Wednesday, November 25, 2009

Cismaan/Hindi Riyaale uu kaa horeeyaa ee caawimo weydiiso Cali gurey isgaa ka horeeya ina Riyaale si aad u badbaado

 

Cismaan/Hindi  Riyaale Waa Nin Kaa Horeeya ee caawimo lagugu badbaadiyo Cali gurey ka dalbo isagaa ina Riyaale ka horeeya e.

 Intii aan Ismaaciil yare iyo Jamac Sweden is nidhi ama isu sheegney adiga ku odhan maayo, Waayo adigu lama aad mid tihid labadaas midna siyaabo badan marka la eego, Ismaaciil yare isagoon ka soo mid noqon Kulmiye ayuu dhufeys iyo difaac adag u galay UDUB si u u xejisto booskiisa, balse Riyaale ayaa ka yaabey qaabkii u u dhaqmaayey ogaadeyna in noociisa oo kale aanu isaga Riyaale ahaan iyo dadkaba midna faaido u lahayn, ilaa la gaadhsiiyey heer lagu dhaleeceeyo in u dhacay mushaharkii askarta,  markii saxaafadu faafiseyna aanu iska difaacin taasoo muujisey damirka shaqsiyadiisu xambaarsantahay nooca ay tahay, beri ayuu yidhi waanu difaacaneynaa kursiga, waxaan ku idhi waa hubaal in aad si fool xun uga hortegeyso Riyaale, way dhacdey, waxa aniga iyo ummaddaba u muuqdey akhlaaqda iyo ficilkiisuba in aanu ahayn mid siyaasad yo masuuliyad midnaba sifihiisa u dhashay.  Jaamacna isagoo aan marnaba ka soo mid noqon kulmiye ayuu door bidey in u xilkii loo igmadey hadh cad iyadoon la isba gaadhin u dhinac u xagliyey, fashilaadii ka gaadheyna waataas Hargeisa oo dhammi u aqoonsatey nimaan xilkas ahayn, laguna xamanaayo nin hadhka cad kuraasta iyo wixii lagu aamino dib loo baadi doonaayo halka ay mareen, labadaasuba daaqada UDUB bay hawsha ay hayeen ka soo galeen, waxa ay ku dambeeyeena waad ogtahay.

 

Osman adiga midna lama mid tihid, Kulmiye ayaa xil kuu dhiibtey, shaqsiga aad tahayna in yar baa kutiqiin, in badan oo aan joogey goobhii dadka lagu shirsiin jirey iyo goobihii Kulmiye taageereyaashiiba khaas loogula kulmii jireyba , adiguna aad si guud iyo si gaar ahaba dadka ugala hadli jirtey goobahaas.

Maxaad sheegi jirtey? Maxaase lagugu bartey?

Waxa aad sheegi jirtey cay ruux binu aadmiya ruux ka sheego tii ugu foosha xumeyd adigana kugu koobneyd oo aad Riyaale ka sheegi jirtey, gaar ahaana waxa dad dhowr ahi ogaayeen taladaadii ahayd waa in la kharajiyaa iyo anigaa haya farsamadii lagu fulin lahaa. Caydaas iyo farsamadaas midnaba heerka ay kaa gaadhsiisneyd maan araga manaan maqal ruux reer S/land u dhashay oo dhaqankaas iyo fekerkaas lagu arkey ama laga sheegaayoba.

Haddaba, waxa maanta guul u ah Riyaale ninkii caydiisa la ogaa in u dadka isagii u soo caayaayo, waxa taasi cadeyneysaa in Cismaan lala dhacaayo karbaash meel aanu garaneyn uga yimmi,  caydii u ku fogaan jireyna ay ku noqotey calaamad maanta dambigii lagaga jaraayo in u isagii dib loogu ciqaabo dadka cay oo been ka sheeg., waxaan maqli jirey calaamo lagaa muuji.

Osmanow adigana jab iyo halaag bay kuu taheyoo caydii iyo dambigii aad ninkaas ka sheegi jrtey ayaa nafsigii kuu geeyey in u kaaga aar goosto in aad dadka u soo caydo, ummadana u ku tuso waxa aad ahayd, dadkana waxa ay u noqotey cashar ah in aad been abuurka taqaan, cayda taqaan oo bahal ceedhin ma daaye, nina caadadii ma baajo, shaqo lagaaga dhigey kolba kaad ag joogto mooyaane ka kale cay,  waxa muuqata in shaqsi ifkii toos loogu ciqaabeyo aad astaamihiisii leedahay, taas oo adigu aad markhaatiga kowaad ka tahay, waayo ninkii aad odhan jirtey hala khaarajiyo, daacad uma aha S/land iyo wixii kale oo aan anigaba ii banaaneyn in aan halkan ku soo qoro, hadii maantaba aad indho la'aan iyo dhego la'aan dadka ugu soo caayeyso, miyaanad markhaati ka ahayn ciqaabta kula soo deristey, dadkuna waa ka markhaati oo xitaa ina Riyaale ayaa isna ka markhaatiya, markaas nacas ha moodin in a Riyaale waa u kaa horeeyaa, waana u ku ogyahay, dadkana waxa u ugu jecelyahay nin xambaarsan damiirkaaga oo kale, Odey kuu adeer ah baa hore u yidhi, hadii ina maskaxi ku jirto inankaas shaqo umuu doonteen ina Riyaale, waayo, ma ninkii Hargeisa iyo aniguba aanu ogeyn buu yidhi halka u ninkaas caydiisa la mari jirey ayaa maanta  in Riyaale ag jooga, tolow sidee buu u xamileyaa? adeerkaa waxa ka maqan in xag alle lagaa kashifaayo oo dadkiina ku arko,  damiirkaas ku huwan unbaa la muujineyaa oo ifka lagaaga jareyaa cayda iyo beenta aad u caadeysatey, macnaha siyaasadu leedahay aan weli kuu dhaadhicin, Kulmiyena waa halyeyadii iyo geesiyaashii adiguba aad ku faani jirety markii hore oo waxba iskama bedelin, Riyaalena adigaa og oo ag jooga in u weli yahay ninkii aad noo sheegi jirtey iyo in u yahay nin kale oo aad riyo ku joogto, wixii aad ka sheegi jirteyna weli dadku sidii buu u haystaa.

 

Bal inaadeerow waxa aad iiga jawaabtaa su'aalahan?

Cayda iyo been abuurka kaa soo butaaceyaa marnaba ma gaadhi doonaan heerkii aad Riyaale caydiisa gaadhsiin jirtey?

In la khaarajiyo Riyaale ruuxa keliya ee dadka u dhashay S/land laga maqley marar badan baad ahayd, maanta ruux kale oo aad ku maqantahay ma jiraa?

Cismaanow caydii xag jirka ahayd iyo been abuurkii aad Riyaale shaqsiyadiisa ka sheegi jirtey in nafsi u adeegey oo u nafsi ku ag geeyey ma rumeyneysaa, madaama aad wax ka sheega shaqsiyadiisa aad ka badsatey wax ka sheega siyaasadiisa?

In ummadda illaahey ku tusaayo oo ifka caalamo lagaaga muujiyey ma kula tahay, madaama ninkii aad ag joogto mooyaane ka kale aad indho la'aan iyo dhego la'aan ugu caytameyso?

Sidee baad u maleyneysaa in dadka reer Hargeisi kuu arkaan waqtigan? Sideese in Riyaale kuu arkaa baad u maleyneysa, ma sidii Ismaaciil nin la soo jabey, mise nin soo shaqsi caayey oo xitaa ku fekerey khaarajis hadana u jaceyl u hayo baad tahay?

 

Amina Hagi Mohamoud


No comments:

Post a Comment