Tuesday, December 1, 2009

Ma siyaasi baad tahay mise diblomaasi?

Marka hore waxaan aad ula yaabaa dhawr wiil oo sheegta inay yihiin diblomaasiyiin qaar isku sheega inay yihiin safiirada wareega iyo kuwo kale oo yidhi waddamo kamid ah Yurub baan safiiro ka nahay oo haddana aanan arag marqudha iyagoo jooga waddamadii loo magacaabay ee la yidhi safiir bay ka yihiin.
 
Xubanaha loogu yeedhay diblomaasiyiinta ( safiirada) ayaad moodaa inaanay haynin xilalkii loo magacaabay ee ahaa inay ka shaqeeyaan xidhiidhka Somaliland la leedahay waddamada kale ee dibadaha, laakiin aad moodo inay illaaween xilalkii loo magacaabay oo iyagu ka doorbiday dhaleecaynta xisbiyada mucaaridka ah iyo loolanka siyaasadda arrimaha gudaha, taas oo ka xaaraan ah diblomaasiyiinta. Waayo? dibloomaasigu waa shaqaale dawladeed marnaba intuu xilka kama hadlo siyaasadda arrimaha gudaha ee dal leeyahay, ee waxay ka hadlaan oo ka shaqeeyaan  xoojinta xidhiidhaka dalkaasi la leeyahay waddamada kale ee dibadaha. Waxaana u caado ah diblomaasiyiinta xitaa masheegaan xisbiga ay ka tirsan yihiin oo iyagoo xaq u leh inay si asturan u taageeraan xisbiga ay doonayaan laakiin marnaba ma yimaadaan safka hore ee uu ka socdo xafiiltanka siyaasadda  ama arrimaha gudaha ee dal leeyahay. Markaas arrinta ay keentay xukuumadda Riyaale waa waa musjiso cusub oo kusoo koradhay siyaasaddii geeska Afrika.  
 
Waxaanan aad ula yaabay markaan warbaahinta ka arkay nin lagu magacaabay inuu yahay safiirka wareega oo aan moodaayey in loo diray xilka ah istiraaf raadinta iyo kor uqaadista sumcadda Somaliland ku leedahay dibadaha oo isagu intuu dibadihii uu deganaa ka guuray, waddankii degay oo ku dhex milmay siyaasadda waddanka iyo arrimaha gudaha, kaasoo isagu si badheedh ah ugu olaleeyey xisbiga talada haya ee UDUB oo aan la socono siduu u caayi jiray una nebcaa markuu katirsanaa xisbiga KULMIYE.
 
Waxaa isna sidaas oo kale lamid ah nin kale oo lagu magacaabo isna safiirka Ireland, laakiin aan filaayo inaanu waligiiba tegin Ireland, laakiin inta badan jooga UK iyo Somaliland. Markaas inkastoo xubintani dhaamo safiirka wareega dhinaca anshaha iyo diblomaasiyadaba, haddana isaga laftigiisu wuxuu aad isugu hawlaa oo xiiseeyaa dhinaca siyaasadda arrimaha gudaha si uu u muujiyo inuu kasoo horjeedo mucaaridka oo si shakhsi ah u taageersan yahay madaxweyne Riyaale iyo xisbiga talada haya.
 
Ugu danbayna waxaan arkay maqaal dheer oo ku jira warbaaxinta qaarkood oo ninka sheegtay safiirka wareegaa ku duraayo siyaasadda KULMIYE iyo xibiyada kale ee mucaaridka ah , sidoo kalena uu xalaalaynaayo dhigooda labadii qof ee xukuumadda Riyaale ku dishay Hargeysa muddaharaadyadii udanbeeyey, isagoo haddana iska dhigaaya inuu difaacayo dimoqraadiyadda iyo xorriyadda. Markaas UDUB ceebteed maaha waa caadeed waa kuwii hore madaxweyne ku xigeenku u yidhi dhakhtarka laba kaare ayaan idhi usoo dira markaasaa afar kaare lasoo diray. Markaas xukuumadda arday muddaharaaday daayoo, dadkii bukay ee dhakhtarka jiifay bay kaarayaal ku weerareen oo ay caadi u arkaa waana arrin laga naxo.  
 
Markaas inkastoo aan maqal goor safiirka wareega xilkii hore laga badalay, malaa waxaaba laga dhigay  guddoomiyaha olalaha doorashada ee wareega. Bal arrintan xukuumaddu faah faahin haka bixiso. Mise waa nin daad qaaday xunbo cuskay, waxaaba laga yaabaa diblomaasiyiinta daayoo in ciidamada qarankana la yidhaahdo UDUB usoo olaleeya. Iyadoo aan ogayn ciidanka waddooyinka baabuurta la siyaasadeeyey oo taliyihii taraafikadu shaqadiisii ku waayey markuu xaalka ka baxshay falalkii jidgooyada ahaa ee loo galay guddoomiyaha xsibiga KULMIYE, ee ku dallacay guddoomiye ku xigeenkii taraafikada ee guddoomiyaha u diiday inuu ka qayb galo xuskii dhacdadii naxdinta lahayd ee weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday caasumadda Hargeysa.
 
Mise xukuumaddu mucaaridka ayaabay argagixisada kaga daran, sidii ay dhawaan ku tiraabeen xubno ka tirsan hoggaanka sare ee olalaha doorashada UDUB, oo iyagoo halkii dadka uga soo bandhigii lahaayeen wixii lagu dooran lahaa, iyo wuxuu ummadda u qabtay markuu wuxuu keeno oo laga dhegaysan karo waayey yidhi, KULMIYE argagixiso ah. Taasoo ku tusaysa inay xisbiga UDUB ku fashilmeen siyaasaddii oo waayeen dadka waxay ku jiitaan, sidoo kalena aanay lahayn barnaamij siyasaadeed iyo aragti toona.
 
Laakiin xisbiga UDUB ma ogyahay inaanay waxba u gaysan KULMIYE ee hadalkaasi meel ka dhac ku yahay jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, waayo haddii xisbiga mucaaridka ugu wayne ee KULMIYE oo helay doorashadii hore ee madaxweynaha in kabadan 40% uu argagixada taageero, markaas taas macanaheedu waxaa weeye Somaliland baa argagixisa taageerta,runtiina waa arrin aan laga fiirsan. Laakiin xukuumaddu waa inay faah faahin ka bixisaa arrintaas oo ka hadashaa si aan loogu arkin inay tahay siyaasad cusub oo xukuukaddu ku tilmaanto argagixiso wixii siyaasadeeda dhaliilaba.
 
Xubnahan aan soo sheegayna ee safiirada ahi waxay ceeb ku yihiin diblomaasinimada, waxaana habboon inaan lagu tilmaamin safiiro ee la siiyo cinwaano kale oo siyaasadeed, si aan meel looga dhicin diblomaasiyiinta sharafta leh. Waxaana laga yaabaa xubnahan aan kor kusoo sheegnay aanay laftigoodu garananyn shaqada uu Riyaale u magacaabay oo ilaaween inay qaranka xil u hayaan una siman yihiin muxaafid iyo mucaaridba, oo moodeen inay si shashi ugu shaqeyaan madaxweyne Riyaale.
 
Somaliland waxay leedahay boqolaal diblomaasi oo kala jooga dunida dacaladeeda oo iyagu ku hawlahan hawlihii loo igmaday oo aan iyagu isku mashquulin siyaasadda arrimaha gudaha siday caadaysteen xubnahaas aan kor kusoo sheegnay ee ka badin waayey xaafidihii Hargeysa.
 
Ugu danbayna akhristaha ayaan u dhaafayaa jawaabta su'aasha aan ku bilaabay maqaalka   ee ma siyaasi baad tahay mise diblomaasi?
 
Waad mahadsantihiinm
Cabdi C. Xasan,
London, UK
 
  

No comments:

Post a Comment