Thursday, September 10, 2009

Cirro: Haddii Barlamaanku Sii Xidhnaado Madaxtooyaduna Way Xidhmaysaa

Cirro: Haddii Barlamaanku Sii Xidhnaado Madaxtooyaduna Way Xidhmaysaa
 VOA

10-September-2009

Guddoomiye C/Raxmaan Cirro
Guddoomiye C/Raxmaan Cirro
Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),  ayaa ugu baaqay xubnaha Baarlamaanka in ay isugu yimaadaan Golaha maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Warayisi uu siiyay VOAda ayuu Guddoomiyuhu ku sheegay inaany sharci ahaan sax ahayn in ciidamada Boolisku xidhaan golaha Baarlaamanka, isaga oo ugu baaqay Shacabka in ay isugu soo baxaan golaha hortiisa oo si nabadgaliyo ah ay u difaacaan xuquuqdooda sharciga ah iyo golaha ay soo doorteen .

Guddoomiye Cirro ayaa ku tilmaamay in aanay wax loo dulqaato ahayn in ay ciidamada Booliska ay si sharciga ka baxsan ay u xiraan xaruunta golaha Baarlamaanka.

Golaha Baarlamaanka ee Somaliland ayaa xiran tan iyo maalintii Salaasadii kadib markii ay ku dhex dagaalameen xildhibaanada muxaafidka ah iyo kuwa mucaaradka, iyada oo mid ka mid ah xildhibaanada uu golaha dhexdiisa Bastoolad kula soo baxay.

Booliska oo amar ka haysta wasaaradda arimaha gudaha ayaa la wareegay mafaatiixdii golaha.

Hase ahaate guddoomiyaha baarlamaanka ayaa VOAda u sheegay in hadii Baarlamaanku sii xidhnaado ay taasina keeni doonto sida uu hadalka u dhigay in madaxtooyada la xidho.

Hadalka Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu maanta oo khamiis ahgaadhay magaalada Hargeysa Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Axmadu Walad Cabdalla, iasa oo la kulmi doona madaxda maamulka iyo madaxda xisbiyada mucaaradka ah.

Waraysiga Guddoomiyaha ka dhegayso 

Listen to This Report Guddoomiye Cirro
Dhegayso (MP3)
SAMOTALIS

No comments:

Post a Comment