Friday, October 30, 2009

Shir Xisbiga Kulmiye Ku Qaban doonto Toronto Maalinta Sabtida

Shir Xisbiga Kulmiye Ku Qaban doonto Toronto Maalinta Sabtida

OGAYSIIS! OGAYSIIS! 

SHIRR XUS IYO XASUUS SHUHADADII SNM  IYO BAROORDIIQ SANADGUURADI 1AAD EE QARAXYADII  HARGEISA   AYUU  XISBIGA  KULMIYE KU QABAN DOONA TORONTO  Sabtida 31.10.2009.

Dhamaan taageerayaasha Kulmiye ee degan magaalada Toronto iyo nawaaxigeeda, waxa la ogaysiinayaa in malinta axada bishu tahay 31ka Oktoobar 2009  gelinka danbe uu jiro shir kulmiye lantiisa Toronto  soo qabanqaabisay oo ka dhici doona goobta hoos ku cayiman.

Qaybta hore ee kulanku waxay ka kooban tahay  xasuus, iyo duco loogu talo galay shuhadadii SNM  ee dalka Somaliland ka xoreeyay dulmiga iyo waliba baroordiiq dadki aan waxba galabsan ee lagu xasuuqay qarayadii kol hore ka dhacay Hargeisa.

Waxa kale oo  lagaga wada arrinsandoona  Xaaladda guud ee dalkii hooyo hadda ku suganyahay, iyo sidii dib u habayn iyo kaabis loogu sameyn lahaa lanta Toronto ee Xisbiga.

Shirku wuxuu u furan yahay dhamaan taageerayaasha Kulmiye rag iyo haweenba, si ay u muujiyaan taageerada ay xisbiga u hayaan ugana dhiibtaan fikirkooda iyo wixii talo ah ee ay xisbiga u soo kordhinayaan si ay u suurta gasho wada shaqeyn joogta ah oo ay la yeeshan  laanta Toronto  iyo guddida guud ee fulintaba.

Goobta uu shirku ka dhici doono hadii eebe idmo waa Ali Baba Restaurant : 1801 LAWRENCE AVE E Scarborough, ON M1R 2X9 Unit 12  (SINAI PLAZA ) Lawrence & Pharmacy.

Saacadaha shirka. 3pm -8pm Sabtida 31.10.2009

Waxa laga codsanayaa kasoo qayb galayaasha shirka in ay dhowraan waqtiga imaatinka shirka, kana raalli ahaadaan ogaysiiska mudada gaaban aanu usoo gudbinay. 
 
KULMIYE  KULMIYE GUUL, ALLAANA MAHAD LEH.


No comments:

Post a Comment