MAYOR YUUSUF WARSAME SICIID HORMOOD KA BAXAY  SOOMALILAND
    WQ Axmed Xasan Carwo
    
                
    Waxay  iga qaadatay inaan maqaalkan qore muddo dheer, waayo waxaan xusuusta Yuusuf  balamadii na dhex yaalay, himmiladiisii, kolkaas ayaan waayaa geesinimo aan  qoraalka leynka hore ku labeeyo. Waa adduuno inaguna aadmi ayeynu nahay oo ilow  ayuu Raxmaan inagu manastay. Waa nimco haddayna jirin aynaan sii noolaanayn.
    Waa Axad  waana 7 April 2013. Waxaan caadaystaa inaan foonka silent ka dhigo intaan hurdo.  Waan shaxaadaa hurdada oo haddaan wax yar tooso ku noqosho ma leh. Kolkaan  indhaha kala furo waxaan eegaa foonka waxa war soo dhacay. Waa 6.40  subaxnimo..waa laba fariimood iyo tobaneeye wicid-foon. Caado ahaan tiradan oo  kale  iimey iman jirin intaan hurdo.  Dareen ayaa I saaqay. Anoon fariimihii furin ayaan sawiray naxdinta ay  xambaarsan yihiin. Waayahanba waxa nagu taagnaa nabar dhina xanuunka Yuusuf iyo  Abu Dabay nooga imanaayey. Anoon kalsooni qabin oo naxdini dhammeysay jidhkeyga  ayaan furay fariimihii waa hoog iyo murugo dhabowday. Waa tiiraanyo tii ug cuslayd,  waa mid damqashadeeda Soomaliland oo dhami dareentay. Waa xaq aynaan inta badan  xusuusan. Waa geeridii Mayor Yusuuf Warsame Siciid oo tol iyo saxiiba leysoo  tebiyey.
    Dhidid  iyo wadno garaac is barkan ayaan ka haleeley Ina Lilaa Wa ina illeyhi  raajicuun. Muddo dabadeed ayaan Alle iyo qadarkiisa xusuustay waxaan tukaday  laba ragcadood iyo duco. Waa hubaal inaan Qadarka eebbe cidina baajin Karin.  Dunidu waa geedi aan nagaansho lahayn, waa ayaamo tirsan oo Alle qofba in ka  siiyey. Waa xaqiiq aynu dhammaan hubno in qabri iyo xisaabi inaga dambeyso.  Xaal kasta ood ku nooshahay qani iyo faqiir, caafimaad qabe iyo bukaan socod,  madax iyo shacbiba waa mid aynaan shaki ka qabin inaynu dhadhamin doono sakaraadka  geerida qofba inta Alle u qadaro, keena nasiib wacana la aasi doono. Illeyn dad  badan ayaan aasba helin oon raqdoodaba la arag.
    
             Waxaan  u kacay dhinaca Madaxtooyada oon iriddaba kula kulmay gurmadii ka yimid  dawladda hoose oo uu hogaaminaayo Mayor Xigeenka iyo Xildhibaano ilaa lix ah.  Waxaanu u galnay Madaxweyne Xigenkii annagoo dhammaan tacsi iyo murugo nagu  dhantay. Waxaana bilaabmay tabaabushiihii aaska qaran. Waxa dhammaan loo tegey  Madaxweynahii. Taladina waxay ku dhammaatay aas qaran iyo tacsi taabatay  quluubta dhammaan reer Soomaliland.
    Haddaba  aaskii oo dhammaan laga daawaday Tviiyada Soomaalida oo dhan, aan ku dhaafo  inaan hore loo arag baabuurta iyo dadweyne xadigaas leh oo meel kasta dhooban.  Min madaarkii Berbera oonu diyaaarad yar ku tegnay kuna soo qaadnay maydka  marxuumka. Waxaan adkeysan kari waayey kolkaan arkay dumarkii la socday maydka  oo murugo iyo oohin indho casaysay. Waxaan isku dayey inaan dejiyo oon  qaboojiyo dareenkooda xusuusiyana qadarka Alle iyo samir. Waa Khadra oo xaaskii  Yuusuf ah, waa inantiisa Ayaan, waa walaalihii Nimco iyo Saynab, iyo inanta uu  abtiga u yahay ee Khadra. Waa  ehelkay oon  aqaanay ilaa caruurnimadii. Ilmaa buuxisay indhahayga kolkaas ayuu sankuna dareenkiisa  raaciyey. Intaan sii jeestay ayaan iska biiyey, deedna aan calool adeeg mid  walba tacsi iyo samir u jeediyey. Waa goob murugo iyo meel duhur dharaareed  iigu muuqday mugdi habeenimo.
     Berbera waxa ku sugnaa dhammaan madaxdii  Berbera mid xukuumadeed, mid dhaqan iyo mid xisbiba. Sidoo kale ayaa loo tubnaa  madaarka Hargeysa oo dadki oodda soo jabiyeen kolka dayuuradii cago dhigatay..  Waxa lagu qamaamay sanduuqii maydku ku jiray. Ruux waliba waxuu rabaa inuu  gacantiis la gaadho meel ka mid ah sanduuqa. Baabuurtii oo jid kasta loo xidhay  ilaa qabuuraha Xeedho waxay noqdeen qaar labada haadba mara. 
    Marxuum  Yuusuf waxuu ahaa walaal, waalid, saaxiib iyo ruux aan ka qaato toobiyaha  nolasha. Intaan garaadeystayba waan aqaanay. Waxa marag ma doon ah inuu yahay  nin hantay quluubta shacbiweynha Soomaliland si gaar ahna kan muwaadiniinta  caasimadda.Waxuu ahaa nin waji-furan, afgaaban neceb xanta, gacan furan oo  kaftan badan, nin saaxiib badan oon xidhiidhka uu dadka la leeyahay ku salayn  qabiil,qowmiyad, degmo iyo gobal toona.Asxaabtiisu waxay yihiin qaar madow,  caddaan, gaal iyo muslinba leh.
    Waxaan  weydiiyey sida uu saaxiibadiisa u kala saaro. Waxuu igu yidhi isagoo  qoslaya.."Qadyadda Soomaliland ciddii aan ka hor imanayn waan la saaxiibaa"..  Waxay taasi I xusuusisay kaalinta uu ku lahaa halgankii SNM..isagoo abaabulkii  iyo ururiintii uu si gaar ah ugu suntan yahay inuu yahay ninka sameeyey  astaanta amba loogada SNM..
    
             Waxaan  ku farxay kolkaan maqlay inuu isu sharaxay mayornimo. Dad badan ayaa is  weydiiyey maxuu Yuusuf aqoontiisa sare iyo khibradiisa ula tartamayaa dhalin  aan midna haysan. Yuusuf waxuu ku jawaabay hadal ninkii maqlayba ka marag furay  dal jaceylkiisa iyo hammigiisa ku salaysan wax qabad iyo badbaadin ummadeed.  Waxuu yidhi…"Waxaan rabaa inaan aqoonteyda ku dhiso magaalo casri ah iyo gole  lagu xusuusto wax-qabad iyo horumar. Waxaan rabaa in doorashda tan xigta ay  Golaha ku tartamaan rag iyo dumar aqoon iyo miisaan dhan walba leh, oo laga  guuro suáasha igu badatay ee ah maxaad hoos isagu dhigeysaa. Waxaan rabaa in la  yidhaahdo waar hebel maxaad isu sharaxi weyday adaa xilkaas ku habboone ….oo  aqooni taliso…"
    Waa  adduunyo oo inana qorshaa inoo yaal tii Allena maqan. Wuu guulaystay oo waliba  uu cod ka helay degmo kasta oo ka tirsan Hargeysa. Waa leysku raacay oo afka  laga dhigi waayey sida Hargeysi u heshay mayorkii ku habboonaa. Waana isla  aragtidaas tan dadweynaha Hargeysa ku sagootiyeen Mayor Yuusuf Warsame.
    Aan  ku biiriyo aqoonta iyo khabradda Yuusuf oon wax yar idinla wadaagi doono, si  aad uga marag furtaan aragtida reer Hargeysa ku gaadheen inuu qalbigood  fadhiisto, wallow aanu hawsha maayornimo dhaqaajin oo tii Alle ka soo gaadhay.
    Yuusuf kolkuu Dugsigii Farsamada ee Hargeysa ka baxay  waxuu ku guuleystay kooras dalka Ruushka ah.
    Waxuu Diploma ka qaatay Moscow Road Institute, deedna  waxuu hantiyey Ms Arcitecture oo uu ka qaatay Kiev Engineering Institute. Waxuu  ku biirsaday tacliinta sare ee reer galbeed isagoo ka helay London University  College  Diploma; Regenration and  Development in Housing , Nottingham University ayuu iyana ka helay  Diploma: Environment Planning. Waxa xigtay  inuu casriyeeyo aqoontiisa oo uu ku gunaanado inuu Norwegian Architect  Academy  ka helo laba diploma  oo kala ah: Architecture and ecology iyo  Rehabilitation and Environment.
    Dhinaca Shaqada waxuu ka hawlgalay Xamar oo uu hormood  ka ahaa dhismayaashii kacaanka, waxuu sidoo kale ka hawlgalay Jabuuti iyo  Hargeysa oo lagu xusuusto jidadka iyo daa'irooyinka (Roundabouts) Jabuuti,  dhismaha barlamanka iyo nashqadeynta madaxtooyada. Waxaan la iloobi Karin  tobananka sano ee uu ka soo shaqeeyey Dawladda Hoose ee Oslo, caasimadda  Norway, dal uu haystay jinsiyaddiisa. Waxuuna ka mid ahaa ururo cilmiyeed iyo  qaar mihnadeed ooy ka mid yihiin: 
    
Member of the National  Association of Norwegian Architects.     Registered Chartered  Architect, MNAL.
    International Union of  Architects, UIA. 
    Member of Oslo  Architects society. OAF.
    
    Waxa kale oo uu ahaa nin muddo ahaa La-taliyaha  Mayorka Hargeysa oo ku dhalisay inuu xilkaas doonto kolkuu arkay baahida taala  iyo siduu wax uga qaban lahaa.
    Marxuum Yuusuf waxuu ku hadli jiray afafka  Ruushka, Norweygian,Ingiriska, Carabiga iyo  dabcan kan hooyo.
    
    Marxuun Yuusuf waxa la sagootiyey maamuus sare iyo  jaceyl qaran oo dhab ah.Waxaana u dhacday aas ina tusaaya jaceylka dadkiisa  inoona iftiiminaaya inuu heli doono naxariista Ebbe. Alle wuu waafajiyey  khaatumo san oo labadii sano ee u dambeeyeyba wuu xajay, isagoo kan dambe  ooridiisana kaxeeyey. Waxuu ii sheegay inuu sanad walba xajiyi doono inta uu  nool yahay.
    
    Yuusuf waxuu ifka kaga tegay afar uu dhalay laba wiil  iyo laba hablood iyo afar uu awoow u yahay seddex wiil iyo gabadh, dhammaana ku  nool Norway, iyo xaaskiisa Khadra oo Hargeysa ku nool.
    
     Waxaan tacsi  gaar ah oo qalbiga guntiisa ka timid u dirayaa Khadra oo xaaska Yuusuf ah,  tafiirtiisa iyo reer Warsame iyo tafiirtooda, si gooni ah waxaan u xusayaa  hablaha oo uu Yuusuf si aan xad lahayn ugu dhowaa: Caasha, Faadumo, Sahra,  Nimco, Safiya iyo Saynab. Waxaan leeyahay xaqqa Alle ayaan cidi baajin Karin ee  Alle haydin waafajiyo samir iyo duco haydina siiyo cawad kheyr badan. Aamiin.  
    
    Aan ku soo afjaro maqaalkan anoo ka wakiil ah ehelka  Yuusuf mahadnaq kal iyo lab ah oon u hayno xukuumadda, dawladda hoose, iyo  shacbiweynaha sida maamuuska iyo qadarinta mudan ee ay u oogeen aaska mayor  Yuusuf Warsame. 
    
    Waxa ila soo xidhiidhay dad badan oo raba in loo dhigo  habeen xus ah (Memorial) , waxaan balan qaadayaa inaynu samayn doono xuskaas oo  ay hormood ka noqon doonaan Dawladda Hoose ee Hargeysa kolka aynu isla meel  dhigno garabka haweenka oo weli aan ka soo kaban naxdintii geerida. Waa la  iclaamin xiliga ay ku habboonaato Insha Allah.
    
    INNAA LILAA WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.  
    
    Axmed Xasan Carwo
    La-taliyaha Madaxweynaha Sl ee
    Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
    
            Tel: Hargeysa 4096421
          http://samotalis.blogspot.com/