Saturday, September 12, 2009

Rabshado Dad Ku Dhinteen oo Ka Dhacay Hargeysa

Rabshado Dad Ku Dhinteen oo Ka Dhacay Hargeysa


12-September-2009
Listen to This Report Warbixintii Hargeysa
Dhegayso (MP3)

Muuqaalka Mudaaharaadka
Muuqaalka Mudaaharaadka
Inta la ogyahay 3 qof ayaa dhintay ugu yaraan 7 kalena dhaawacyo ayaa soo gadhay Magaalada Hargeysa kadib markii saaka ciidamada amaanku rasaas iyo sunta indhaha kaga ilmaysiisa ku fureen dadwayne ka gadoodsan xidhitaanka Golaha Wakiilada.

Golaha Wakiilada ayaa saaka la filayay in la furo,  kadib markii uu xidhnaa maalmihii la soo dhaafay. 

Subaxnimadii saaka ayay shirguddoonka Golaha Wakiilada, Xildhibaano iyo dadwayne tiro badani isugu yimaadeen xarunta golahasi horteeda oo la soo dhoobay ciidamo tiro badan oo isugu jira Police iyo Milatary kuwaasi oo ku gadaannaa dayrka Barlamaanka ilaa dhinaca galbeed ee Madaxtooyada,.

Ciidamaada ayaa ka horjoogsaday shirgudoonka iyo xildhibaanadoodu inay galan golaha taasi oo keentay in qaylo iyo buuq ay  sameeyaan boqolal dadwayne ah oo ku sugnaa goobta iyada oo ay ciidamadu kaga jawaabeen isticmaalka sunta indhaha kaga ilmaysiisa iyo rasaasta nool.

Rasaastaasi oo inta la ogyahay ay ku dhinteen sadex qof todoba kalena dhaawacyo soo gaadheen, dadka dhaawacmay ayay wararku sheegayan inay ku jiraan laba ka mid ah boliska.

Dadwaynaha ayaa aad u gadooday isla markaana dhagxaan kala horyimi bilayska iyagoo isgoyka togdheerna ku gubay gaadhi xaajiyad ah oo ay leedahay wasarada maaliyada.

Guud ahaan waddooyinka halbawlaha ah ayaa xidhan oo dhagxaan waawayn lagu jaray iyadoo taayirada babuurtana lagu gubay wadooyinka qaar.

Madaxwaynaha Somaliland Daahir Rayaale oo ay wariyaha VOAda ee Magaalada Hargeysa ay ku booqatay Xaruunta Madaxtooyadaayaa ka cudurdaartay inuu waraysi bixiyo balse waxa uu Idaacada VOAda u ogolaaday in baaq nabadeed oo wada hadal u fidinaya dhinacyada ay iska soo horjeedaan waxaanu tacsi u diray dadki ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay rebshadaha maanta.

Warbixinta oo maqal ah ka dhegayso midigta sare ee boggan

No comments:

Post a Comment