Monday, November 16, 2009

Rayideynta Ilihii dhaqaale ee qaranka oo Sharikado beeleysan lagu boobayo iyo dhagarta laas-Caanood, ee baadhitaankeedii "Maroodi Irbadda lagu qalayo!!"


Somaliland Hadaf joogto ah , ayey u noqotey habar dugaag oo dhan oo maanta ku idil Caasimadda!! waxa waqtiyada Doorsho caado noqotey in lagu arko Dilal aan cid lagu sheego la hayn , Dad qallo, Saaxiriin iyo qaar kaleba. Waxa shicibku ku dheg-basey la tacaalidda daruuriga Nolol maalmeedka oo aan maamulkii Dalka loo dhiibey l boob mooyee aanu wax uu ku taro jirin. Waxa Maamul ksta oo kan beddela ka hor imanaya dhibaatooyin bdan oo ay ugu badantahay, Dadkii fasaxa loo siiyey ku talax tagga adeegyada y hayaan oo dawlad sharci ku dhaqan ahi aanay yeeleyn oo lysku dhaco!!
 
Taajirkii waxa uu doono faashkiisa ku goosan jirey, Dawlad shuruuceed xad bay u yeeleysaa bdaacadaha daruuriga ah, Guddiyada Deegaannada , dabagal Maamul oo wax ku ool ah ayaa ka khabar keenaya, Dhuumaha dhaqaale ee Dalka , Shuruucdii dhaqaale Muujineed iyo Hanti-dhawr aan Fadhiga aqoon ayaa ka hawlgeli doona, Shandadihii lacagta ee Tooska Madaxtooyada u tegi jirey Bangiga dhexe ee qaranka ayey ku xeroon doonaan. Wasiirradii saacadda ama labada ummadda u shaqeyn jirey, Qorshe qarameed Horumarineed oo Muddeysan iyo barnaamij Qaran oo ay fuliyaan oo lagu dba socdo ayaa imanaysa!! Dillaaliintii Madaxtooyada u kallihi jirteyna , Gole wasaro ayaa dalka ka jira'e, wasaradda ay arrini kaa gasho wasiirkeeda oo aad aragto ayaa kaaga filan, madaxtooyada
qaranka Maamulkiisa ayaa ka socda, wax uu wasiir dhmeyn karo oo ummdda waqtiga lagaga lumin jirey , iyana dabeysha ayey raaci doontaa, wxaanay ka cadheysiin doontaa, raggii ku maxaafsan jirey hadallada madhan iyo Maaweelinta Madaxda!!
 
Waxaad mooddaa in haddaba Ummaddani kildhi madaxa kula jirto. oo iyada oo xal wada dooneysa dawaamaddan lagaga baxo ay hadba derbi isku qaadeyso!! Dhexdhexaadin kasta oo Muslim iyo Gaalo laysugu tegey, haddana wey dhosogday Doorashadii, Dilkan Laas-Caanood ee baadhitaankiisu , irbad Maroodi lagu qalayo la midka noqdey, Colaaddan Ceel-Bardaale ee Dambaska huwan intuba waa qqumbulado aamusan oo waqti kasta qarxi kara, dadkuse ismay weydiin, waxyeellada Dalka iyo Dawladnimadiisa gaadhey inta ay baaxad leegtahay!!
 
Burbur nidaamsan oo sharci-darro lagu heshiis ahaa ayaa suura geliyey,kaabado badan oo loo dhigey qrannimo Dalkani Gaadho, bal qiyaasa meel kale idinka oo aan tegin Doolarka ay dhulka ku dhufteen suuqyada sarrifku, Badowgii ay Hargeysa ka buuxsantey markaad dalka joogteen oo dhar magaalo gashadey ayaa gooyey sicirkane, ma saylad lacageed ayaad ku aragteen hoos u dhaca doolarka u gaarka ah Somaliland!! Suuqii hilibka, khudradda, Caanah iyana intuba waa la mid. Dawlad qqanuun lehi , wey xakameyn doontaa Faashleyaashan, waxana ka hor imn doonta , kuwii horeba sidan ayaanu ku wda shaqeyn jirney ee maxaa idinka idiin gaara ?!!  Waxa kale oo laysku dhici doonaa rag sharikado Beeleysan ugu soo gurguurtey ilihii dhaqaalaha ee qaranka iyada oo aan wax cusub oo ilo kale oo dhaqaale aanay qaranka ku soo biirin!! Is-weydiintu waxay tahay, reer Somalilandow, Bal waxaad bulshada iyo anigaba ka raariddaan Maamul afar lacagood oo kala kaan ahi ay gudihiisa ka socdaan, laba aqal oo baarlamaana leh, Ilihii dhaqaale ee qarankana sharikado Beeleysan loo rayideeyey , ilo dakhli oo kalena ku soo kordhin, goorta uu qaran noqonayo?!!
 
Toddobaadkii ina dhaafey ayuu WEasiirka Duulista Hawadu isna ka dhawaajiyey in ay wadaan sidii Madaarka Caasimadda iyo Madaarrada kale ee Dalka Sharikado ganacsato
leedahay lagu wareejin doono!! Toddobada Sharikadood ee IS-Gaadhsiinta ee aan qolona qolada kale la hadli karin, ayaa tusaale inoogu filan!! Dhallinta Tahriibka isku biimeyneysaa
in rjo-beelka dhaqaajiyey uu sababteda leeyahay ayaa hubaal ah. Adduunka Ragga ayaa Alle awood u siiyey in ay waxa dhibaato ummadaha ka hor yimaadda ay beddelaan waxna ka qabtaan ee isma beddelaan dhibaatooyinku haddan la beddelin. Shuruucda Dawladnimo oo la ixtiraamaa waxay dan iyo ammaan guud u tahay Muwaadiniinta. Qadhiidh yar oo laguu sii daayo danna aad u aragtey bal waxa uu khasaare keeni karo qiyaasa, Muwaadin duminta dalkiisa si dadban oo filim kale oo daneysiya loo tusey in uu yahay isna waqtima ayuu ogaanayaa?.
 
Haddii aan umaddani ben isku maaweelineyn, Dal Dastuur leh kama dhacdo in Saddex sano iyo bilo hoggaan xilkii rsmiga ahaa ka dhammaadey fooqal-Dastuur iskaga Maamusho, Caasimaddu dab demis la'aateen iyo biyaha aan  nafleydu ka noolan karin. Maantana dhego la'i hayskaga jirto khuuradan oo innamadu, Ciyaaraha liigga yurub ha iskaga gabbadaan iyo dhwr -jeer qayilka, Hablaha Da'yarta ahina Bushaarooyinka iyo Mobeyl-ku-hadalka, Odeyaal aan naxdinta aqoonna, fursd h u siiyaan in ay Mustaqbalkood
qydhinka ku qaybsadaan illeyn iyaga ayaa dayacaye!! Shicibkuna Aw Geeddi Shaamboo ha dul dawaafto inta Bahal kale oo woxooda ugu taliyaa u imanayo!!
  
Dr. Cali Cabdi
  



No comments:

Post a Comment