-ka. 


Gabiley News Desk 
Hargeysa 

No comments:

Post a Comment