Qasaaraha ka dhashay qaraxii saakay ka dhacay Hotelka Shamo oo soo kordhaya iyo wasiiro Dowladda KMG ah Soomaaliya oo qarxaasi ku geeriyooday
Mogadishu Thursday 03 December 2009 SMC
Iyadoo goor dhow uu ka dhacay qarax aad u weyn Hotelka Shamo ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan waxyeelada qaraxaasi uu geystay, iyadoo goobta uu qaraxu ka dhacay ay isku gadaameen ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah. Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya qaraxa ka dhacay Hotelka Shamo |
Dadka ku geeriyooday qaraxa ayaa waxaa ka mid ah ilaa saddex Wasiir oo ka tirsan Dowladda KMG ah, Wasiirka Tacliinta Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Wasiirka Caafimaadka Qamar Aadan Cali, Axmed Cabdulaahi Waayeel wasiirka waxbarashada, wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Prof. Ibraahim Xasan Cadow.
Waxaa sidoo kale la sheegayaa in qaraxaasi uu dhaawac daran ka soo gaaray wasiirka Isbootiga Soomaaliya Salaymaan Colaad Rooble.
Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa la sheegayaa inuu fuliyay nin naftiisa biimeeyay oo isku soo rakibay waxyaabaha qarxa ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay xaflad qalin jebin ah.
Dhinaca kale dadka ku geeriyooday qaraxaasi saakay ka dhacay Hotelka Shamo ee magaalada Muqdisho waxaa ka mid ahaa Laba Weriye oo u kala shaqeynayay Idaacadda Shabeelle iyo Sawir qaade Telefishanka Al-Carabiya.
Sidoo kale waxaa qaraxa ku geeriyooday ilaa sagaal arday oo iyagu ka ahaa kuwo shahaadooyin la guddoonsiinayay, halka tiro intaasi ka badan oo isugu jira arday iyo dadweyne kale ay halkaasi ku geeriyoodeen.
Hotelka Shaamow ayaa maanta waxaa ka dhacaysay Xaflad arday dhamaysatay Kulayadda Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir, iyadoo ardayda xafladaasi ka soo qeyb gashay ay ka dhimatay ugu yaraan ilaa 9-arday inta la og yahay.
No comments:
Post a Comment