Wasiirka cusub ee Macdantu kaalin noocee ah ayuu ka geli karaa Musuq-maasuq ay Madaxtooyadu gasho?
Dadka ku dhaqan caasimadda, ayaa siyaabo kala duwan u cabbiray magacaabista Cismaan Sheekh Cabdi oo uu Madaxweyne Rayaale shalay u magacaabay wasiirka macdanta iyo Biyaha. "Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin isagoo tixraacaya qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana tixgalinaaya ahmiyada weyn ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu ay u leedahay dhismaha Qaranka, waxa uu u magacaabay Mudane Cismaan Sh Cabdi Sh Maxamed in uu noqdo wasiirka cusub ee wasaaraddaasi. Madaxweynuhu isagoo isla markaana tixgalinaaya kartida shaqo iyo hufnaanta uu leeyahay mudane Cismaan Sh Cabdi, waxa uu ku amray in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 13/12/2009 uu la wareego xilkii Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha isaga oo bedeli doona wasiirkii hore ee geeriyooday Marxuum Qaasim Sh Yuusuf ( AHN)." Ayuu u dhignaa Warsaxaafadeedka uu Afhayeenka Rayaale ku shaaciyay magacaabista wasiirkan cusub.
Wasiirkan cusub ee loo magacaabay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, ayaa ka mid ahaa dadka sida aadka ah ugu xidhan Madaxtooyada, isla markaana ugu dhaw-dhaw madaxweyne Rayaale. Taasi waxay keentay in dadweynuhu ku kala baydhaan aragtiyaha magacaabistan. "Madaxweynuhu marka uu leeyahay, markaan arkay kartida shaqo iyo hufnaanta uu leeyahay Cismaan Sh. Cabdi, maxay tahay hawsha uu qaranka u qabtay ee lagu tijaabiyay, ma in uu isaga ku xidhnaa baa karti iyo hufnaan ah." ayaa ka mid ahaa aragtiyaha dadku ka bixiyeen magacaabistan masuulkan.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Marxuum Qaasim Sheekh Yuusuf oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Makka ee dalka Sucuudiga, waqti uu gudanayay waajibaadka Xaj-ka, ayaa hore Heshiisyo shidaal-sahamin ah ula galay Shirkado. Taas ayaa keentay, in dadweynaha qaar ka mid ahi shaki ka muujiyaan kaalinta uu Wasiirkan cusubi ku yeelan karo Musuq-maasuq hor leh ooo Madaxtooyadu ku tallaabsato, haddiiba la sii amba-qaado heshiisyadaas. "Haddiiba uu ka mid ahaa dadka sida ugu dhaw ugu xidhnaa Madaxweynaha, imikana loo magacaabay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo aynu ognahay in Heshiisyo lala galay Shirkado ajaanib ahi ay jiraan, maxay noqon kartaa xaddiga musuqa ee Wasiirkani horseedi karaa ee uu kaga abaal-gudi karaa Xilka loo magacaabay?" sidaa waxa yidhi Axmed Warsame oo ka mid ahaa dadka Hargeysa ku dhaqan ee aanu wax ka waydiinay sida uu u arko Magacaabistan.
Si kastaba ha ahaatee, wasiirka cusub ayaaa la filayaa in uu dhawaan la wareego xilka.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
No comments:
Post a Comment