Sunday, September 27, 2009

Wax aynaan qabsan , Cidi inoo qaban mayso , in aynu hadal, waxqabad Muuqda ku beddello Weeye!!

Wax aynaan qabsan , Cidi inoo qaban mayso , in aynu hadal, waxqabad Muuqda ku beddello Weeye!!

Waxa uu Dalkanu leeyahay  Xukaam iyo qareenno badan oo shuruucda kala Duwan, mid qaran , Mid Dawli ah iyo Mid takhassuseed gaar ahba, haddana Maxkamadeheenna iyo Saldhigyada Booliska waxa ka socda , Shuruucdii Faqash laga dhaxley ee  cabbudiska iyo  Digdigta miidhan ahayd!! Halgankii iyo Xornimada aynu la soo noqonneyba way ka xog la'dahay  Wasaaradda Garssoorku !!  Aqoon-Darro kama jirto wasaaradda eh, Maxa loo sameyn waayey, Xeerka Madaniga, Ciqaabta iyo Xeerka Habka Maxkamadaha ee Somaliland oo aan ahayn in kaa hore ee aynu sheegney jaldiga uun laga beddelo!!

 

Maashaa Allaah, Caasimadda koonaha aad ka wareegtoba waxaad arkeysaa Akademiga fulaan, jaraa'idka waxaad ku arkeysaa jaamicado laga qalin jebinayo, haddana Askari  Maleeshiyo ah oo aan Astaan qaran, Darajo iyo Aqoon –Shuruuceed midnaba lahayn ayaa  Xildhibaanno Bulshadu six or ah oo Dastuuri ah u soo Dooratey , huwanna  dhawristii Diblomaasiyadeed ee qaranka Somaliland, graca oo xidha !! Aqoontan intan leegina ay Dalka joogtaa!!  Inanka Dugsiga sare ka baxaa  aqoon sidii taariikhda loogu dhigey ayuu bartey ee  Maaddadda  Oxygeneka  ma Diyaarin karo haddii qalabka lagu sameeyo la hordigo, Theory ahaanse wuu u fasirayaa!! Waxbaradaay, maxaa innaga horjooga in aynu  Tacliin la dabbaqo barno Ubaxa Dalka ee Madaxda burrito noqoneysa!!?

 

Ciidammada Asluubtu, Siyaasaddii hore ee loo sameystey Dalkan si loo cadaadiyo Bulshadiisa in ay weli Dabada hayaan maaha. Jeelku Maaha meel lagu cadaabo Muwaadinka gafa ee Waa  Madal lagu qoro, lagu Xardho iyada oo Edbin nidaam barid ah iyo Waxbarasho loo fidinayo si uu  Muwaadin Caafimaad qaba isaga oo ah Mujtamaca xubin farsamo la soo barey, shuruucda loo soo laqimay, amar qaadashada soo bartey uu ugu soo noqdo, ilaa maanta, himil;adaasu wey dhiman tahay!! Wasaaradaha Dalxiiska iyo  Hiddaha iyo Dhaqanka, Hoggaan  Wax-garad ahi Wasaarado gooni u taagan kamuu dhigeen waqtigan ee Midba Wasaaradda ugu dhaw Wada –shaqeyntooda ayuu ku dari lahaa!!  Hiddaha iyo Dhaqanow, wax kaleba ha joogaane, Ummad aan Tiyaatar lahayni Ummad dhaqan leh Maaha. Haddii aad qaadhaan Dadweyne Furi lahaydeen, Maanta Caasimaddu  Tiyaater way lahaan lahayd, Dalxiiskuna  Haddii uu ka hawlgeli lahaa dhawr Goobood oo Dalka ah, Ganacsatada Waaweynna  si dhaw ula shaqeyn lahaa , Maal gashi Shisheeye iyo Waddani ahba oo Dalxiis , waa fursado waaweyn oo ilaa imika Dalka  ka jira kana furan ee Cudurka kaa gala Fardaha , haddii laga gubo Dameer , Dawada lama gaadhi karo!!  Aqoon , Aqoon Aqoon ayaa fursadaha Himilo Furta ee Af-laga hadlaa ma furo!!

 

 

Dalkan khayraadka jiifa iyo Bad barrigiisu , Saddex Dawladood oo Somaliland leeg ka badan ee labada Musiibo ee horjooga, gegidan cidlada ahna ku hayaa, Waa  Siyaasadda inta Cunaha kaga maran Ummadda ee isku bahaysatey Maamulka oo Aqoonta ku xajiimoota, , Xilalka Dawladda lo ohayo oo aan lagu xisaabtamin Mas'uuliyadaha Waxqabad, Maamul aan qorshe Qarameed Muddeysan oo Horumarineed iyo Aragti Hoggaamiye qaran oo lagu hago Dalka  aan lahayn!! Baarlamaankii Ummaddu soo dooratey oo imika waxay la iman mooyaane hore khuuro ugu jirey, Sanad walbana Miisaaniyad  Macmal ah oo aan Xisaab Xidh iyo lifaaq qorshe qarameed opo Muddeysan midna wadan ansixinaayey, Dalka iyo Bulshada 96%ka shaqada kla'na aanu hal shilin ugu jirin eek u ekeyd uun Maamulka!! Waxa Nasiib Darro ah in Goleyaasha Sharci-Dejintu ka warhayso  Boorame iyo Awdal in ay Birr Xabashi ka socoto, Sool Sanaag iyo Togdheerna Giimbaartu, Bal hadda ka sheekeeya sida Cashuur mideysan Gobollada Dalka oo Dhan looga soo xareynayo iyo sababta sannadkii 19aad Maamul xumo Dalka u ragaadisey ee aynu Dalkeenna lacagta Somaliland uga socodsiin la'nahay?!!

 

Warshaddan Sibidhku beri hore ayey shaqeyn lahayd haddii Maamulku Saamiyo dhex dhigo Ummadda Soomaliland, Kumannaan  Muwaadinna wey u shaqo tegi lahaayeen, waanse loo jeedin oo  Komishan iyo saamiyo ayaa lagu doonayaa cid loogula gurguurto, sidii adhiga iyo Shidaalka !! Saxaafadda Curdinka ah ee Madaxa Bannaan waxaanu ka codsaneynaa in ay la jaan-qaaddo,  Aragtida waxqabadka iyo hufnaanta ku saleysan oo ay

Saxaafadda Baac dheer u yeelaan ay isla wararka ay qorayaan raaciyan tioxraacyo iyo dhacdooyinkii hore ama khalfiyadaha warkaasi lahaa "Analytic Journalism" ee Sidii Maamul;kii Afwene " Jaalle Warsame  wuxuu soo indho-indheeyey aanay inna odhan!!. Warsamahan oo ahaa nin ay odeyga isku hayb ahaayeen oo  Agaasime Guud iyo Wasiirba soo Marey indho-la'aana. Weriye Axmed Xassan Cawke oo Habeenkaa warka ku qorraa ayaa warqaddii wakaaladda wararka ee Sona ay ku soo qortey , Markey indhihiisu ku dhaceen ereyga indho-indheeyey, qalinlkii jeebka kala sooo baxay oo dhar ilbidhiqsi ku beddeley, Jaalle Warsame wuxuu soo dhego-dhegeeyey !!!!  Subaxnimadii ayaan isla soo taagey kaafateriya ay Idaacaddu lahayd horteeda ,, Faadumo Cumar Xaashi oo Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha ee Xisbiga Hantiwadaagga ka tirsaneyd oo Weriye Axmed ku haysata , Amarka iyo sababta uu warkii SONNA ku beddeley?

Cawke inta uu qosley ayuu ku yidhi Faadumo" Jaalle ma waxaad dooneysaa in layska xdho Idaacadda muqdisho dhegeysigeeda ? Waayo bay tidhi, Wuxuu ugu jawaabey. Faadumooy Ummaddu way garaneysaa Warsame indhoole in aanu waxba indho-indheyn Karin ee uu indho-la'yahay ee Tawraddu ma been Sharciyeysan ayey na baraeysaa? Aboowe maya ayey tidhi intey Axmed Gacanta qabsatey oo ay igala yar fogaatey, iyada oo aan ahayn sidii ay noogu timid ee qosleysana wey naga tagtey!!

 

Saxaafadda  Xil weyn ayaa ka saaranm kor u kicinta Dalka. Waa inay iftiimiso xaqiiqada xilgudasho ama gudasho la,aan ee Mas'uuliinta iyo  shuruiuc ku dhaqannimada  Mas'uuliinta Dalka iyop Muwaadiniintaba.

 

Dr. Cali Cabdi Muxumed

 

 

 

 

 



1 comment:

  1. Hello Everybody,
    My name is Mrs Sharon Sim. I live in Singapore and i am a happy woman today? and i told my self that any lender that rescue my family from our poor situation, i will refer any person that is looking for loan to him, he gave me happiness to me and my family, i was in need of a loan of S$250,000.00 to start my life all over as i am a single mother with 3 kids I met this honest and GOD fearing man loan lender that help me with a loan of S$250,000.00 SG. Dollar, he is a GOD fearing man, if you are in need of loan and you will pay back the loan please contact him tell him that is Mrs Sharon, that refer you to him. contact Dr Purva Pius,via email:(urgentloan22@gmail.com) Thank you.

    BORROWERS APPLICATION DETAILS


    1. Name Of Applicant in Full:……..
    2. Telephone Numbers:……….
    3. Address and Location:…….
    4. Amount in request………..
    5. Repayment Period:………..
    6. Purpose Of Loan………….
    7. country…………………
    8. phone…………………..
    9. occupation………………
    10.age/sex…………………
    11.Monthly Income…………..
    12.Email……………..

    Regards.
    Managements
    Email Kindly Contact: urgentloan22@gmail.com

    ReplyDelete