Monday, September 28, 2009

Dhexdhexadin kasta oo la galo, gacan Dulmi ku nool ahayd yaa joojinaya?!! UDUB maxay ku xidhey Guddoomiyihii Gobalka Caasimadda ee Kulmiye?!!


Sharciga Doorasho,waxa uu dhigayaa inaan la xidhi-karin, la xayiri karin, Xubin ama Xubno ka mid ah Goleyaasha Fulinta, Goleyaasha Dhexe ee Xisbiyada Saddexda ah ee Qaranka xilliga Doorasho!!.  Sidaas oo ay tahay ayaa haddana habeenkii Xalay la xidhey Mudane Xamarji oo ah Guddoomiyaha Gobolka ee Xisbiga Kulmiye ee Hargeysa!!  Maaha markii ugu horreysey ee Mudane Xamarji la xidho ee Markasta oo laga soo jabo UDUB, Boliska UDUB ee Dambi Baadhista ayaa lagu xidhaa !!
 
Waxa ay Xaalad abuur aan loo baahneyn ay soo sameysay ee Markii Xaqiiqada la waajahsiiyey ay ergo iyo dhexdhexaadin Dalka gayeysiisayna way ka dheregsan tahay Ummaddu> Gaan Dulmi ku nool ah, sagaal jeer oo Mudanka Ummaddu u ergeeyo, waxa UDUB ay Ummadda abaal uga dhigtaa in ay meel kale isla markaaba ka huriso mushkilad hor leh!!
 
Madaxweynaha Dalka oo isla Markaana Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka haya ee UDUB, waxa aan leeyahay, mudane loollan Siyaasadeed ayaa innaga dhexeeya oo annaga ayaa farsamo iyo aqoonba fiican ah, kaana waayo aragsan ee Xisaab safeyn hadba Madaxda Xisbioyada Mucaaridka ah , maleeshiyada UDUB Sharci darro ku xidhato maaha. Haddii uu Mudane Xamarji ku badiyey Tartankii soo jiidasha Bulshada , in awoodda qaran ee aynu u simannahay loo adeegsado Maaha!! Waxaan Codsaneynaa in Shuruucda Dalka iyo Dastuurkaba ay dhawraan kuwii ka Mas'uulka ahaa ilaalintiisa !! Waa nasiib-Darro in Madaxdii Dalka laga horjoogo , Muwaadiniintii ay Ms'uulka ka ahaayeen, waqti ay Puntland Gobol iska dhan oo Somaliland ah Wax ay isirnimo ku sheegtey oo aan meel ku lahayn shuruucda iyo qawaaniinta Dawliga ah, qaramada Midoowdey iyo Midowga Afrika.
 
Xadhigga Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga Kulmiye , waqti uu sii qiiqayo Dabkii imika uun la bakhtiiyey ee khilaafka Dastuuriga ahaa Maamulkanuna sababay, Waa gardarro caddaan ah oo muujineysa in aanay UDUB raalli ka ahayn heshiiska lixda qodob ee ay Saxeexdey,  farsamo ay kaga galgalatana xadhiggiisa xaalad-abuur ka dhasha ay uga Golleedahay!!  Waxaanu codsaneynaa in bilaa shuruud lagu sii daayo, lagana waantoobo in laga kalluumeysto Biyaha Cakiran. UDUB ruux Riyaadi ah ha ku Cayaarto Xeeladaha doorasho ee Awoodaha qaranka ee loo siman yahay aanay ugu adeegsan annaga ayaa xilka haynna imika!! Haddii ay Dambi uu gacanta kula jirey ku haysose, waxaanu leenahay soo hortaaga Maxkamad Sharciya oo ku caddeeya, Muwaadinkase, Dastuurku xuquuqaha asaasiga ah ee uu siinayo yaan lagu tuman!!
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed        



1 comment:

  1. Hello Everybody,
    My name is Mrs Sharon Sim. I live in Singapore and i am a happy woman today? and i told my self that any lender that rescue my family from our poor situation, i will refer any person that is looking for loan to him, he gave me happiness to me and my family, i was in need of a loan of S$250,000.00 to start my life all over as i am a single mother with 3 kids I met this honest and GOD fearing man loan lender that help me with a loan of S$250,000.00 SG. Dollar, he is a GOD fearing man, if you are in need of loan and you will pay back the loan please contact him tell him that is Mrs Sharon, that refer you to him. contact Dr Purva Pius,via email:(urgentloan22@gmail.com) Thank you.

    BORROWERS APPLICATION DETAILS


    1. Name Of Applicant in Full:……..
    2. Telephone Numbers:……….
    3. Address and Location:…….
    4. Amount in request………..
    5. Repayment Period:………..
    6. Purpose Of Loan………….
    7. country…………………
    8. phone…………………..
    9. occupation………………
    10.age/sex…………………
    11.Monthly Income…………..
    12.Email……………..

    Regards.
    Managements
    Email Kindly Contact: urgentloan22@gmail.com

    ReplyDelete