Codkaaga ku Ciil Bax (21)-Xuska Maalmaha Musuqa iyo Xuquuqda Aadmiga.
Ahmed Arwo
9KA BISHA Disembar waxa la xusaa maalin loogu magac daray maalinta la-dagaalanka musuqmaasuqa, sidoo kale ayaa 10ka Disembar la xusaa maalinta xuquuqda aadmiga . Labada maalmood waxa leysagu xigsiiyey waa sida ay isagu xidhan yihiin. Waxa la xaqiijiyey in meesha musuq jiro ayna ka jirin xuquuq aadmi. Waa gole dulmi iyo tacadi yuururo, waa goob godob iyo duudsi jiifo, waa baro dhac iyo tuugo la xalaashaday. Waa dal xumaantu taliso, wanaagu yaryahay inta fartaan lagu tilmaamo qaar duni kale ku nool. Waxa xilka lagu helaa dariiq xaraan ah iyo cadaaladda oo la baayaco. Xadhigu waa hoyga miskiinka, daalinka xil haya iyo kan maal xaraan ah uruursaday sharcigu ma qabto, ceebta waa lagu faanaa, caydana waa loo qoslaa. Ma-xishoode waa fariid, ma-dherge waa geesi, tuugu waa taliye. Intaas oo sifo xun ayaa la walaal ah musuqmaasuqa, intubana waxay ka dhan yihiin xuquuqda aadmiga ee suuban.
Waxay diidan yihiin sinnaanta, waxay horjoogaan waxbarashada, waxay daboolaan xaqa miskiinka, waxay afka ka xidhaan muwaadin cabanaaya. Shaqaalahu waa ma dherge kolba cad xun loo laalaadiyo. Ma laha xaq uu ku dacwoodo, kolka la doonaa la eryaa, la xidhaa, la caayaa, isna waxuu noqdaa mid ka aargoosta inta ka hooseysa iyo danyarta. Waxa la qabitimaa, in sida kalluunka midba kan uu ka weynyahay cuno. Dulmibaa dalka dhameeya, raxmada iyo naxariis wey ka idlaata, is-aamin iyo wadashaqyni ma jirto. Qofwaliba garabkiisuue egaa, dhayal uma lado, ma nasto oo seefbaa dul taal.
Waxay ku soo biyo shubataa, waxqabad la'aan, iyo fikir aan qorshe lahayn. Aragtidu ma dhaafsiisna manta. Waxba berri looma reebo. Baabuurta, wershadaha, qalabka midna wax lagu kabo meel looma dhigo. Waxwaliba siday u socdaan ayey is-taagaan. Waxay noqdaan qashin aan meel la geeyo lahayn. Bal mar xafiisyada dawladda oo arag inta qalab xumaaday taal. Bal xusuuso wakaladda biyaha ee dharaarwalba lacagta loo uruuriyo, iyo qalab la'aanteeda, bal dhugo jidadka iyo nadaafaddda guud ee maagaalada aad joogto. Waxa dhuuxa iyo lafaha gaadhay xanuunka musuqmaasuqa oon kolna bogsaneen ilaa madaxa laga daweeyo. Halka uu xanuunka madaxu gaadhay ma laha daaweyn aan ahayn in-la bedelo, oo matoorka dawladda loo helo mishiin cusub oo dhaqaajiya.
Wa xa xuquuqda aadmiga lagu qayaxay 30 xaq oo la qodabeeyey, laguna sheegay baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadmiga. Universal Declaration of Human Rights. Waxaynu ka dheergsanay sida xuqauuqdaas loogu tunto dalkeena. Waxaynu aragnaa Madaxtooyada oo 8 sano maraysa halkay ahayd inay doorasho dhacdo oo dadweynahu xaqa doorasho ee aasaaska u ah hab-dawlad wanaaga iyo xuquuqda aadmiga ay helaan. Waxaad aragtaa ganacsi kooto ah, waxaad aragtaa hantidii dalka oo ninba qurub goostay, waxaad aragtaa awoodaha sharciga ka baxsan ee xadhig leh, ee shaqo eri leh ee cay iyo aflagaado shakhsi leh, kana soo birqameysa intii ummadani talada u dhiibatay. Waa hoggaan baaqday iyo ummad nasiib xun.
Waxaad aragtaa boliis tamar yar oo lagu hayo baahi aan dhammaanayn. Waxa iyaga iyo shaqaalaha dawladda loo xalaaleeyey boobka kolka la siiyey mushahar aan quudkooda kafaynayn. Waxa loo diyaariyey baahi joogta ah si ay u noqdaan qaar u nugul musuqa. Xukaamta maxkamadaha ayaa la mid ah, Xeer Ilaalintaa La mid ah. Intuba waa muwaadiniin hadday helaan wax ka furta xaaranta lagu qasbay si farxad leh ugu hiloobi lahaa. Waxa lagaga baxayaa waa iyagoo garta inay duruufahan bedli karaan. Ma laha wax xaq ah oon ahayn inay noqdaan qaar u xaraysan in yar oo talada dalka si sharciga ka baxsan ku maamusha. Kii la doono waa eri si aan sharci ahayn, meel ay u cowdaan ma leh.
Intaasba waxaad kaga bixi kartaa adigoo maalinta codkaagu qiimha leeyhay noqda mid u soo jeeeda dantiisa oo ay ku jirta inuu ka maydho xaraanta guud iyo hoosba dhammeysay. Waa adiga iyo ILLAAHAY kolka aad gasho qolka cod bixinta. Cabsi ka weyni ma jirta tan ILLAAHAY. Xumaan ka xumi ma jirto qof loo dhiibay inuu kala doorto xujmaanta iyo xaqqa oo qalinka ku xariiqay xumaanta. Waa wax laga duceystaa. ALLOW ha naga yeelin kuwa xumaan ay arkayaan u codeeya. Allow naga yeel kuwa wanaaga doorta, Allow naga yeel kuwa dhibta ay u marayaan xaqqa u adkeysta, ha noo jilcin kuwa xumaha ka ganacsada. Allow ha na seejin toobada, naga durki laaluush iyo duligiisa, naga dheeree damac adduuno oo xaraan ah, Allow ha naga dhigin kuwa dheef adduun siista aakhiradooda.
Haddaba aan is weydiinee waa maxay xuquuqda aadmigu. Waa qodobo soddon ah oo lagu dhawaaqay caalam ahaan, waana kuwan aan idiin soo guuriyey. Bal akhri oo imisa qodob ayey dawladdeenu jabisaa, imisay dhanka kale u rogtaaa. Bal xoriyadda fikirka iyo siyaasadda iyo isu-soobxa u fiirso, bal is-dul tag qodobada ka hadlaaya sinaanta waxbarsho, lahaansha hantiyeed, shaqada iyo caafimaadka..sidee dalkeena shaqada lagu helaa? Sinaanta caddaaladdu waa side, ma loo siman yahay. Hantida qaranka iyo warbaahinta xisbiyadu ma u siman yihiin. Yaa masruufaa hawl-wadeenada UDUB?...Akhri oo baro xuquuqdaada, kuna camal fal inaad ku dhaqanto ood hesho cid kaa wakiil ah oo kugu maamusha, waa adigoo CODKAAGA KU CIIL BAXA, waa adigoo ka karo hantidaada lagugu laaluushaayo, waa adigoon mar kale noqon ka CODKIISU CADOW KU NOQDO.
Noqo soo jeede dantiisa garta inay ku jirto danta guud ee dalka. Kolka cadaalad la helo, ayaa nabad la helaa, kolka nabad la helo ayaa la helaa dhismo iyo horumar. Horumar aan cadaalad lahayn waa guri aan aasaas lahayn, waxuu u dhowyahay dumis iyo baaba. Somaliland oo xor ah, cadaalad dadkeedu u siamn yahay, dhaqaalaha loo siman yahay, hantida qaranka loo siman yahay, qofna aanu sharciga ka weyneyn,miskiinka loo naxo, qabiilna qabiil kale ka weyneyn, gobalna gobal kale ka awood badsan si aan sharci ahayn. Dad walaalo ah oo qaranimada u guntan, waxaad ku helaysaa adigoo xumaanta ka durka, adigoo ninka xilka kuu haya la xisaabtama, adigoo noqda nin aan la iibsan. U adkeyso baahida manta oo ka badheedh inaad ku codayso qadhiidh iyo dhadhamo, wanaaga ood u oontaa waa hubaal inuu dhali doono mustaqbal wanagsan ood ku reyso.
BAAQA CAALAMIGA EE XUQ WQDA AADANAHA
Hordhac
Iyadoo aqoonsiga sharafta uu ku dhashay iyo xuquuqda maguurtada ah ee ay u siman-yihiin dadweynaha adduunku uu yahay saldhigga xorriyada, caddaaladda iyo nabadda dunida.
Iyadoo aqoonsi la'aanta iyo ku tumashada xuquuqda aadanuhu ay ka dhasheen falal waxashtinimo ah oo shucuurta aadanuhu ka danqato iyo iyadoo gaaritaanka duni aadanaha ku nooli haystaan xornimo ay ku cabbiraan fikradahooda iyo waxay aaminsan yihiin iyo iyagoon qabin cabsi iyo baahi, laguna dhawaaqay inay tahay ujeedada ugu weyn ee uu dadku leeyahay.
Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in xuquuqda aadanuhu ay noqdaan kuwo sharcigu dhowro, si uusan qofku, ugu dambeynta, ugu baahan inuu xoog kaga soo horjeesto cadaadiska.
Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in sare loo qaado horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Dowladaha.
Iyadoo dadyowga dunidu ay ku caddeeyeen mar kale Dastuurka Qaramada Midoobay sida ay u aaminsan yihiin sharafta iyo qiimaha qofka aadamiga ah iyo sinnaata xuquuqda ragga iyo dumarka iyagoo goostay inay hore u mariyaan bulshada heerka, noloshoodane la wanaajiyo iyagoo ku nool xornimo ballaaran.
Iyadoo Dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay dhexdooda iska ballan qaadeen iyagoo la kaashanaya Hayadaha caalamiga ah sare u qaadidda dhowritaanka iyo xushmaynta xuquuda aadanaha iyo xorriyadda aasaasiga ah.
Iyaadoo helitoanka aragti midaysan ee la xiriirta xuquuqdan iyo xorriyaadkan ay tahay arrin qiima weyn ku fadhisa si loo fuliyo ballan qaadkan.
Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay wuxuu soo saarayaa Baaqan oo saldhig u ah dadyowga dunida ku nool dhammaantood sidii qof waliba ama xubin kasta oo ka mid ah bulshada, isagoo maskaxda ku haya Baaqan, ugu dadaali lahaa sare u qaadidda dhowritanka xuquuqdan iyo xorriyaadkan, isagoo u mareya waxbarasho iyo barbaarin, talaabooyin xiriir ah qaadaya xagga dibadda iyo gudahaba sidii loo xaqiijin lahaa in si dhab ah loo aqoonsado ha ahaato dadweynaha ku dhex nool Dawladaha xubinta ka ah Qaramada Midoobay ama dadyowga ku nool dhulalka xukonkooda hoos yimaado.
Qod I
Aadanaha dhammaantiis wuxuu dhashaa isagoo xor ah kana siman xagga sharafta iyo xuquuqada Waxaa Alle (Ilaah) siiyay aqoon iyo wacyi, waana in qof la arkaa qofka kale ula dhaqmaa si walaaltinimo ah.
Qod 2
Qof kastaa wuxuu leeyahay xuquuqda lagu tilmaamay Baaqan iyada oo aan loo kale soocin xag qabiil, midabka, dheddig ama lab, afka, diinta, siyaasadda ama fikrad kale, dhalasho ama meesha uu ka soo askumay, xoolaha, dhalasho ama xaalada kale. Waxaa kale oo aan lagu samayneyn kala soocid ku salaysan arrimaha siyaasadeed, xukun ama xaal caalami ee uu ku suganyahay, dhulka ama dalka uu qofka u dhashay, ha ahaado dalkaasi mid madax bannaan, mid weli dawlad kale maamusho (wisaaya) mid aan haysan xukun hoosaad ama aan haysan gobanima buuxda.
Qod 3
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol, xorriyo iyo nabad gelyo.
Qod 4
Ma jiro qof loo hoysan karo addoon, addoonsiga iyo ka ganacsiga addoonta way reebanyihiin cayn kasta ay ku yimaadaan.
Qod 5
Ma jiro qof loo geysan karo silic dilyo ama ciqaab ka baxsan aadaninimada.
Qod 6
Qof kastaa wuxuu xaq u laayahay in loo aqoonsado, meel kasta oo uu Joogo, qofnimadiisa.
Qod 7
Dadka oo dhammi way u simanyihiin sharciga waxayna xaq u leeyihiin, iyaga oo aan la kala soocin, in sharcigu dhowro. Dadka oo dhammi waxay xaq u leeyihiin in si siman looga badbaadiyo wax alla wixii kala sooc-sooc ah oo ka soo horjeeda Baaqan ama dhiirigelni kara kala sooc-soocid.
Qod 8
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Maxkamadaha ku hawsha leh ee dalkiisa cawin celin dhab ah marka lagu xad-gudbo xuquuqda asaasiga ah oo uu dastuurka ama sharciga siiyay.
Qod 9
Qofna looma xiri karo, looma hayn karo, ama looma masaafurin karo si sharci darro ah.
Qod 10
Qof Kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo sinnaan buuxda Maxkamad Caadil ah horteed marka la gaynayo xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa iyo marka ay dhacdo in loo haysto dacwo ciqaab ah.
Qod 11
1. Qof kasta oo lagu soo oogay dacwo ciqaab ah wuxuu xaq u leeyahay in loo ictiqaado inuu yahay dembi laawe ilaa laga caddeeyo inuu yahay dembiile sida uu qabo sharcigu, ayna ku dhawaaqdo Maxkamad dadka u
furun oo eedeysanayaasha loo oggolaaday dammaanadaha lagama maarmaanka u ah difaacooda.
2. Qofna lama saari karo ciqaab ka dhalatay fal ama fal l'aan haddii falkaasi ama fal la'aantaasi xagga sharciga Dalka ama kan Caalamiga ah, aanay ahayn dembi waqtiga la galay. Sidoo kale dembilaha lama saari karo ciqaab ka adag tii u degsanayd falka dembigaas markii la galay.
Qod 12
Qofna si sharci darro ah looma faragelin karo arrimihiisa u gaarka ah, qoyskiisa, gurigiisa ama warqadihiisa; sidoo kale lama dhaawici karo sharaftiisa ama sumcaddiisa. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu sharciga ka hoos galo fara gelintaas iyo dhaawicidaas.
Qod 13
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu si xornimaa ugu dhex socdo una dego gudaha dal kasta.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka dhoofo dal kasta oo uu ku jiro kiisa, kuna soo laabto.
Qod 14
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu dal kale u raadsado kana helo magan gelyo siyaasadeed isagoo ka baxsanayo cadaadis.
2. Xaqa kor ku xusan laguma doodi karo haddii cadaadisku yahay mid dhab ahaan ka dhashay dembi aan siyaaso la xiriirin ama falal ka soo horjeeda ulajeedooyinka iyo mabaadiida Qaramada Midoobay.
Qod 15
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay Jinsiyad.
2. Qofna si sharci darro ah loogama qaadi karo Jinsiyadiisa, loomana diidi karo xaqa ah inuu Jinsiyadiisa beddesho.
Qod 16
1. Ragga iyo dumarka qaan gaarka ah, iyaga oo aan loo kala soocin xagga dhalashada, qowmiyada ama diinta, waxay xaq u leeyihiin inay guursadaan oo qoys abuuraan. Way u siman yihiin xaqa ku saabsan guriga, muddada xiriirka guurka socdo iyo marka uu xiriirkaas dhammaanayo.
2. Guur wuxuu dhici karaa oo keli ah marka la helo rabitaan buuxa oo xor ah ee labada doonaysa inay is-guursadaan.
3. Qoysku waa unugga saldhigga u ah bulshada, wuxuuna xaq u leeyahay in Dawladda iyo mujtamacu bad baadiyaan.
Qod 17
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu keli ahaan xoolo yeesho ama cid kale xoolo kula shirkoobo.
Qofka xoolahiisa si sharci darro ah loogama qaadi karo.
Qod 18
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xorriyadda xagga fikradda, wacyiga iyo diinta; wuxuu kale uu qofka xaq u leeyahay inuu beddelan karo diinta iyo wax alle wuxuu aaminsanyahay. Waxa kale uu qofku xaq u leeyahay inuu, keli ahaan ama isaga oo dad kale wehliyaan, soo bandhigo meel fagaara ah ama meel gaar ah, diintiisa ama waxa uu aaminsan yahay, kuna muujinayo xagga waxbarid, ku dhaqanka, caabudid iyo cibaadaysi.
Qod 19
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xornimo xagga ra'yiga iyo hadalka; wuxuu kale xaq u leeyahay inaan lagu fara gelin ra'yigiisa iyo inuu raadsado, helo, dhiibo warar iyo fikrado isaga oo isticmaalaya qalab kasta oo war baahin ah iyaga oo aan loo fiirin ama xayirin wax soohdima ah.
Qod 20
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xornimo uu uga qayb galo isu-tag iyo urur leh ulajeeddo nabad-gelyo.
2. Qofna laguma khasbi karo inuu ka mid noqdo urur.
Qod 21
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka qayb galo maamulka Dalkiisa si toos ah ama isagoo si xornimo ah u dooranaya cid wakiil ka ah.
2. Dadka oo dhami way u simanyihiin inay ka qayb galaan maamulka sare ee dalka ka jira.
3. Rabitaanka dadweynuhu waa saldhigga awoodda Dawladda; rabitaankaas waxaa lagu muujinyaa dooroshooyin run ah oo xilliyo joogta ah dhacaya, laga wada qayb-galaya, waxayna u dhacayaan si qarsoodi ah ama hab kale oo wax lagu doorto oo xor ah.
Qod 22
Qof kastaa, maadaama uu xubin ka yahay bulshada, uu xaq u leeyahay inuu helo daryeel caafimaad. Daryeelkaas oo qof waliba u fududaynaya xuquuq dhaqaale, mujtamac iyo mid aqooneed ee lagama maarmaanka u ah qofka sharaftiisa, xornimadiisa iyo koritaanka qofnimadiisa. Taasoo ku imaanaysa dadaalka gudaha iyo iskaashiga caalamiga, isagoo laga eegayo nidaamka iyo ilaha dhaqaale ee Dawlad kasta.
Qod 23
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu shaqo helo, inuu u madax bannaanaado doorashada shaqada uu qabanayo, in sharuuduhu shaqada ahaadaan kuwo caddaalad ku fadhiya, isagana u danaynaya iyo inaysan shaqo la'aan ku dhicin.
2. Qof kastaa, iyadoon dadka la kala soocin, wuxuu xaq u leeyahay inuu helo mushaar la mid ah kan uu qaato qof kale oo ay isku shaqa qabtaan.
3. Qofka shaaqeeyaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo mushaar wax taro, kuna filan si uu ugu noolaado isaga iyo qoyskiisuba. Loona kabo haddii loo baahdo daryeellada kale.
4. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu abuuro urur ama ku biiro kuwo jiray si uu u ilaaliyo danihiisa.
Qod 24
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay nasasho oo ay ku jirto waqti kooban oo macquul ah oo laga jaro saacadaha shaqada iyo xilliyo fasax oo uu mushaar u socdo.
Qod 25
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu gaaro heer nololeed oo waxtar u ah caafimaadka iyo ladnaanta naftiisa iyo qoyskiisa; ha ugu horeeyaan cuntada, dharka, hoyga, daryeel caafimaad iyo wax alle wixii adeeg bulshadeed oo lagama maarmaan ah; wuxuu kale uu xaq u leeyahay inuu helo daryeel markii ay ku timaada shaqo la'aan, cudur, curyaanimo, geeri, gabow ama dhibaatooyinka kale uusan la shaqaysan kari ka baxsan awoodiisa.
2. Hooyada umusha iyo dhalaanku waxay xaq u leeyihiin xannaano iyo gacan siin gaar ah. Caruurta oo idil, ha ku dhashaan ama yaanay ku dhalan meher, waxay xaq u leeyihiin xannaana isku mid ah.
Qod 26
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo wax-barasho. Waxbarashadu waa lacag la'aan, ugu yaraan heerka dugsiyada hoose iyo heerka aasaasiga ah. Waxbarashada dugsiyada hoose waa khasab. Waxbarashada farsamo iyo midda xirfadeed waa inay noqdaan kuwo la helo; tacliinta sare sidoo kale waa inay u furnaataa dadka oo dhan, iyada oo la tix-gelinayo qof la arko mudnaantiisa.
2. Waxbarashadu waa inay ahaato mid loola jeedo in lagu kobciyo shakhsiyadda qofka xoojinta dhowritaanka xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka asaasiga ah. Wax-barashadu waa inay ahaato mid wax ka tarta is-af-garadka isu-dulqaadka iyo saaxibtinimada ka dhexaysa qowmiyaadka ama dadka kala jinsiga iyo diinta ah, waana inay si adkayso hawlaha Qaramada Midoobay ee la xiriira sugidda nabad-gelyada.
3. Waalidka ayaa iska leh xaqa koobaad oo ah inay doortaan nooca waxbarashada la siinayo caruurtooda.
Qod 27
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu si madax bannaan uga qayb qaato hiddaha nololeed ee bulshada, inuu ka faa'idaysto farshaxanka, inuu ka qayb galo, horumarinta cilmiga iyo ka faa'idaysigiisa.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la daafoco danihiisa maadiga iyo macnawiga ha ee ka dhasha waxa uu isagu curiyay xagga cilmi suugaanta iyo farshaxanka.
Qod 28
qof kastaa wuxuu xaq u leeyaday inuu helo nidaam bulsho iyo hab caalami ah oo xuquuqda iyo xorriyaadka lagu tilmaamay Baaqan si buuxda loogu dhaqan gelin karo.
Qod 29
Qof kasta waxaa ka saaran bulshadiisa waajibaad; bulshadu waa meesha qura oo ay suurtowdo in qofku shakhsiyadiisu si madax bannaan oo buuxda ay ugu kobocdo.
2. Marka uu qofku gudanayo xuquuqdiisa iyo xorriyaadkiisa waxaa xiraya oo qura inta sharcigu ka reebay, iyadoo ula jeedadu tahay oo keliya aqoonsiga iyo dhowritaanka
xuquuqda iyo xorriyaadka dadka kale in la dhowro iyo sidoo kale anshaxa, nabad-gelyada guud iyo wanaagga guud ee mujtamaca diimaqaraadiga ah.
3. Xuquuqda iyo xorriyaadka kor ku xusan looma isticmaali karo si ka soo horjeeda ulajeedooyinka iyo mabaadiida Qaramada Midoobay.
Qod 30
Baaqan kuma jiraan wax loo fasiri karo in micnahoodu yahay in Dawlad, koox ama qof xaq u leeyahay inuu ku kaco fal ama falal loola jeedo in lagu burburiyo xuquuqda ama xorriyaadka lagu qoray Baaqan.(DHAMMAAD)
Baro xuquuqda aadmiga oo ku camal fgal, kula xisaabtan qof kasta oo jooga meel uu talo-goosasho leh.
Waa CODKAAGA OOD KU CIIL BAXDO si aad u hesho xuquuqda kaa maqan.
Assalaamu Calaykum Wa Raxmatulla Dhamaantiin,
Waa inoo qormo kale iyo dhowaan Insha Allah,
Ahmed Arwo
SAMOTALIS GROUP ON THE FACEBOOK:
http://www.facebook.com/group.php?gid=143687650990
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment