Soo Celinta Interpeace iyo Jawaabtii Faysal
Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo ahaa shakhsi ay inta badan wasiirada xukuumadda Rayaale ku eedayn jireen inuu heshiis gaar ah kula jiro hay'adda Interpeace, ayaa soo dhaweeyay ogolaanshaha Madaxweynaha. Faysal ayaa wuxuu yidhi, "Anigu fikir ahaan waan soo dhawaynayaa Interpeace inay soo noqoto, Madaxweynaha waan ku bogaadinayaa."
Madaxweyne Rayaale Oo Ay Dhirbaaxo Diblomaasiyadeed ku dhacday Wednesday, 25 November 2009 Hargeysa(Geeska) -Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa qaaday tallaabo ku noqonaysa dhabar jab diblomaasiyadeed, ka dib markii uu ogolaaday inay hay'adii Interpeace oo uu dalka ka mamnuucay mar labaad dib u hawlgasho.
Xukuumadda Somaliland ayaa hore u masaafurisay wakiilkii hay'adda Interpeace u joogay Somaliland Mr. Samora oo ay hay'adoodu gacanta ku haysay kala shaandhaynta seerfarka iyo nidaamkii diiwaangelinta.. Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo dabayaaqadii bishii Juun shirjaraa'id qabtay ayaa si adag u difaacay go'aanka uu hay'adaas wadanka kaga saaray, waxaanu nidar ku maray inaanay dib usoo noqon doonin. "Inter Peace aniga wax gaar ah oo ay iga lumisay ma jirto laakiin waxaan u arkaa inay ummadan sharafteedii iyo karaamadeedii meel kaga dhaceen waxyaabo kale oo baadhista ku soo bixi doonaana way jireen, waxa ka mid ah macluumaadkii (Database)-kii dalkani lahaa iyadoo aan laga tashan komsihanka iyo arrimaha gudaha la qaaday oo Nairobi la geeyay inagaa leh ma garanayo sababta loo qaaday meel aynu ognahay ayuun baa la gayn karaa. Waa khiyaamooyinka dalkan laga galay ee aanu hay'adan ku soo oogin doonin." Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale xilligaas, waxaanu isagoo carrabka ku adkaynaya inaanu go'aankaas ka noqon doonin uu yidhi, "Deeqbixiyayaasha waan la wada hadlay, waliba kuwa ugu muhiimsan ayaan la hadlay waxaan u sheegay in aanan daawanayn dalkaygu in uu hortayda ku fashilmo, wakhtiga dhow anigoo arkaaya in wax idinka soo socdaa aanu jirin in aan dalkayga ka badbaadiyo doorasho faashil ah inuu mid toos ah uu galo ayaan u sheegay. Lacag haddii aanay bixinayn in aynu ka maamayno ayaan u sheegay oo aynaan u dhimanayn lacag aan la isiinayn oo hawada laga helay oo NG-yo ay maamulayaan in aan mustaqbalka ummaddan loo luminayn ayaan u sheegay. Waxaan u sheegay in aanan ka noqonayn go'aankayga ninkii raba in doorashadan uu NGO-gaasi qabto Nairobi ha kaga dab tago."
Haddaba, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa si fudud uga noqday go'aankaas adkaa ee uu xiligaas qaatay. Agaasimaha gobalka ee hay'adda Interpeace Mr. Jerry McCann, oo shalay safar gaaban Hargeysa ku yimid ayaa caddeeyay in Madaxweyne Rayaale aqbalay in hay'adu dib u bilowdo hawlaheedii. "Halkan waxaan u imid martiqaad aan ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, si loo odoroso in Interpeace looga baahanyahay
inay sii waddo shaqadii ay ka haysay Somaliland." ayuu yidhi Mr. Jerry, oo warsaxaafadeed ka soo saaray Hargeysa shalay intii aanu ka dhoofin, waxaanu intaas raaciyay, "Waxaan u sheegay Madaxweynaha sida Interpeace aad ay uga xuntahay wixii ka yimid habsami u socodkii diiwaangelintii cod bixiyayaasha oo aan gaadhin heerkii la rabay."
Isagoo sarkaalkani sharaxaya waxyaabihii ay Madaxweynaha ka wada hadleen waxa uu yidhi, "Waxaanu ka wada hadalnay doorkii wax ku oolka ee dhexdhexaadka ahaa ee Interpeace tobankii sannadood ee u dambeeyay qaadatay si ay u taageerto nabadda ay wadaan dadka reer Somaliland, waxaanu isla qaadanay in Interpeace doorkaa ku soo noqoto." Mr. Jerry, wuxuu cadeeyay in Madaxweyne Rayaale aqbalay in hay'adu soo noqoto, "Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu aqbalay inaanu soo noqono si aanu farsamo ahaan u caawino komishanka dorashoyinka qaranka si ay u taabo-geliyaan doorashada madaxweynaha oo u dhacda si xor iyo xalaal ah. Hadda waxaan tagayaa Addis Ababa si aan ula kulmo komishanka dorashoyinka qaranka."
Jawaabta Faysal Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo ahaa shakhsi ay inta badan wasiirada xukuumadda Rayaale ku eedayn jireen inuu heshiis gaar ah kula jiro hay'adda Interpeace, ayaa soo dhaweeyay ogolaanshaha Madaxweynaha. Faysal, oo isagoo jooga magaalada Helsinki xalay u waramay
Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu yidhi, "Anigu fikir ahaan waan soo dhawaynayaa Interpeace inay soo noqoto, Madaxweynaha waan ku bogaadinayaa. Runtiina Interpeace waxba inagamay xumayn ee komishankii hore ayaa inaga xumeeyay, Madaxweynahana waxa ku diray cid u sheegtay war been ah, markaas waan soo dhawaynayaa waana tallaabo wanaagsan."
Faysal, waxa uu Madaxweyne Rayaale uga digay inuu maqlo hadalada aan la hubin ee ay wasiiradiisu u tabiyaan. "Madaxweynaha waxaan leeyahay war kasta oo laguu keeno waa inaad iska hubsataa oo aanad sidiisa u qaadan si aan la inoogu dirin dunida." Ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaas raaciyay, "Shakhsi waa laga caban karaa oo dhibaato kuma jirto taas laakiin in hay'ad dhan la yidhaahdo dalka halaga saaro maaha wax qurux badan."
Jawaabta Siilaanyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, oo isna xalay uu Geeska Afrika weydiiyay aragtidiisa la xidhiidha dib u soo noqoshada Interpeace, ayaa sheegay inay xisbi ahaan soo dhawaynayaan, "Waayo." Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo, "Waa hay'adii ugu dhawayd ee diiwaangelinta la socotay. Markaas beryahan dambe warkaas waanu haynay inay Interpeace soo noqonayso, waanan soo dhawaynaynaa, waayo diiwaangelinta ayaa ku xidhnayd oo ay la socdeen." Axmed Maxamed Siilaanyo, oo ka hadlayay go'aankii adkaa ee uu Rayaale hay'adaas ka qaaday iyo sida fudud ee uu isu bedelay waxa uu yidhi, "Waa tii la ogaa Rayaale iyo xukuumadiisu siday u hadlayeen iyo tallaabadii ay qaadeen iyo sidii foosha xumayd ee uu ula dhaqmay, maantana waxay u muuqataa, si dad ban haddii loo eego inay khasab ku noqotay, waayo mawqifkii ay asxaabta mucaaradka ah iyo deeq bixiyayaashu qaateen inay ku soo celiyeen ayaa muuqata, waanan soo dhawaynaynaa in hawshii si deg deg ah u dhacdo, waxaanan rajaynayaa inaanay carqalad dambe jiri doonin oo doorashooyinkuna inoo qabsoomaan." Madaxtooyada Madaxtooyada Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino arintan ayaanay noo suurtogelin. Laakiin Mr. Jerry, ayaa shalay Madaxweynaha kula kulmay xafiiskiisa, sida uu ku cadeeyay warsaxaafadeedkiisa.
Gunaanad Marka la eego go'aankii adkaa ee uu Madaxweyne Rayaale hay'adaas ka qaatay iyo sida fudud ee uu u martiqaaday welibana u aqbalay inay dalka ku soo noqdaan, waxa la dareemi karaa inay Madaxweynaha ku dhacday dhirbaaxo diblomaasiyadeed oo kaga timid wadamada reer galbeedka ah ee taageera hanaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland. Waxa kale oo uu iyagana go'aanka Rayaale dhabar jab ku yahay komishankii hore ee dorashooyinka. Waxa sidoo kale tani bidhaaminaysaa inay taageero siyaasadeed u soo hoyatay madaxda xisbiyada mucaaradka iyo shirguddoonada goleyaasha baarlamaanka oo si weyn uga soo horjeestay go'aankaas uu Madaxweyne Rayaale hay'adda ku qaniinay ee uu dalka kaga saaray.
XIG: WARKAMAANTA.COM
No comments:
Post a Comment