Saturday, December 19, 2009

Dhakhaatiirta Xoolaha ee Maxjarka Berbera oo soo Bandhigay Fadeexadaha Musuq ee Wasiirka Xannaanada Xoolaha

Dhakhaatiirta Xoolaha ee Maxjarka Berbera oo soo Bandhigay Fadeexadaha Musuq ee Wasiirka Xannaanada Xoolaha

"Warshadii wax soo saar ee ugu waynayd ee lafdhabarta dhaqaale ahayd ee nolosheena tiir dhexaadka u ahaa in nin qudha lagu eego 8 sannadood inuu sidoo doono ka yeelo waa ayaan-darro"

Dr. Daa'uud Ismaaciil Nuur

Hargeysa (Jam)- waxaanu cadadkii Jamhuuriya ee shalay idiinku soo gudbiney dhakhaatiirta xannaanadda xoolaha ee ka hawlgala maxjarka Berbera ee xooluhu ka dhoofaan oo kala ahaa Dr. Daa'uud Ismaaciil Nuur, Dr. Maxamed Xuseen Xasan iyo Saleebaan Cabdi Ibraahim, ayaanu qaybka mid ah xog warankoodaasina cadadkan maanta idiinku soo gudbin doonaa.

Dhakhaatiirtaasi oo uu u hadlay Dr. Daa'uud Ismaaciil Nuur, ayaa waxa uu hadalkooda ku bilaabay sidan;

"Maxjarkan imika lagu shaqeeyaa maaha kii Al-jaabiri balan qaaday inuu dhisayo, waana Maxjar uu dhisay Bangiga horumarinta Islaamka, waa xafiisyadii wasaaradda xannaanadda xoolaha, waa hangaradii ay dhistay dawladdii hore ee Siayad Bare¸gaar ahaan wakaaladii horumarinta dhoofka xoolaha.

Maxjarkan la leeyahay Al-jaabiri ayaa dhisaym, waxa Sannadkii 2006 dib-u-habayn ku sameeyey bangiga adduunka, waxaana lacagtii ku baxday lagu qiyaasay ilaa $120,000 dollar. Kontaraagii dhisamhaasina waxa ku guulaysatay shirkadda la yidhaahdo AMAL ee uu leeyahay Eng. Maxamed Cali Hayste oo ahaa nin reer Berbera ahaa, waxaa is dhaafdhaafayna waa musuqmaasuqa wasiirka xannaanadda xooluhu ku jiro.

Arrintaasina cid wasirka xannaanadda xoolaha la ogi ma jirto, taasna waxa cadaynaya hadalkii wasiirka maaliyaddu ku jawaabay mar guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladu waydiiyey halka ay marto lacagta $7.5 dollar ee dulsaarka ku ah xoolaha ka dhoofa maxjarka Berbera ee ahaa 'lacagtaa waxaad waydiisaan wasiirka xannaanadda xoolaha isagaa qaadee.'.

Waxa weeye mudadda toddobada sanno ah musuqmaasuqa wasiirka xannaanada xooluhu ku kacay waa mid baaxad weyn oo saamayn ku yeelan kara dhoofka xoolaha nool, waxay ahayd wadammada Khaliijka ee dariska inala ah inaynu kula tartano xoolaha laga keeno dalka Ustereliya oo ku yaal cidhifka bari ee adduunka oo sannadkii ina dhaafay soo dhoofiyey afar milyan iyo lix iyo toban kun oo iddo ah, waxaana dhoofka xoolahooda nool ka shaqeeya in ka badan 18 kun oo shaqaale oo ka kala socda 30 shirkadood.

Markaa warshadii wax soo saar ee ugu waynayd ee lafdhabarta dhaqaale ahayd ee nolosheena tiir dhexaadka u ahaa in nin qudha lagu eego 8 sannadood inuu sidoo doono ka yeelo waa ayaan-darro, waxaan madaxweynaha ka codsanayaa inuu xoolaheena ka qabto waarabaha weeraha ah ee toddobada sannadood xilkii ummadda ka dhigtay mid uu kelidii ku shaqaysto, markaa waxaan madaxweynaha leeyahay wasiirka xannaanadda xooluhu waa barmadaw oo kugu taal ee dadku adiga ayey ku doorteena ummadda ka qabo weerahan hororka ah oo sideed sannadood hadii ay ku filaan waayeen wixii xaaraanta ahaa ee uu lunsaday waa in aanay sii socon, ayaanu leenahay hadii aanu nahay dhakhaatiirta xoolaha.

Waxaanu leenahay madxweyne ka dhabee digniintii aad maalintii ciida ummadda u jeedisay ee aad lahayd ayaan la carqaladayn dhoofka xoolaha oo waa inaan kaga bilawdaa wasiirka xannaanada xoolaha ee dhibta iyo hagardaamadda musuqmaasuqu ugu horreeyo ku haya dhoofka xoolaha.

Maadaama wakhtigan dawladda Sucuudigu inoo furtay xoolaheena tobanka sanno inaga xidhnaa si aan nidaamka dhoofka xooluhu inooga xumaan waxa wanaagsan inaan wasirka lagu halayn dhoofka xoolaha, waxayna xilkii wasaaradda xannaanadda xooluhu noqotay inay ka shaqayso dibi dhoofaya oo saylada Wajaale jooga iyo neefka ka dhoofaya sayladaha Hargeysa, Burco iyo dekedda Berbera, iyada oo ujeedadiisu tahay halkay lacagi taalaa.

Waxayna ahayd in laga shaqeeyo xoolaha dhaqmaadkooda iyo wax soo saarkooda oo dadkii reer miyiga ahaa ee xoolaha dhaqayey wax loo taro si aynu xoolo caafimaad qaba u dhoofino, waxaan leeyahay miisaaniyadda qaranka inta ugu badan ha loo qoondeeyo horumarinta xoolaha oo neefkan la dhoofinayo laxdii, hashii iyo sacii dhalay wax ha lagu celiyo oo lacagtan dhoofka xoolaha laga qaado sanduuq ha loogu sameeyo, waana in muhiimada la siiyo adeega xannaanadda xoolaha. Waayo caalamka iyo hay'adda caafimaadka xooluhu marka ay qiimaynayso dalka xoolaha nool dhoofin kara iyo dalka Kale, waxay eegtaa qaab dhismeedka wasaaradda xannaanadda xoolaha, adeega dhoofka xoolaha iyo xannaanadooda waxa ugu jira miisaaniyadda, markaa dalka laga waayo arrimahaas hadii ay xaataa xoolohoogu caafimaad qabaan lama aamini karo.



Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment