Saturday, December 26, 2009

“Televishanka Iyo Radio-Ga Rayaale Ma U Fiirsateen Waxa Ka Socda”..Abwaan Gaariye

 

 

"Televishanka Iyo Radio-Ga Rayaale Ma U Fiirsateen Waxa Ka Socda"

Abwaan Gaariye

 

Hageysa, December 25, 2009 (Haatuf)-Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa si qoto dheer uga hadlay daldaloolada ka muuqda qaabdhismedka qodobada distuuka Somaliland oo uu tilmaamay inaanu kala lahayn madax iyo mijo, islamrkaana ku baaqay in waajibaad balaadhani bulshada reer Somaliland ka saaran yahay sidii loo qabyo tiri lahaa qaladaadka iyo tafsiir la'aanta qaabkii lo sameeyay dastuurka, waxanu sidoo kale warwer iyo walaac ka muujiyey gaaraadka siyaasiga ah ee reer Somaliland ku qiimeeyaan marxaladaha siyaasadeed iyo is maandhaafyada ka oogma dalka gudihiisa oo uu tilmaamay qofba sida ay la tahay u cabiro, isagoo intaa ku daray, in nabadgelyada iyo xasiloonida dalka ka jirtaa ay u baahantahay in horumar la jaanqaada nolosha mushtamaca ay aasaas u tahay, balse nabada aynu haynaa aanay noqon mid aan horumar samaynin. 

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad uu shalay ka jeediyey kulan u qabtay Ururka wadaniga ah ee Somaliland Research Center kuna qabsoomay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, oo ururkaasi uu ku soo bandhigay daraasada ku saabsan rayi ururin ay ka qaadeen dadweynaha reer Somaliland ee dibad iyo gudaba ku dhaqan.

Munaasabadaasi waxa ugu horan warbixin dheer ka soo jeediyey gudoomiyaha ururka aasi Barkhad Muxumed Cumar (Ladiif) oo ka waramay marxaladihii ay daraasadani soo martay oo uu sheegay in muddo 21 maalmood ay ku gudo jireen. Islamarkaana wax kaga weydiiyeen sida khilaafaadka xal loogu heli karo ra'yi ururintaas oo uu dhiancyo badan taabanaya oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalku wakhtigan xaarika ah marayo.

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga mucaaridka KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna madashaas khudbad dheer ka jeediyay, waxa hadalkiisa ka mid ahaa

" Horta erayga khilaafaad wax badan ayaa laga qoray oo dhinacyo badan

laga eegay, waana eray daba furan khilaaf, dagaal iyo iska hor imaad,

laakiin waxbaa lagu soo aruriyey maxa la isku khilaafaa iyo noocyada

khilaafaadku waa kuwee, laakiin khilaafka ugu weyn ee la isku dilaa

waa qofku marka uu is waayo, cidbaa xuquuqdeedii la waayey, taa waxa

ka warami doona qolyaha qurbo jooga ah.

Ta labaad ee adduunka ugu masalada badan ee la isku khilaafaa waa ayaa

go'aaminaya, ayaa masiirkayaga ka talinaya, waana ka ugu khilaafaadka

badan waxa ku dhinta dadka u badan, waxa kale oo uu ka dhacaa Qoyska

odayga iyo islaanta, inan iyo aabihii, shirkadaha ayuu ka dhacaa.

Dhaqamada jiraa ee la isku muquuniyo, imika inaga wuu jiraa

khilaafkaasi oo waxa lagu odhanayaa kaasi waa reer hebel iska daa, waa

gobooyee inaga daa, waa reerkiiye inaga iska daa, markaad eraygaa

maqasho sidii lagagu soo barbaariyey wax-baad xafidaynaysaa, markaa

wax dabiiciya oo maanta Afrika ka jira.

Qodobka afraad waxa qiimayn oo waxa lagu murmayaa dawladu way

wanaagsan tahay oo nabadii ayey inoo haysaaye iska daaya, qolana waxay

odhanaysaa dawladu way musuqmusuq badan tahay oo doorashooyin ayey

qaban wayday, markaa qiimayntii ayaa meesha ka baxday oo qof weliba

maskaxdiisa ayuu cabirayaa.

Arinta ugu weyni waxay tahay marka dawlado shisheeye gacanta kula soo

galaan, markaa qodobka todobaad ee ugu dambeeya waxa weeye waxan

dhisan ee la isku haysto anigu maxaan ku leeyahay, hadaynu ku

heshiinay dawladnimada maxaa looga baahan yahay, ilayn dawlada waxa

loo haystaa inay cashuurta gurto, ku garaacdo, waayo rag waaweyn ayaa

sidaas u haysta dawladu iyadaa xaq u leh, cashuurta ha qaado, haku

dishee ogolow, qofkaasi isma yeel yeelayo ee sidaas ayuu u haystaa

dawladnimada, mid-na waxa uu u haystaa dawladnimada inay isaga

ilaaliso oo caafimaad helo, oo waxbarasho helo oo nabadgalyo uu helo,

waar khayraadkii ummada sidee ayey dawladu ugu qaybisay dadkii, haddii

la yidhaahdo Muuse Biixi hantida Xisbiga KULMIYE 80% hala siiyo, waayo

waa madax, ka ila mid ahna la yidhaahdo 0.01% hala siiyo, taasi miyey

cadaalad noqonaysaa, jawaabtu waa maya, oo kan maskiinka ahi iyo Muuse

Biixi way siman yihiin, Caafimadkii waa laga siman yahay oo qof walba

Hoy, Cuno, ayuu u baahan yahay, markaa inaga khilaafkeenu waa mid ku

salaysan dabiici, awood, iyo sharciyad.

Waxaan doonayaa in aan ka hadlo erayga nabada, waxaana loo baahan

yahay in aynu ku heshiino erayga nabad, haddii aad xalay nabad ku

saaxatay oo aad ka warwaraysid xagaad aroorta u kalihi shaqo ma haysid, nabad

kumaad seexan, haddii uu qofku caafimaadka ka warwar qabo, dhaqaalena

aanad haysan qofkaasi ma nabad ayuu ku seexday, ninka jaamacada ku

jira ee imtixaanka walba A ku baxaya meel uu u socdana aanad garaynin

nabad miyuu ku seexday, nabada ma waxa micnaheedu yahay Xabadi inagama

dul dhacayso oo kaliyaa, markaa waxaynu u baahan nahay in nabadu wax

koriso oo baahida inaga saarto, nabadu ayey noqon, aniga marka Ilig i

xanuuno ee la yidhaahdo waa ina Biixi ee Jarmalka hala iila cararo ka kale ma miyaanu baahnayn" sidaasi ayuu yidhi, waxana uu dardaaran u jeediyay dhalinyada barnaamijkan soo diyaarisay inay halkaa ka siii wadaan islamarkaana daraasada aanay halkaa kaga hadhin inta inta itaalkooda ah.

Dhinaca kale Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), "horta Khilaafaadka kalmad ayaan ka odhanayaa dawladnimadan casriga ah ee Madaxwaynaha leh, Baarlamaanka leh, Guurtida leh iyo Maxkamadaha inagu maynaan lahaan jirin, oo

dibada ayay gaalo inoo keentay nimankii ina haystay ee Ingiriiska

ayaa inooga oo raacato ah inoo yimid muddo ayey ina haysteen 1960-kii ayey

yidhaahdeen waanu idinka tagaynaa ee Baarlamaan samaysta oo dawlad

dhista, nimankii fadeexadan dawladnimada ah inoo keenay markay

tagayeen buugii laga eegi lahaa ayey qaateen, meel aynu kaga nimaadno

garan mayno oo tii hore waynu burburinay oo dhaqankii raacatada iyo

dawladnimadii la inoo keenay ayaa is geli waayey, waxaas oo murana ee aad

arkaysaan wixii aynu qoranay ayaan lagu dhaqmayn oo waxa la marayaa

waddadii kale ee qabyaalada iyo kan ayaa ka dambeeya, markaa qoraalkii

ayaan la raacayn.

Distoorka yar ee aynu samaysanay Nin ayuu ku fasiran yahay, isagaa

Maxkamada ah, isagaa Baarlamaanka ah, hoos u qaadaha iyo dajiyuhu waa

isaga sharcigoo dhami isaga ayuu awood siinayaa, waar Distoorkaa maku

noqonaa.?

"Bahalkan Distoorka ah ayaa ummadii afka isku wada geliyey, hadaad

aragto laba qof oo is haysta oo mur-maya waxay isku haystaan wixii u

qornaa ayaan u shaqaynayn, Distoorkan aad ka hadlaysaan meel walba

waxa ku qoran Xeerbaa qeexi doona, waxa uu qeexayana garan mayno,

mar Madaxweynaha ayaa soo boodaya oo leh taa inaga ayaa xaq u leh

Baarlamaankii halkuu joogaa, Xisbiyadu Ninkii ay dirsanayeen ee

Komishanka u joogay ayey kari waayeen, oo yidhi kan iga daaya

Waar Distoorkaa yar ee Ninka ku fasiran ma iska hagaajinayaa, waxaan

leeyahay waar ka muxaafidka ahaw bari ayaad mucaarid noqon doontaa,

waar ka mucaaridka ahaw-na beri ayaad muxaafid noqon doontaa ee ma

iska hagaajinaa Distoorka, halkan Inamadu waxay ku sheegeen inay

dadweynihii ku yidhaahdeen Maxkamaduhu ha kala saarto, Maxkamadu maye

jeel bay ku jiraane, waar Ilaahay ka yaab.

Ninka Maxkamada haysta Madaxweynaha ayaa qora mar-na erya, waar

Xeerkii Maxkamada madax banaanaysiin lahaa ma samaynaa, Hanti dhawrkii

isaga ayuu u baahan yahay, Xeer ilaaliyihii guud isaga ayuu u baahan

yahay, kii Maxkamadu isaga ayuu u baahan yahay, Guddoomiyihii

Wakiiladu iyo kii Guurtidu isaga ayey u baahan yihiin, waar hadaba

xagaynu qabanaa, waar Ilaahay ka yaab, horta

waxaad ogaataan in Ninkii gaalka ahaa ee dawladnimada inoo keenay

Maanu walkii ayuu la tagay oo dawladnimadan-ba si aynu u isticmaalno

garan mayno oo buugeedii ayaa maqan, waxa ila quman in aynu gaalkii ku

nidhaahno Dawladnimo caynkee ayey u shaqaysaa, Baarlamaanku sidee ayuu

u shaqeeyaa.

Anigu garan maayo waxan aad ku meeraysanaysaan ee Distoorkan madax

iyo mijo ma u samaynaa, imika mucaaridka waxa loo yaqaanaa ninka dawlada

duminaya, waxaana loo baahan yahay mucaarid iyo muxaafid oo kolba

Ninka dawladnimada haysta wuxuu u baahan yahay cid saxda, waar

Televishanka iyo Radio-ga Rayaale ma u fiirsateen waxa ka socda.

Af hayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen Codyare, halkan waxaa laga

hadlayaa khilaafadka sida loo xaliyo, lakiin marka hore khilaafka

maxaa keenay, khilaafka waxaa keenay Cadaalad daro khilaafka, waxaa

keenay Shuruucdii oo laga talaabsaday, khilaafka waxaa keenay shaqaduu

qof waliba lahaa oo uu ka talaabsaday, khilaafka waxaa keenay Madaxdii

Qaranka oo markay danbi galaan oo cidna aanay ku cadayn karin danbigii

ay galeen, oo runtii mar walba dadaalku ka yimaado Xisbiyada

Mucaaradka ah oo yidhaahda ha nagubina oo dalka hala dejiyo oo

kalinta dadweynaha iyo kaalinta dhalinyarada ayaa ka maqan, runtii

yaan afka laga dhawrin in Ruqo ninkii lahaa afka hayaa ma kacdo ayaa

la yidhi mar walba waxaa khilaafka abuura cidii masuuliyadaa ummada

u dhaaratay ee xukunka haysay, Dastuurkeenu uu qeexan yahay oo mudada

loo doortay waa shan sano, shantii sano waa ay dhammaadeen ee maxaa

sharcigii loo jabiyey, cidii la xisaabtami lahayd meeday.

Maxkamaduhu way leeyihiin, labada Gole ee Barlamaanku way leeyihiin

wax walba waa ay mudo dhafaan, mudo dhaaf kaasina waa sharci jabin,

sharci jabin hadii lagu qabtana khalad kaaga in aad qaa dato weeye oo

aanad garta diidin, laakiin hadii aad tidhaahdo anigu taa suurto gelin

maayo, taasina khilaaf iyo burbur bay keenaysa runta in la sheegana

waa waajib, hawsha in laga midoobo oo runta laga sheego waa sax, waxa

kale oo meesha ku jira in dhaqan ahaan waxaynaan inagu tobabaran oo

aynaan qaadan wax niman 200 sano ay ka soo shaqaysaneeyeen oo ay

qabsadeen oo Dimiqraadiyada ah ayeeynu nidhi aynu ku gaadho mudo gaban

hadaad kiigsato wax uu nin qabsaday waxaa ka horeesa in aad marka hore

aad talabo qaad biloowno dagdagaa aynu ku biloownay waxaa uu keenay

mushkiladeeda, Somaliland waxaa dilaya wax baan la isku dheegayn iyo

runta oo aan la kala qadaneeyn, sidii Muuse Biixi iyo Abwaankuba

sheegeen rasmigii baa lumay oo qaybsanaantii hawsha ayaan jirin oo

hawshii baa meel qudha ku ururtay oo wax qayb san ayaanba jirin lakiin

haduu Ilaahay yidhaahdo waxaan rajaynayaa hadii aanu ku guulaysano oo

aanu doorashada helno hadii aanu nahay xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka

ee UCID, waxaa uu diyaariyay barnaamuj uu kaga gudbayo khilaafkaad iyo

wax yaabahaada oo dhan,aqoonta wadac tashiga iyo dimiqardiyada, uu ku

xoojinayo ayaa uu samayeeya, markaa dhalinyarooy 18 sano wax la idiin

dhaafay oo la idiin sameeyay ma jirto ee taladiina u meel daya, anaga

ha noo dananina iyo cid kalaba ee idinkuy dantiina iyo horumarkiina ka

shaqeeya waanad kuy mahad santihiin qaban qaabada aad soo qaban

qabiseen xafladanee imikana waxaan jecalahay wixii halkan ka soo baxa

ayaan jecalahay in lagu shaqeeyo

Guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare oo ka mid ah masuuliyiinta sar

sare ee Maxkamada sare " Khilaafku waxaa uu ka bilaami karaa sidii

Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Kulmiye Muuse Biixi uu

sheegay khilaafku marba heer buu tagan yahay anigu imika kama hadlayo

khilaafka, waayo Maxkamada sare khilaafka kuma jirto, iyadu cidii u

timaada ayey u garnaqaysaa, halkaas la isku dilayo ee la isku caayayo

iyada uma banaana in ay soo dhex gasho oo arrimahooda soo dhex gasho,

Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Cismaan Xuseen Khayre oo imikana ka

Tirsa waxa kale oo halkaas ka hadlay xubno kale oo dhamaan ka waramay arrimaha dalka

No comments:

Post a Comment