Monday, September 7, 2009

Siilaanyo: Waa in Xukuumaddu Talada Wareejisaa

Siilaanyo: Waa in Xukuumaddu Talada Wareejisaa
 

07-September-2009
Listen to This Report Waraysiyada Somaliland
Dhegayso (MP3)

Guddoomiye Siilaanyo
Guddoomiye Siilaanyo
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sheegay in 27ka Bishan September  kadib  aanay u aqoonsan doonin xukuumda talada haysa xukuumad sharci ah, isaga oo ku baaqay in laga tashado ciddii talada si kumeel gaadh ah u sii hayn lahayd.

Waraysi uu siiyay laanta Af Soomaaliga ee VOAda ayuu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ee ka Jira Maamulka Somaliland Mr Siilaanyo ku sheegay in ay wada hadal kasta oo ay la galaan xukuumadda ay ku xidhianyihiin saddex qodob oo uu ku tilmaamay in ay  Muhiim yihiin.

Qodobada saddexda ah ayuu ku sheegay,  in xukuumadda Somaliland ay talada wareejiso maadaama sida uu sheegay uu wakhtigii loo kordhiyay ka dhamaaday, in la beddlo Guddiga doorashada isaga oo sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen xubno badan oo ku jira gudiga, iyo ugu dambayntii in la soo celiyo diiwaangalintii la laalay.

Dhawaan ayaa xukuumadda Somaliland ku eedaysay Axsaabta Mucaaradka ah in ay gacanta kula jiraan Golaha Baarlamaanka oouu saameeyay muranka dawladda iyo mucaaradka u dhexeeya , hase ahaate Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa eedayntaasi ku gacan saydhay isaga oo geestiisa dawladda ku eedeeyay in ay iyagu yihiin cidda sida uu sheegay u caga-juglaynaysa Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka.

Siilaanyo ayaa soo dhaweeyay Go'aamadii ay soo saareen Golaha Guurtiada Somaliland ee ahaa in ay dhexdhexaad ka noqonayaan muranka siyaasadeed waxaana uu soo dhaweeyay dhexdhexaadin kasta oo ka timaada Guurtida, Isaga oo xusay in ay jiraan dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay wadaaan dhinacyo kala duwan.

Mawqifka Xukuumadda

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud Gadhweyne, ayaa sheegay inaanay Xukuumaddu ahayn cidda dib u dhigaysa doorashada, waxaana uu tilmaamay in ay arrimahaasi u xilsaaranyihiin Guddiga Doorashada, isaga oo meesha ka saarey in uu madaxweynuhu xilka ka degayo.

Waraysi uu siiyay VOAda ayaa wasiirku waxaa uu ku sheegay in dawladda uu xil ka saaranyahay sugidda nabadgaliyada dadaalna ay u galayso sidii ay nabadda iyo kala dambaynta u ilaalin lahayd.

Waraysiyada Mas'uuliyintaasi iyo warbixnno faahfaasan oo falanqaynaya Xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland ka dhegayso midigta sare ee boggan.

No comments:

Post a Comment