Tuesday, December 1, 2009

Fadeexadaha Musuqmaasuq ee Dul Hoganaya Wasiirka Xannaanada Xoolaha

Fadeexadaha Musuqmaasuq ee Dul Hoganaya Wasiirka Xannaanada Xoolaha

Dawada tallaalka xoolaha ee dalka lagu caawiyo iyo lacagaha wasiirku ka qaato ganacsatada xoolaha ee jeebkiisa ku xerootay laga soo bilaa 2006 ilaa sannadkan aynu ku jirno ee 2009

Warbixin bahda Jamhuuriya ka diyaariyeen musuqa tallaalka xoolaha ka dhoofa Berbera

Berbera (Jam)- Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, ayaa la sheegay inuu ka ganacsado dawada tallaalka ah ee loogu tallo galay xoolaha ka dhoofa dekeda magaaladda Berbera, isaga oo lacago xad dhaafa oo dulsaar ah ka qaata ganacsatada xoolaha loo tallaalo.

Sida Jamhuuriya u xaqiijiyeen dad kala duwan oo xoog ugu dhuun dalloola dhoofka xooluhu, waxa wasirka xannaanada xooluhu dakhli badan ka helaa daawada tallaalka xoolaha oo caawimo ahaan dalka ku timaada, iyada oo ay soo qaado diyaarad Qaramadda Midoobay leedahay, isla markaana cashuur la'aan lagaga soo dejiyo madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaaladda Hargeysa.

Waxayna xogahaasi xaqiijiyeen in wasiirku dakhli badan ka helay tallaalka loogu talo galay xoolaha, gaar ahaan tallaalka dibida loo dhoofiyo dalka dibadiisa, iyada ay Jamhuuriya soo gaadheen xogo daaha ka fayday tiradda dibida dalka laga dhoofiyey laga soo bilaabo 5 June 2006 ilaa November 2009 iyo dakhliga lacageed ee wasiirka ka soo galay.

Haddaba warbixin bahda Jamhuuriya ka diyaariyeen tallaalka xoolaha ka dhoofa dekeda Berbera, gaar ahaan dibida iyo lacagaha kala duwan ee laga qaado ganacsatadda, kharashaadka ku baxa hawlaha tallaalka iyo xadiga wasiirku jeebadaha ku shubto, waxay u dhigan tahay sidan;

"Laga soo bilaabo 05 June 2006 kii oo ku beegneyd markii ay wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland ku soo rogtay in dibada loo dhoofiyo wadamada Khaliijka Carabta lagu tallaalo sayladaha ay ganacsatadu ka soo iibsadaan sida Wajaale, Alley Baday iyo sayladaha kale oo dibida lagu iibiyo, waxa si weyn sare ugu kacay Dibida ka dhoofa magaaladda Berbera ee la geeyo dhinaca dalka Yaman, iyada oo la rumaysan yahay in tallaalku sumcad weyn u soo jiiday Dibida ka dhoofa Berbera.

Haddaba iyadoo ay sidaa tahay, ayaa hadana waxa cabashooyin kala duwani ka soo baxeen dhinaca ganacsatada dibadaha u dhoofiya xoolaha nool, kuwaasi oo siyaabo kale duwan uga cabanayey masuuliyiinta wasarada xanaanada xoolaha oo uu u horeeyo wasiirku, waxa kale oo jira arrimo ka hadalkoodu ku adkaa afka ganacsatada Dibida dhoofiya, iyaga oo ka cabsi qabay ilaa haddana ka cabsi qaba in haddii laga maqlo ay xoolahoodu talaal waayi doonaan, isla markaana ganacsigooda la xidhiidha dhoofka xoolaha ay carqaladi kaga iman dhinaca wasaarada xannaanada xoolaha.

Balse, waxa jira in ay wakhtigan dibada u soo baxayaan xogo qarsoonaa oo xaasaasi ah, kuwaasi oo ay daaha ka fureen cabashadii ka soo baxay dhakhatiirta ka hawal gala maxjarka xoolaha ee magaaladda Berbera mudadii koobneyd ee ka dambeysay xayiraad ka qaadistii dhoofka xoolaha, taasi oo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalku.

Xogtii ugu horreysey ayey dhakhatiirtu ku sheegeen in neefka adhiga ah ee ay tallaalaan laga qaado lacag gaadhaysa $0.25, taasi oo marka laga jaro kharashka dawada iyo qalabka lagaga shaqeeyo uu inta soo hadhay wasiirka xannaanadda xooluhu qaato 51%, halka dhakhaatiirtana la siiyo inta soo hadhay oo ah 49%, arrintaasi oo ka yaabisay cidkasta oo maqasha.

Haddaba marka aynu eegno dhinaca khidmada wasaaradda xannaanada xooluhu ka qaado Dibida, gaar ahaan xanuunka loo yaqaano cabeebka, waxay xoggo Jamhuuriya meelo kala duwan ka helay tibaaxeen in neefkiiba laga qaado lacag gaadhaysa $2.50, taasi oo marka laga jaro kharashaadka baxay oo neefkiiba ah $0.40, inta soo hadhay oo ah $2.40 ay ku xerooto jeebka wasiirka xannaanada xoolaha Dr. Idiris.

Sidoo kale waxaay xogtani intaa ku daraysaa in dawadan loogu tallo galay tallaalka xoolaha ay hay'adda UNICEF iyo SAHPS caawimo ahaan dalka u keenaan, taasi oo lagu soo qaado diyaarad ay Qarammada Midoobay leedahay oo la yidhaahdo Onkas, iyada oo lagu soo hagaajiyo wasaaradda xannaanada Xoolaha, iyada oo raaci u dambeeyey ee dawadaasina shalay ka soo degtay madaarka Hargeysa, islamarakana waxay dalka ku soo gashaa bilaa cashuur.

Waxa xogtani intaa ku daraysaa in talaagadaha lagu kaydiyo dawada tallaalka ay iska leeyihiin ganacsatadda dibida dhoofisa, kuwaasi oo ku keenay daawadii u horraysay ee ay ganacsato ahan soo iibsadaan markii amarka tallaalku.

Waxa kale oo intaa dheer markasta oo uu nin ganacsade ahi u baahdo in loo tallaalo dibida uu sayladaha ka iibsado waxaa laga qaadaa $40 oo lugu sheego shiidaalka gaadhiga G.T-ga ah ee dawada lagu qaadayo, balse waxay xogtani sheegaysaa in gaadhiga G.T-ga ah loo qoro warqada shiidaalka ee wasaarada xanaanada xoolaha oo shiidaalkeedu miisaaniyada ku jiro.

Isku soo wada duuboo iyadoo ay ganacsatada xoolaha{dibida} dhoofisa qaarkood ay marka horeba ku sheegeen arinta talaalka lo'ada inay tahay ama ahaydba mooshin qarsoon oo wasiirku uga danlaha danihiisa ganacsi ee mudada uu xilka qaranka hayo kaga faa'iideysanayo doonistiisana u meel martay iyadoo cid kasta oo isku dayday inay dawada keenstana loogu diiday amar kiisa ay lama huraan noqotay inay Jamhuuuriya soo bandhigto tirakoobkii dibidii lagu bilaabay dawada talaalka tan iyo wakhtigii la bilaabay oo ahayd 5/06/2006 – Nov 2009 ka iyo xadiga lacageed ee wasiirka xanaanda xoolaha u xerootay.

Sanandkii 2006 waxa la dhoofiyey 74,179 dibi, waxa Wasiirka Xannaanada Xoolaha uga soo xarootay $178,029.60 marka lagu dhufto lacagta dulsaarka ah oo dhan $2.40 ee wasiirku ka qaato neefkiiba, sannadkii 2007-kii waxa dhoofay 88523 dibi, waxa Wasiirka Xannaanada Xoolaha u soo xarooday $212,455.20, 2008-kii waxa dhoofay 70946 dibi, waxa Wasiirka ku soo xarootay $170,270.40, halka sannadkan 2009-kii dhoofeen 85557 dibi, waxa Wasiirka u soo xarooday $205,336.80.

Marka muddadaa xisaabta la isku wada darana waxay noqonaysaa lacagta xadiga Wasiirka jeebkiisa ku soo xarootay $766,092. La soco cadadka dambe… Kharashka dilaalinta Al-jaabir ay ka heleen intii u maxasharku furnaa



Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment