Saturday, November 28, 2009

HARGEYSA: HOGGAANKA XISBIGA KULMIYE OO SOO-DHAWAYN BALLAADHAN LOOGU SAMEEYAY XAAFADDA 26-JUNE

HARGEYSA: HOGGAANKA XISBIGA KULMIYE OO SOO-DHAWAYN BALLAADHAN LOOGU SAMEEYAY XAAFADDA 26-JUNE (DAAWO SAWIRADAN)
Hargeysa (RD)- Munaasibad ballaadhan oo ay soo qaban-qaabiyeen dadweynaha ku dhaqan Xaafadda boqol iyo kontanka ee Degmada 26 June ee Magaalada Hargeysa oo lagu taageerayay Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa maanta lagu qabtay Xaafaddaas. Waxaana ka qayb galay Hoggaanka sare ee Xisbiga iyo taageerayaal kale oo tiro badan.

Xafladdan oo ay ka qayb galeen, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Xoghayaha guud ee Xisbigaas Keyse Xasan Cige, Maxamed Xaashi Cilmi, Maxamed Cabdi Iskeerse, Guddoomiyaha Ololaha Doorashada ee gobollada galbeedka Somaliland Baashe Cabdi Gaboobe iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan oo ka tirsan Xisbiga.

DAAWO SAWIRADA:
Posted on 28 Nov 2009 by sarwo

No comments:

Post a Comment