Dahir Rayale oo Rajo ka Qaba in Loo Magacaabo Safiirka Djibouti u Fadhiya Somaliland
by
HARGEYSA – wararku waxay sheegayaan in Ismacil Cumar Geele khadka telephone-ka kula xidhiidhay Dahir Rayale isagoo ku adkaynaya iibka jasiirada Sacadiin. Ismacil Cumar Geele oo u liita arimo caafimad oo la xidhiidha misaanka culus (Obesity)wakhtigisii xukunkuna dhamaaday oo uu ku eeg yahay 2011 – Dastuurka dalka Jabuuti u yaalana isma soo sharixi karo sidaasi darteed labadoodaba waxa ka lumaya dhaqaale culus hadii ay waayaan jasiirada Sacadiin.
Dahir Rayale wuxuu rajaynayaa inta uu Ismacil fadhiyo Jabuuti in arintiisu dhinac u dhacdo halka Ismacil Cumar Geele ka rajaynayo inta caafimaadkiisu sii xumaan in jasiirada Sacadiin uu meel ku ogaado.
Caaqilada Adal (Awdal, Selel, iyo Gebiley) oo arintaa jasiirada Sacdiin ragino muujiyey kana gaabsaday inay xiisada sii durkiyaan ayaa u noqotay cashar Ismacil Cumar Geele iyo Dahir Rayale – labadoodaba. Caaqilada oo arinta ku daayey dawlada sii dumaysa ee Dahir Rayale inay wax ka qabato xiisada ayna sharci u haysan inay jasiirad siiso shaqsi kaliya.
Xiisada jasiirada Sacadiin ayaa maalinba maalinta ka danbaysa kasii daraysa – waxay wararku sheegayaan in baayacmushtarkii ku eedaysnaa inay iibsadeen jasiiradu ay yareeyeen isku socodkii Jabuuti iyo Somaliland – iyadoo xuduuda lasoo dhoobay ciidamo badan oo nooc walba leh.
Degmada Saylac ayaa dadku qofba qof isha ku hayaa iyadoo shacabku ay aad uga xun yahay iibka lala beegsaday hantida qaranka.
Ninka iibiyey jasiirada oo Dahir Rayale iyo ninka laga iibiyey oo ah reer Jabuuti – labadooduba waa niman aan sharci u haysan inay hantida qaranka ku takri falaan. Dahir Rayale waa kaligii taliye aan lasoo dooran ooo si sharci daro ah Hargeysa ku fadhiya halka baayacmushtarkan jasiirada usoo qoystayna uu yahay nin aan u dhalan Somaliland ama Selel.
Dadku waxay is waydiinayaan Ismacil inta uusan dhicin, marka Dahir dhaco ma safiir ayuu ka dhigan si uu ugu abaal gudo xaraashkan uu dhulka Selel ku hayo?
SayliciPress Hargeysa
No comments:
Post a Comment