Tuesday, October 13, 2009

Dallad ay ku midoobeen Hablaha Aqoon-yahanka Somaliland oo Hargeysa Lagaga Dhawaaqay

Dallad ay ku midoobeen Hablaha Aqoon-yahanka Somaliland oo Hargeysa Lagaga Dhawaaqay

Hargeysa (Somalilandpress)- Waxa lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa 

Dallad ay ku midoobeen Hablaha Aqoon-yahanka Somaliland oo Hargeysa Lagaga Dhawaaqay thumbnail

furitaanka dallad ay ku midoobeen hablaha aqoon-yahanka Somaliland ee ka qallin-jebiyey jaamacadaha dalka iyo kuwa debeda oo loogu magac daray Somaliland Academy for Women Empowerment (SAWE).

jaamiciyiin1

Munaasibad loo sammeeyey furitaanka Akademiyada SAWE oo lagu qabtay hudheelka Maansoor, ayaa waxa ka soo qaybgalay Guddoomiyayaasha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo KULMIYE, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Axmed Siilaanyo, Wasiirrada Ciyaaraha iyo Arrimaha Qoyska Maxamuud Siciid, Faadumo Suudi, Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), siyaasiyiin tiro badan, xildhibaanno ka socdey Wakiillada, ururada bulshada, ardayda jaamacadaha iyo marti kale oo badan.

jaamiciyiin2

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamuud Siciid oo furitaankii ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay abuuritaanka dalladan ay ku midoobeen hablaha aqoontoodu dhisantahay, kuwaas oo uu ku macneeyey qaar kaalin weyn ka geli kara horumaka dalka iyo dhismaha haween tayo leh.

jaamiciyiin3

Guddoomiyaha Dallada ay ku midoobeen hablaha aqoon-yahanka Muuna Xuseen Khaliif oo faah-faahin ka bixisay ujeedada loo sammeeyey dallada SAWE, ayaa sheegtay in dalladani kulmin doonto dhammaanba hablaha ka qallin-jebiyey iyo kuwa dhigta jaamacadaha dalka iyo debeda. Guddoomiyihu waxa ay intaa raacisay in hablaha tacliinta bartay yihiin qaar qiimo weyn dalka iyo dadkaba ugu fadhiya, islamarkaan amideynta aqoontodu ay soo saari doono midho wanaagsan oo wax weyn ka bedela dalka.

faadumo

Marwo Faadumo Siciid oo ka mid aqoonyahanka Somaliland,oo hadal dheer oo qiire leh halkaa ka jeedisay ku soo bandhigtay sida haweenka looga duudsiyey xaqqii ka qaybgalka tallada xilalka Wasaaradaha dawlada iyo Baaralamaanka iyadoo si weyn u dhalliishay hoggaamiyayaasha Xibsiyada iyo xukuumadda oo ay ku tilmaantay qaar aan danayn iskana indho tirey kartida haweenka.

naago

Faadummoo waxay sheegtay in dallladani bilow u tahay aqoonyahanno wado cusub jideyn doona oo muddo dheer la sugayey, maadaama bay tidhi 'maanta uu caalamku marayo dagaalkii qallinka oo laga tegay kii qoriga'. Marwo Faadumo Siciid waxay haweenka kula dardaarantahay inay codkooda u meel-dayaan oo ay u coddeeyaan xisbiga u ogol inay haweenka siiyaan saami ku filan oo ay ku qabtaan xilalka kala duwan.

siyaasiyiin

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) oo munaasibadaas ka hadlay, ayaa hablaha kula dardaarmay inay dedaal muujiyaan, isla markaana ururkoodu ku shaqeeyo arrimaha dhaqanka Diinta Islaamka, isagoo halkaana ka tiriyey Maansada caanka ah ee Hablaha Geeska Afrika.

 

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Faadumo Suudi, ayaa iyana dhismaha dalladaas ku sifaysay fikrad caafimaad qabta, islamarkaana sheegtay inay rajaynaysa mid midho dhala.

rag

Ugu danbayntii waxa iyaguna halkaa ka hadlay Guddoomiyayaasha KUMLIYE iyo UCID Axmed Siilaanyo, Eng. Fasayl Cali-Waraabe iyo Safiirka Wareega ee Somaliland Maxamed Aar oo dhammaantod si weyn u soo dhaweeyey aas-aaska dallada ay ku midoobeen hablaha aqoonyahanka ah ee SAWE

No comments:

Post a Comment