Hargeysa (Somalilandpress)- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay inay qaataan,
kana dhursugaan heshiiski xisbiyada iyo Lixdii qodob ee ay deeqbixiyeyaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka
ay go,aamiyeen inay kukala badbaadiyaan dhinacyada isku haya khilaafka cakiran ee siyaasadee ee hadheeyay siyaasada somaliland
Golaha guurtidu waxay sidaa aynu soo sheegnay ku go,aamiyeen fadhigoodii maanta oo ay ku balan sanaayeen inay mudada xil ahaynta ugu kordhiyaan madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. hase yeeshee golaha ayaa go'aankiisu u dhacay si aan la laga filayn,
ka dib markii shirgudoonka golahaasi u soo bandhigay in laga noqdo moshinka muddo kordhinta. isla-markaana ay xal u arkeen
shirgudoonku inay badbaadiyaan qaranka oo qaataan go'aamada ay u arkaan xalka kama dambaysta ah ee ay isku raaceen
saddexda xisbi qaran , go'aankaas oo ay soo bandhigeen daneeyayaasha dimuqraadiyada Somaliland. ka hor intaan soo jeedintaa loo codaynin ayay shirguddoonku ku wargaliyeen mudanayaasha inay soo gaadheen go'aan ay ku salaynayaan heshiiskii Beesha Caalamka ee ay saddexda Xisbi wada aqbaleen ee kala ahaa:
1. In Koomishanka doorashooyinka wax laga bedelo, weliba hoggaanka
2. In Seerfarkii dib loogu soo noqdo, oo ay khubaro imanaysaana dhammaystiri doonto waxa ka dhiman.
3. Wakhtiga ay doorashadu ku suurtoobayso, waxa ka wada tashanaya koomishanka dorashooyinka iyo khubarada imanaysa, waana go'aan ka fog siyaasadda oo ah go'aan farsamo.
4. In Wada Jir loo wada shaqeeyo
5. In Doorashoyinkan iyo kuwa dambe ee soo socda lagu galo diiwaangelin.
6. In Saddexda xisbi soo saaraan go'aan wada jir ah, marka lagu heshiiyo qodoban, si loo ambo qaado hawshii doorashada
kuwaasoo ay sheegeen inay u arkaan xalka kaliya ee lagu kala badbaadi karo ka gole ahaana ay dhex ugu noqon karaan Axsaabta isla markaana ay danta ummaddu ku jirto
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlay Golaha ayaa yidhi " manaan jeclayn maanta oo jimce ah in aan u codayno arrintan, balse duruufta taagan iyo xaalada aynu ku jirnay ee aynu iskugu nimimd culayskeedaa keenay, hadii aanu Shirgudoonkayagu Shirnay, Rogrognay xaalada maanta, rogrognay maxaa dana, rogrognay badbaadinta iyo xasiloonida Qaranka, tixgalinay Qodobadii Heshiisiinta ee Beesha Caalamku soo jeediyeen ee lixda Qodob ahaa ee ay u soo jeediyeen Saddexda Musharax, hadii aanu tixigalinay xaalada maanta taagan waxay noogu eekaatay oo talo idiinku soo jeedinaynaa, Go'aanka maanta inaga soo baxayaa inuu ku salaysnaado ogolaanshihii labada Xisbi mucaarid shalay inoo sheegeen, Madaxwaynahuna sheegay ku dhaqankiisa inuu Go'aankeenu ku salaysnaado "
Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Golaha Guurtida Sheekh Axmed Nuux Fure ayaa isna mudanayaasha la hadlay waxaanu yidhi " waxaynu isku haynay ee aynu u murmaynay waxay ahayd yaynaan Dawlad la'aan ku dhicin oo ninba si u arkayay, markaa waxaanu isla gaadhanay inaynaan keenin wax ka baxsan wixii Caalamku inagula taliyay ee uu inoo soo jeediyay, Saddexda Xisbina ay ogolaadeen inaynaan inagu bogjeexin oo ay korodhsiimadeenu ku fadhido inayna Dawlad la'aani inagu dhicin"
waxa halkaa ka akhriyay soo jeedinta Shir-gudoonku u soo jeediyeen Xildhibaanadu inay u codeeyaan Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Siciid Tima wayne, waxaanay ahayd soo jeedinta loo codeeyay sidan:- iyada oo aan la ogayn dib u sixida Diiwan-gelintu wakhtiga ay qaadanayso, Dalka oo aan loo bahnayn in uu ku dhaco Dawlad la'aan ama meel madhan, isla markaana tix-galinayna talo soo jeedintii beesha Caalamka, sidoo kalena aragnay aqbalaadii Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka sidaasi darteedna Mudo kordhinta Xilka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenku waxay ka bilaabmaysaa 29/10/2009 ilaa bil ka dib maalinta ay qabsoomto Doorashada Madaxtooyadu"
No comments:
Post a Comment