Friday, October 16, 2009

Garaad Jaamac oo gooddiyay

Garaad Jaamac oo gooddiyay
 

 
 
Garaad Jaamac Garaad Cali
Garaad Jaamac Garaad Cali
Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa maanta si kulul u weeraray Somaliland, wuxuuna ku hanjabay dagaal.

Garaadka oo ay caro hadalkiisa ka muuqato, waxaa uu BBC u warramay ka dib markii la soo geba gebeeyay shir beeleed ka dhacay magaalada Nairobi.

Waxaa uu sheegay in Laas Caanood iyo Buuhoodle ay tahay in ay ka baxaan ciidammada Somaliland, haddii ay taasi dhici weydana ay Somaliland mas'uul ka noqoneyso wixii dhaca.

Warkan wuxuu sii daayay ka dib markii Nairobi lagu soo geba gebeeyay shir u socday beelaha Sool mid ka mid ah oo isagu Garaad u yahay.

Garaad Jaamac wuxuu ku tilmaamay in arrintu aanay ahayn qabyaalad la isku hayo, ee ay isaga iyo dadka uu Garaadka u yahayba ay ka soo horjeedaan kala go'idda Soomaaliya.

Baashe Maxamed, oo ah Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiillada ee Somaliland, ayaa ku gacan seyray hadalka Garaadka.

Waxaa uu ku tilmaamay in Garaadku uu yahay isaga Garaadkiisii laakiin luqaddiisa ayuu duray.

Wuxuu ku tilmaamay in aanuu Hargeysa u shaqo tegin ee Hargeysa ay tahay dalkiisii.

No comments:

Post a Comment