Saturday, October 17, 2009

CODKAAGA KU CIIL BAX (18)...HADDAAD RUN IGA SHEEGTO BEEN AYAAN KAA ...



CODKAAGA KU CIIL BAX (18)...HADDAAD RUN IGA SHEEGTO BEEN AYAAN KAA SHEEGI

Ahmed Arwo

Maqaalkii hore een ku faaleeyey sababta looga waayey reer Somaliland intii dhexdhexaadka sheegatay inay soo-jeedin qodobaysan labada garab ee is hayey u soo dhigaan sida ay yeeleen deeqbixiyaashu, ayaa waxa iiga yimid jawaabo 10nee ah oo dhammaantood dhaleecaynaaya habka dhexdhexaadka Soomaliland u hawl galo. Waxa i soo jiidatay fikrad ay gabadhi leedahay oo ah in dalka ay joogaan dad aan ceebta iyo aflagaadada ka xishoon, oo cidii runta sheegi lahayd ka cabsanayso xagxagasho iyo dhooqeen magacooda laga dilo.Arrintaas ayaan uga dhigay sheeko aan horeyna wax uga tabtay oon dhammaadka maqaalkan ku bayaamin doono.

Aan u jeesto wacdaraha taagan iyo ismarin waaga durtaba afka la soo baxay. Waxa lumay waqti qaali ah oo ka go'ay dardargelintii loo waqti-xidhay taabogelinta arrimaha diiwaangelinta. Waxa aan weli la soo gudbin xubnihii komishanka. Xusuus ahaan ilaa hadda halkan ayuu xaal maraayaa:

  1. KULMIYE iyo UCID oo xubnahoodii waa hore gudbiyey. Labadaba la soo celiyey, UCIDna ay bedeshay, Kulmiyena uu isla xubintii laba jeer celiyey, Madaxweynahuna mar seddexaad ku soo ceshay.
  2. Guurtida oo iyana labadii xubnood ay gudbisay mid lagu soo celiyey.
  3. Maxadweynaha oon seddexdiisii xubnood weli magacaabin, jecelna inuu qarsoodi ahaan ugu gudbiyo Golaha Wakiilada.

Taas maxaad ka dareemi kartaa? Waxa cad in Madaxtooyadu wadato shax ay rabto inay ku hesho aqlibiyadda xubnaha komishanka oo ayna ku filnayn seddexda ay magaabaan. Waxa ay tebaysaa waa labadii xubnood ee waagii hore Guurtidu magacowday bal se ahaa qaar uu magacooda Madaxweynahu soo gudbiyey, waxa u muuqata falaastii oo bilaale ka dhiman yahay.

Waxa kale ee Madxtooyadu rabtaa waa inay mucaaridka ka dhex aloosto loolan qabyaaladeed iyo kala jabinta beelaha, si ay ugu tilmaanto inay ka leexdeen dheeli-tirkii beelaha ee ahayd qaaciido kumeel gaadh ahayd xiligii ugu horeysay ee ay jireen barlaman beeleysan, oo xiligaas uu Madaxweyne Cigaal ku dhisay hab la socda nidaamkii waqtigaas jiray. Waxa taas laga gudbay doorashadii ka dib oo la dhisay seddex Gole oo ku yimid doorasho. Ma se noqon mid madaxtooyadu la jaan-qaaday ee waxay kaga dhegtay qabyaalad, oo waxaynu xusuusanaa waxii ka dhacay kolkii Mujaahid Maxamed Xaashi mucaaradku soo magacaabeen iyo musanaabkii Madaxweynaha ee laga ladi waayey.... Taasi waxay ka dhigtay in lagu dhiiran waayo in inta kale arrintan ka hor-timaado. Waxay noqotay sunne iska socda oo ay xadaysay Madaxtooyadu,cidii ka baydhana lagu tilmaamaayo bidco.

Haddaba kolka Madaxweynahu,. magaacabaayo seddex xubnood oo ka duwan seddexdii beelood ee uu hore u soo magacaabay, isagoo meesha ka saaray xubintii Baligubadle, ee ay taasi soo shaac baxday, ayey Guurtidi iska argagtay ooy iyana baal martay sidii hore iyadoo soo dhigtay xubin Sanaag Bari ah iyo xubin reer Baligubadle ah. Riyaale waxa isku rogtay shaxdii uu isagu dhigay een loo baahnayn. Waxuu noqday nin seddexda beelood ee uu hore u watay ay hortimid Awdal oon weli xubinteedii la magacabin. Waxay noqotay afar uu rabay ooy seddex kursi ku soo hadheen. Mid uu tuuro ayaa ku adkaatay. Bal waxaad taas ag dhigtaa raga la tartamaaya ee beel walba food ka raba ee iimansan hal kursi oo keliya..

Weli kama hadhin shaxdii iyo shirqoolkii. Kolka taasi timid waxuu la yimid inuu yidhi, "aniga miyaa wax rasmi ah leyga helay. Waa in Guurti raacdaa qaacidadii hore". Wax cad iyo cidda uu magacaabayna ma sheegin. Waa khiyaamada ma ku baraa iyo cirka eeg. Waa Guurtiyeey soo bedela oo sidii hore raaca, aniguna sidaan doono ayaan yeelayaa, idiin sheegimaayo, ee idinku ii keena weliba muddo 24saacadood ah yeyna idinla dhaafin.. Madaxtooyadu sidii cadado ahayd dheg umay dhigin dhawaaqa dadweynaha.

Halkan ka akhri dareenka haweenka Soomaliland ee lixda Gobal oo aad uga xumaaday xubinta haweenka ah ee seddexda jeed la soo celiyey:

Haweenka Somaliland ee Lixda Gobol oo Dalbaday in la Ansixiyo Gabadha KULMIYE u soo Xulay Komishanka.. http://www.jamhuuriya.info/index.php?art_id=11970&categ=&expand=&file=view_article.tp

Madaxweynahu ma garan inuu xilka uu hayaa yahay mid qaran oo isagu jira seddex awoodood. Mar waa Madaxweyne Qaran (Head of state), marna waa Guddomiyaha Xukuumadda (Head of Government), marna waa Guddoomiyaha UDUB. Kolka loo soo gudbinaayo xubnaha komishanka, waxa u ciyaarayaa doorka Madaxweyne Qaran ( Head of State) oo waxuu huwan yahay sharaftii iyo maamuuskii dalka. Waxaa loogu gudbinayaa inuu isagu la yimaado isku-dheelitir iyo miisaan ay bulshadu ka wada muuqato dhinac gobal iyo dhinac jinsiba. Waa in seddexdiisa xubnood noqdaan qaar buuxiya sawirka guud ee qaranka Soomaliland kolka lagu daro afarta Guurtida iyo labada Mucaaridku soo magacaabeen. Ma aha inuu shaandheeyo oo uu ku xadgudbo shaqadii Wakiilada, waana mar kale oo uu jebiyey sharciyadda dalka weliba uu u badheedhay hawshii kala-xadaynta ee u garka ahayd Golaha Wakiilada. Sababta loo sii marinayaa waa taas.

Xalkii xubnaha lagu qiimeyn lahaa aqoon, khibrad, karti, hoggaamin iyo akhlaaq, ayaa Madaxtooyadu ka dhigtay mid lagu eego u dabacsanaanta dhinacooda. Xubinta Kulmiye iyo xubinta Guurtida lagu celiyey waxay yihiin dar intaasba ka soo baxay. Ilhaan waxa Madaxweyne daliishaday liis ay ku jirto oo ay ku weheliyaan kuwa manta isaga ugu dhow oo haya shaqo Wasiirnimo iyo mid hawl-wadeen UDUB ah. Ma odhan karaan iyana waa Golaha Dhexe ee Kulmiye. Sharcigu waa inaan ruuxa la magacaabayaa noqon xubin markaas ka tirsan hawl-wadeenada xisbiyada. Waxa Kulmiye cadeeyey in Ilhaan waa hore ka baxaday Maamulka Xisbiga, sida rag badan oo liiska la baahiyey ku weheliyaa uga baxeen.

Taas waxa ka sii adag, waa inaan Madaxweynahu xaq u lahayn shaandheynta iyo baadhista xubnaha loo keenay. Waa hawl loo daayey oo ay qaadi doonaan Wakiiladu. Inta magacaabista lihi waxay ka siman yihiin inayna shaandheenta lahayn. Waa mabda' asaasi ah, oon u baahnayn in meel fog laga dayo. Waxay ka dhigantay waan kula tartamayaa xukaamta inoo gar qaadaysana seddex anigaa leh, labana Guurtidaa leh, idina waa idinku midmid, intootabana anigaa baadhaaya oo ansixinaaya, kaan diida reeban, kaan doonaa dooran.

Aakhri sida Guurtidu u aragto: Guddoomiyeya Guurtida oo ku Gacansaydhay Codsi Madaxweyne Rayaale u Qaddimay: http://www.somalilandnet.com/news/headline_news/2008/20084518.shtml

Aan u noqdo cinwaanka iyo fariintii gabadha kuna saabsanayd cabsida laga baqo in runta la sheego, iyadoo kan runta sheega been iyo cay magaciisa lagu dilaayo. Waxa hubaal ah in qofka iinta badan ee falalka xun iyo sharka caadaystaa uu dhibsanaayo kolka laga sheego runta. Waxuu jecel yahay in la xawaasho oo iintiisa loo bedelo ammaan. Taas oo ah in been laga sheego. Waxa jiray dalka Talyaaniga laba siyaasi oo tartamaayey, ayaa dood dhexmartay, mid waxuu ahaa maafiyo aan wax lagu ammaano lahayn, waxuu bilaabay inuu ceeb iyo cay aanu lahayn kii la tartamayey uu meel walba ka riday. Kolkay dooda iska hor-yimadeen ayuu ninkii wacnaa yidhi maxaad beenta iiga sheegtay. Waxuu ugu jawaabay adigu maxaad runta iiga sheegtay....haddaad run iga sheegto anna been ayaan kaa sheegi doonaa...Waxaynu nahay ummad islaam ah oo waxa waajib inagu ah inaynu garta xaqqa ka sheegno, inaynu runta sheegno, beentana ka fogaano. Kollayba la waayimaayo cid aflagaado iyo been abuur laasimta, ee aan isku waanino runta iyo cadaaladda.

Sidaas iyo baryada Eebbe inuu ina waafajiyo tubta toosan iyo dariiqa xaqqa. Allow xaqqa u gargaar, daacadda noo door, daalinkana naga qabo.

Waa inoo maqaal kale iyo dhibta taagan oo dhammaatay, innagoo nabad, niyad san oo mustaqbal nuuraaya inoo iftiimaayo Insha Allah.

Ahmed Arwo

Samotalis"gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/


No comments:

Post a Comment