Sunday, November 29, 2009

Ballanqaadyadii Madaxweyne Rayaale Ee Gobolka Awdal Oo Ku Dambeeyey “Beeni Raad Ma Leh Beelalow Run Mooday” Reer Awdal oo Kalsoonidii Kala Noqday Dahir Rayale iyo Xisbiga UDUB! Aragtidii Reer Awdal ahaan aanu ugu codaynay Madaxweyne Rayaale doorashad

Ballanqaadyadii Madaxweyne Rayaale Ee Gobolka Awdal Oo Ku Dambeeyey "Beeni Raad Ma Leh Beelalow Run Mooday"

Reer Awdal oo Kalsoonidii Kala Noqday Dahir Rayale iyo Xisbiga UDUB!

Aragtidii Reer Awdal ahaan aanu ugu codaynay Madaxweyne Rayaale doorashadii hore ee Madaxweyne-nimada dalka ee 2003-dii, waxay ahayd mid ku salaysan Reer Awdalnimo, sababtoo ah innagoo u malaynayney ama ku qanacsanayn Madaxweyne Rayaale oo ka soo jeeda Gobolka Awdal inuu ka rumayn doono ballanqaadyadiisii uu ku sababeeyey "Dheri qofka ugu dhow ayaa laf kala baxa" iyo "fiqi ma eexdo bahdiina ma mooga", ee uu kaga ololaynayey Gobolka Awdal.
Maantase aragtida dadweynaha Gobolka Awdal wey ka gedisan tahay siddii ay ahayd todoba sano horteed, sababtoo ah kalsoonidoodii ayey kala noqdeen Madaxweyne Rayaale iyo Xisbigiisa UDUB, isla markaana waxay u digo-rogteen dhinaca xisbiga Kulmiye ee isbedel doonka ah, kadib markii Madaxweyne Rayaale uu ku fashilmay ballanqaadyadii uu uga dhawaajiyey Gobolka Awdal xilligii doorashadii hore ee 2003-dii, isla markaana ballanqaadyadaasi ay noqdeen "Beeni Raad Ma Leh Beelalow Run Mooday".

Taasina waa mid maanta meesha ka saaraysa fikradii loo malaynayey Madaxweyne Rayaale inuu kalsooni ka haysto Gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo.
Hase ahaatee, Reer Awdal Dhawdhawdu Uma Dhacsanee weli waxa jira qaybo tiro yar oo ay ka mid yihiin rag waa-weyn oo aad loo yaqaano oo siyaabo khaldan oo dhallaanka iyo caruurtuba ay garan karaan wax looga dhaadhiciyey oo ilaa hadda aan ka quusan taageerida Madaxweyne Rayaale iyo Xisbigiisa UDUB. Kuwaasina waxay iskugu jiraan qaybo aaminsan doorasho inayna dalka ka dhacayn, isla markaana Madaxweyne Rayaale aanu ka dhaadhacayn weligii kursiga Madaxtinimada Somaliland siddii Somaliland ay tahay boqortooyo oo kale, iyo qaybo kale oo rumaysan iyaguna haddii doorasho dalka ay ka dhacdo Madaxweyne Rayaale inuu kor iyo hoosba ku guulaysan doono.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo nin meeli u cadahay meeli ay ka madowdahay, hadana qolyaha rumaysan doorasho inayna dalka ka dhacayn waxaan leeyahay doorashadu dalka wey ka dhici doontaa mana jiro maanta shakigii hore looga qabay, sababtoo ah xaskii ay ku jirtay ee Madaxweyne Rayaale uu keliddii iska lahaa go'aanka qabashadeeda, waa laga soo saaray oo hareeraha ayaa maanta laga wada joogaa, Beesha Caalamkuna Heshiiskii lixda qodob ka koobnaa ee ay ku dhexdhexaadisay saddexda Xisbi Qaran darif ayey ka saxeexeen, meel dambe oo hadeed Madaxweyne Rayaale kelidii uu kula gabadaana ma hadhin. Sidaas daraadeed, doorashadu wey dhacaysaa Ilaahey Idankii.

Kuwa kale ee iyaguna aaminsan Madaxweyne Rayaale inuu ku guulaysan doono doorashada soo socota, waxaan leehay fikradaasi maaha maanta mid macquul ah, sababtoo ah doorashadii hore ee 2003-dii Madaxweyne Rayaale isagoo maradiisu cadayd, isla markaana diiwaankiisu uu nadiif ahaa wuxuu kaga hormaray Xisbiga Kulmiye tiro aad u yar oo sideetan cod oo keliya ahayd, kadib markii weliba Guurtida Somaliland ay wax dhaqdhaqaajisay, farahana ay la soo gashay natiijadii codbixinta doorashadaas.
Balse, maanta oo Madaxweyne Rayaale todoba sano soo hayey xilka Madaxtinimada dalka, oo iska dhaaf hal tallaabo oo hore uu uga sii dhaqaajiyo halkii xilka loogu dhiibaye, hadana si aanu kursiga uga dhaadhicin awgeed loogu taagwaayey inuu dalka ka qabto doorasho xor iyo xalaal ah, taasina ay dalka ka abuurtay murankii siyaasiga ahaa ee khatarta gelin gaadhay Qaranimada iyo Nabedgelyada Somaliland ee naf iyo maalba loo soo huray, isla markaana Somaliland ay u xuubsiiban gaadhay meel bahalo galeen ah sida Somaliya oo kale, miyey macquul noqon kartaa Madaxweyne Rayaale inuu mar kale ku guuleysan karo doorashada Madaxtinimada dalka ee soo socota? Jawaabtu waa maya.

Prof.  Adan Diiriye Dixood
Boorama, Gobolka, Awdal.

No comments:

Post a Comment