| Wasiirka arrimaha Guduhu, xeeladdii "Godka Nabadsugidda" isaga oo adeegsanaya , ayuu habeen badhkii cutubyo boolis ah oo watey gaadiidka Booliska uu ku amray Taliyaha Booliska isu rogey maleeshiyada xisbiga Talada Dalka haya, oo uu yidhi Xildibaanno dhawr iyo soddon ah oo ku shirayey ,Guriga Xildhibaan Nacnac , soo qabta!! . Axmed dhagax waa Deegaan ilaa 1960kii dhibaatada Dalku ku dhacdo, dheftiisana layska hortaago, haddana aan dheg u dhigin ee qarannimada somaliland Madax ka gashey oo aan cidna ugu joojineyn ilaalinta amniga iyo xasilloonida Dalka. Shaleydii dhaweyd waqtigii aynu Dabdemiska u deydeyeyney mushkiladdii Maamulka Cigaal iyo Dagaalladii sokeeye kala haystey, waa deegaankii Salaadiinta Somaliland , Guri lagu martiqaadey , sidan oo kale , weerarka loogu soo qaadey ee isla sidan oo kale , markii la arkey in rag aan loo dhaafi karini horjoogaan salaadiinta, xukuumadu iskala noqoty ciidankeedii. Waa deegaankii Afweyne dhagaxa lagaga eryadey Garoonka Kubbadda Cagta !! Sidaas oo ay tahay, waxa dhuumihii biyaha ee Deegaankaa laga jary meel ku beegan Maxkamadaha , waxaana maqan dhawr iyo tooban dhuumood oo dhuumaha biyaha qaada ah!! Biyo la,aanta Deegaanka Axmed Dhagax wax uu ka mid ahaa, culeysyada, sida falastiinta iyo Ciraaq, Water or Political Allignment!! Biyo in uu Deegaanku ku helo taagero Siyaasadeed uu UDUB siiyo!! Beelnimo ayaa wasaaradaha Dalka lagu qaysadey, Maamulku tiradii ay beel ahaan u heleen badhna Riyaale ayaa wasiir beeshiisa ah ku meeleeyey, midna guulwadeyn ayuu ku doorsadey, yeelkadiisa ayey yidhaahdeen. Mudane Wasiir Cirro, Xildhibaan Nacnac iyo Xildhibaannada kalba , inay yihiin Muwaadiniin meel ka dhac Maamulku ku sameeyey oo qadiyad Dastuuri ah , Madashii Ummaddu u gu igmatey inay uga adeegaan, sharci darro looga xidhey wuu moog yahay !! Daarta Abu-Suyaanna waxa ay u tageen, waa ogaal ay ogyihiin in ay Aamin ku yihiin Deegaankaas oo haddii aanu qof ka hadheyn aan Marti u timid lagala hoos baxeyn, iayaga oo xaq darro lagu hayona wey kaba xad jirtaa. Xarunta SNM ee Maydaanku , Balli Gubadle ayey ahayd, Raadyow Halganna iyada uu yaalley, tuur iyo Tarbiicoba faqash wey isu yeeshay oo wey awoodi weydey inay Idaacadda Halganka ee ay Ogeyd arkeyseyna , Trailerka uu saaran yahay inay wax yeesho ama qabsato!! Habeenkii Ciidanka uu Cabdicasis jaamac Barre oo uu Afweyne adeer u ahaa, Ciidankii Deegaanka oo Hawlgal ugu maqnaa berbera ay cidlda moodeen ay ay soo weeraren, 17 mujaahid oo keliya ayaa joogey , inkasta oo intoodii badneyd ku shahiiddey difaaca Deeganka iyo Idaacada, haddana wey dhacsadeen oo weji gbax ayey la hulleeleen cidankii Duullaanka ahaa, Cabdicasiisna , "Conventional wars"ka uu xasusto ayuu dagaalkaasi ku tilmaamaa , sida webka ku qoray!! Warkii xalay BBCda uu Mudana Guddoomiyaha Golaha Guurtidu ka sheegey, ee in Golaha Xilhibanada maanta la furayo ka sheegey Riyaale roob laxaadleh oo Hargeisa da'a ayuu ka doortey.!! Inkasta oo ay dhibicdu xooggan tahay oo aan ay teel teel yihiin, haddana , Xildhibaannada Golohoodii xoog ayaa Bulshadu ku jebisey, Maleshiyadii UDUBna cagaha ayey wax ka deydey, markii ay u adkeysan waayeen habqanka Bulshda gadoodsan!! Dhaawacu wuu badan yahay ayaa la soo sheegey dhimashaduse waa saddex keliya. Daruurtan saaka ku habsatey waxay la kacaysaa shaki la'aan nimanlkii dhiigga Muwaadinka ku mamay ee intay afka iska biiyaan dharka waddanka inoo xidhan jirey!! Maamulkii Ujeeddo-Badan , maanta ayuu ciin daaqey ee waa inoo labada Duhurnimo iyo BBCda. Wasiir Cirro iyo Afartii kale ee sharku, waa kan wixii looga taag-la'aaye , aynu nidhahno, "You askd for it !!" Odeyaashii Guurtida aan nidhaahno, Mid Kursi la saaxiib ahaa iyo mid Doolar ula saaxiib ahaa uu Diintiisa iyo Dalkiisa ku iibiyoba, Maanta ayeydun arkeysaa dhabta'e ninkad lug goyseen xaalkiisa bal eega!! si Alle idinku yidhaahdaba waa kaa camalkiinii!! Waxa Hargeysa maanta ka dhacay ee wlina socdaa, mid dhayal lgu dhaafayo maaha, ee Muwaadininta qurba joogga ah, waxa aanu u sheegynaa in aanay werwerin, Dalka inta ku dheeraadka ah ee ka xanuunsata in uu hanaqaado, soona hortaagnaa , ayaa laga rixayaa keliya ahe. Taliska la dagaallama Bulshadiisa taariikhda waxa ugu yaal in uu si xun u tago, waanay timi tuu ku tegayey. Waraabe luqunta laga jarey addimadana taar lagaga xidhay, Beer xoolaad tiro badan oo dariiqyada caasimadda soo gala lagu aasao oo habar dugaag cuni waayey, Culimo gawaadhi cascas wadata oo jabuuti nalagaga keeno iyo tan Golaha Xildhibaannada ka dhacdey Midnaba ku joogsan weydeyaye, soo masaar may liqin!! Albaabadii sanka dheer la gashaye , ha kaa saarto , wasiirka isaga oo dadka dhex socda aan cidi hadal haynow, halka qaar boqollaal sano ka hor xijabteyna , wanaaggoodii weli la hadal hayo. Deris ha kuu ahaato ayaan leeyahay in aanu sii jirin Maamulka qaar aan adduunyduba waxba la ahyn oo aanay ahmiyadba l lahayn adyadda ula taga. Xildhibaan nacnac iyo Hoyga uu galo midna laguma adyadoon karo, ninka il-qalloocan ku eegaana waa mid saacaddu ka dhammaatey , iyada oo aanu wax dambi ah Dawlad iyo shicib midna aan k gelin. Wasiir cirro , Golihii uu mafaatiixdiisa hayey Ciidankiisu , imika sow xildhibannadii ummaddu igmtey awood Bulsho kumay furan!! Ma wax lagu wada hadlo oo aan ahayn, adiguba caqlaad leedahaye, carar maxaa dhaama oo ay isaga iyo kooxdiisii u yaalla. Waar yaadha kala quusannaye qoomamo la'aada!! Madaxtooyada kuma laaluushno addoon shaadhkiisa ka yar batey, ee aqoon iyo Xilgudasho muujin iyo hoggaan wanaagsan oo dalka iyo Bulshada u adeega ayaa tartan doorasho loo qabtaa inta soo danyasa oo ay ku kala badiyaan!! ee maxaad taqaan! haddi la weydiiyey Maamulka, maxay maleeshiyo xisbiyeedda hubeysan ugu jawaabeen ee Gole Dastuuriya oo Ummadi si xor ah ay u dooratey, kuna jooga oo waafaqsan Dastuurka kalaashakov Guri walba yaalla loogaga xidhey !? Wixii Xoog lagu muquunsado, nin liita ayaa baryo ku doona ee xoog ayuun baa soo celin kara!!. Dr. Calli Cabdi Muxumed |
COMPREHENSIVE, INSTANTLY UPDATED INTERNATIONAL NEWS PORTAL WITH DEEP ANALYSIS OF ALL SOMALI RELATED AFFAIRS, SPECIAL ATTENTION GIVEN TO SOMALILAND NEWS.
Saturday, September 12, 2009
Maamulka ay ka dhan tahay , waxa Astaan u ah, Axmed dhgax ayuu iska dhex arkaa, kanna wa kamid.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment