Dahir Rayale oo Bilaabay Xaraashka Jagada Wasaarada Macdanta ee Marxuun Qasim Baneeyey
Jagadii uu dhowaan ka geeriyooday wasiirkii hore ee macdanta iyo biyaha marxuum Qaasim Sheekh Yuusuf oo maalintii ciidda Carafo ka horeysay ku geeriyooday dalka Sucuudiga oo aanu ilaa hadda Madaxweyne Riyaale u magacaabin masuul cusub xilka wasaaradaasi balse uu si ku meel gaadh ah u sii hayo wasiiru dawlaha macdanta iyo biyaha, Muuse Cabdi Maxamed ayaa waxay ilo xogogaal ahi sheegayaan in jagadaasi ay buuxinteeda loolan ugu jiraan xubno ka soo jeeda
beesha uu ka soo jeeday wasiirkii hore ee Qaasim Sh.Yuusuf, oo degaan ahaan ka soo jeeda degmada Dila ee gobolka Awdal oo xubno mucaarid iyo muxaafidba leh oo ka soo jeeda beeshaasi ay toddobaadkii dhowaa la sheegay inay bilaabeen loolan ku wajahan buuxinta jagadaasi wasiirka.
Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn cida uu madaxweyne Rayaale u magacaabi doono jagada wasiirka macdanta iyo biyaha haddana waxay ilo lagu kalsoon yahay ay xaqiijinayaan in loolanka ay ku jiraan xubno ay ka mid yihiin Maxamuud Axmed Barre (Garaad), Baashe Muuse, Cali Xaaji Xirsi Faarax, Faarax Wajeer, oo dhamaantood ka soo jeeda deegaanka degmada Dila halka ay warar kale oo ka ag dhow loolankaasi wasiirka macdanta iyo biyaha ay sheegayaan in xubno ka tirsan asxaabta mucaaradka ee KULMIYE iyo UCID iyaga laftoodu ay labadii maalmood ee ugu dambeeyay mawduuca kaambaynkaasi magacyadooda la isla dhex marayay kuwaas oo ay ka mid yihiin Professor Ismaaciil Muumin Aare oo ka mid ah xisbiga KULMIYE, iyo af hayeenka xisbiga UCID, Xasan Xuseen Maxamed (Codyare) oo iyaguna ka soo jeeda beesha deegaankaasi Dila la sheegay in olole lagu soo xero gelinayo xubnahaasi ay kooxo ka tirsan beeshoodu iyaga iyo Madaxweyne Riyaale ka dhex wadaan maalmahan ugu dambeeyay taas oo tibaaxuhuna sheegayaan in dhaq dhaqaaq ku wajahan magacaabista xubinimada wasiirka macdanta iyo biyaha loogu soo bandhigay laguna doonayo siddii xisbiyada mucaaridka ay uga soo bixi lahaayeen.
Hase yeeshee ilaa hadda si rasmi ah looma oga war xaqiijinaya in siyaasiyiintaasi mucaaridka ahi aad u quudaraynayaan siddii Madaxweyne Riyaale ugu magacaabi lahaa xilka wasaaradaasi macdanta iyo biyaha iyo hindihisahaasi ku qancinaya ka soo diga rogashada axsaabta mucaaridku inay ku qanceen iyo in kale toona balse ilo lagu kalsoon yahay oo ka ag dhow loolanka loogu jiro jagadaasi uu xaqiijiyay in madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin la filayo in toddobaadka soo socda uu si rasmi ah u soo saari doono magacaabista wasiirka cusub ee wasaaradda macdanta iyo biyaha lamase oga masuulka uu madaxweyne Daahir Riyaale u magacaabi xilka wasaaradaasi in xubnahaasi uu mid ahaan noqon doono iyo in xubin kale uu soo magacaabi doono.
Wasiirkii hore, Marxuum Qaasiim Sh.Yuusuf ayaa lagu tilmaami jiray xubnaha golaha wasiirada kaga jira gobolka Awdal ee sida weyn madaxweyne Rayaale ugu dhow dhowaa dhinaca kalena heshiisyada la xidhiidha shidaalka iyo macdanta ee ay xukuumaddu la gasho shirkadaha shisheeyaha ah uu budh tuur ka tuur ka ahaan jiray geedi socodka heshiisyada shirkadaha ajaanibka ay xukuumaddu kula gasho baadhista macdanta iyo shidaalka dalka ku jira.
Xigasho: Haatuf
No comments:
Post a Comment