Thursday, October 1, 2009

Hadii dunida lagu waaraya ,ama Cidi ku negaaneyso nabi Mohamed NNKH aya loo deen lahaa.

Hadii dunida lagu waaraya ,ama Cidi ku negaaneyso nabi Mohamed NNKH aya loo deen lahaa
 
Nebigu wuxuu jiranaa 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun, habeenkii isniinta ee uu maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday.

Sayid-Bilaal ayaa adimay  aadaankii salaadda subax wuxuu istaagay albaabka guriga Nebiga,scw wuxuuna yiri: (Assalamu caleyka yaa rasuululaahi) Faaduma ayaa tidhi: 'Rasuulkii Ilaahey nafsadiisa ayuu ku mashquulsan yahay, markii salaaddii cadaatay ayaa Sayid-Bilaal soo laabtay, wuuna salaamay rasuulka sidii hore oo kale, dhawaaqii Bilaal waxaa maqlay rasuulka wuxuuna yidhi: 'soo gal Bilaal', waana soo galay Bilaal isagoo ooyaya Rasuulkuna SCW wuxuu yiri Bilaalow jiradii ayaa igu cuslaatay ee ha tujiyo salaadda dadka Abuubakar Sadiiq. Bilaal waa baxay isagoo madaxa gacmaha saaranaya, lehna musiibo ayaa noo timid iyo ereyo kale oo la mid ah.
Masjidkii ayuu galay, wuxuuna Abuubakar ku yidhi 'Nebigu wuxuu ku amrayaa inaad salaadda tujiso' Abuubakar markii uu arkay mixraabkii uu Nebigu NNKH istaagi jiray oo faaruq ah wuu hanan waayay nafsaddiisa waana la miir daboolay waana qeyliyay, muslimiintii oo dhanna wey qeyliyeen, 

Qeyladii ayuu maqlay Nebigu NNKH wuxuuna weydiiyay gabadhiisa Faadumo wuxuuna yiri ' Faadumoy waa maxay hugunka iyo sawaxanka yeeraya?' waxay tiri Faadumo 'Muslimiintii ayaa qeylinaya markey ku waayeen'. Rasuulku wuxuu u yeedhay Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garab galeen waxeyna geeyeen masajidkii salaaddii ayuuna tujuyey asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku NNKH la dardaarmay asaxaabtii wuxuuna yidhi: 'Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idinku sagootinayaa cabsida Illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa qaadataan anigu waan faaruqayaa (ka tagayaa) adduunyada, maantana waa maalintii iigu dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro'.

Intaa kaddib Nebiga NNKH waxaa la geeyey gurigiisa, Illaahay ayaa u waxyooday Malakul-mowt wuxuuna amrey: 'Hoobo (u tag) xabiibkayga (kaan jeclaa) nabi Muxammad NNKH uguna tag suurad wanaagsan una dhimri una (naxariiso) marka aad ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal gurigga balse haddii uu kuu diido ha u galin, kana soo laabo'.
Malakul-mowt wuxuu u tagay Nabigeena Muxammad NNKH isagooo u eg nin reer baadiye ah, wuxuuna yiri: 'Assalamu calaykum ma soo galaa?' Faadumo ayaa la hadashay oo tidhi: 'Ninyahow rasuulkii Illaahay wuxuu ku mashquulsan yahay nafsadiisa'! !Nacam Geeri ayuu u dhow yahay.
Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii.Rasuulka NNKH ayaa Faaduma ku yidhi: 'Ma garanaysaa ninka?'. Faaduma waxay tidhi: ' Maya' rasuulku wuxuu yidhi: 'waa ninka gooya macaanyaalka, kala geeya (kala wada) dadka is jecel, kharaabiya guryaha, camira Qubuurta, Carruurta agoomeeya, naagahana bilaa nin ka dhiga, (garoobbo ka dhiga), waxaana la yidhaahdaa Malakul-mowt' .

Faaduma markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooyday, waxayna tidhi: ' masiibo ayaa nagu dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii Illaahay ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa naga go'ayaa wax'yigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena, maanta kaddibna maqli mayno salaantii Aabahay.

Rasuulku wuxuu yidhi: Faadumoy waxaad tahay qofka ugu horreeya ee aan is haleeleyno (isla kulmeyno)' wuxuu kaloo rasuulku yidhi:' malakul'mowdow soo gal' wuuna soo galay malakul'mowt, wuxuuna yidhi. 'Assalamu calayka yaa rasuullulaah' rasuulkuna wuxuu yidhi 'wacalaykum assalam yaa malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i soo siyaarato mise inaad iga qaado nafta?'. Malakul-mowt wuxuu yidhi: 'waxaan kuugu imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii idinto, balse haddii aad ii idmi weydo waan iska laabanayaa! Rasuulku wuxuu yiri: 'malakul-mowdow xaggee uga soo tagtay malakul-jibriil. Malakul-mowt wuxuu yidhi:'waxaan uga soo tagay samada adduunyada', isla markiiba waxaa yimid malakul-jibriil, wuxuuna fadhiistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna rasuulku yidhi: 'miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu yidhi:'waan ogahay rasuulkii Illaahayow'. Rasuulku wuxuu yidhi: ' iigu bishaarey Illaahay agtiisa waxa ii yaala oo karaama ah (wanaag ah)'.

Malakul-jibriil wuxuu yiri: 'albaabada samada waa la wada furay, malaa'igtii Illaahayna saf bay galeen iyagoo sugaya ruuxdaada, albaabadii jannada waa la wada furay'. Rasuulku wuxuu yidhi: 'iigu bishaaree siday ahaan doontaa ummadaydu maalinta Qiyaamaha?'. Malakul-jibriil wuxuu yirdhi: 'waxaan kuugu bishaaraynayaa Illaahay inuu yidhi: Jannada waan ka xarimay (u diiday) ambiyada illaa Nabi Muxammad NNKH galo, sidoo kale jannada waan ka xarimay ummadaha Illaahay oo dhan illaa ay ummadda Nabi Muxammad ka galaan'.Rasuulkuna wuxuu yidhi: 'hadda ayuu diib noqday yacni (wanaagsanaaday) qalbigaygu, igana suushay murugadii'.

Rasuulku wuxuu yidhi: 'malakul-mowdow ii soo dhowow'. Malakul-mowt waa u soo dhawaaday naftii ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii ka soo gaadho xudunta. Rasuulku wuxuu yidhi: 'maxaa darnaan badiyey xaraaradda (xanuunka) mowdka', wuxuu kaloo yidhi: 'malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay eegista wijigayga?'. Malakul-jibriil wuxuu yidhi ' Illaahay xabiibkiisiyow yaa awood u leh inuu eego wajigaaga adigoo sakaraadaya' . Aanas Binu Maalik wuxuu yidhi: ' Nabigu markay naftu ka baxaysay wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu.ilaah baan idinku dhaariyee managa mid yahay midkeen loo sheegayo in laga qaadayo nafta waa maya taasi waxa ay qaas  u aheed xabiibka ilaaheey ee walaalaheeyga muslimiinta ahoow intaan noolnahay aanu camal falno oo aan ka toowbad keeno xumaan kasto aduunyada waa wasaq oo xun waxaana la,isaga daahirin karaa wasaqdeeda alle ka cabsi oo kaliya

Rasuulkii Illaahay waa geeriyooday maalin isniin ah ee bisha rabiicul-awal ka mid ah, ama loo yaqaan mowliid. Haddii adduuniyo lagu baaqi yeelayo qof, waxaa la dayn lahaa rasuulkii Illaahay:
Rasuulka waxaa mayray Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha fadal bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la kafanay, waana lagu tukaday, waxaana lagu duugay (aasay) gurigiisii ee qolka Caa'isha RC, habeen arbaco ah ayaana la duugay Suubanaha NNKH.Maalinta uu ka dhintey MUslimiintu mey buunbuunin oo may odhan hallo sameeyo Dabbaaldegyo sida
Dadka kale ee ehlu Kitaabka ah ahi sameeyaan.

Waxaan iyana Muslimiintu Buunbuunin Cidina si wanaagsan u ogeyn maalintuu dhashey taariikhdeeda bisha intey ka aheyd  waxa kaloo lagu muran san yahay bisha laftigeeda halkaas waxa kaaga cad waxyaabo fara badan oo lasameeyo inaaney asal ku laheyn Diinteena muqadeska ah..
  
 Walaalayaaal Badiya dirista fariintan si aan isu xusuusino mowdka asc wr wb aqii kariim waxaadna wadataa magacii rasulka csw  oo qiimaha iyo qaayaha badnaa  barakalaah fiikum
 Umatu Moxammed scw.

 

 

No comments:

Post a Comment