Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed C. Sheekh
Xaaladda siyaasadeed ee dalal badan oo dunida ka tirsan ayaa inta badan laga arkaa hadba jihada siyaasadeed ee dalwadahaasi kula macaa, milaan dadweynaha hoos yimaadda xukunkeeda.Hadii ay tahay xukuumad isku hallaynaysay xoog, miliatari, mid Boolis ,mid iyo NSS ,inta badanna kharashka uammdaasi soo gala ku bixisa dhiirrigelinta xoogaggaasi ,ayaa uun loo arkaa ama lagu qiimeeyaa inay tahay xukuumad kelitalis ah,xukunkana ku haysta xoog milatari isku hallaynaysa xoogaggaasi
Haddii ay tahay mid inta badan xoogeeda dhaqaale gelisa hay"adaha adeegyada, hay'adaha sharciga ,iyo meelo ka baxsan xeryaha ciidamadaasi ,waxa xukuumadahaasi lagu qiimayn karaa mid isku hallaynaysa xoogga shacbiga ,iyo taageeradiisa .
Haddaba sida laga warqabo waxa dhawaanta Hargeysa laga furay xabsigii weynaa oo indhawaaleba, ama ku dhawaad afar sannadood gacanta lagu hayey dhismihiisa.
Furitaanka xabsiga dhexe ee Hargeysa ,oo ay dad xogogaal xogogaal ahi sheegeen ninay weli qaybo ka amid ah xabsigaasi qabyo yihiin ,ayaa sidoo kale waxa barbar socda dhismaha iyo badinta saldhigayada Booliska ee caasimadda Hargeysa iyo meelokalen oo ku yaal Somaliland ,kuwaasoao ama saldhigyadaasi oo lagu rajoweynyahay inay qaadi karaan tiro badan oo ka mid ah dadweynaha dawladdu u qabsato arrimo jira iyo kuwa an jirinba .
Ujeedooyinka guddiyada xaafadaha, iyo saldhigayada Booliska, ayaa rag dawladda ka tirsani ku sheegaan kuwa lagu xoojinayo amniga gudaha, hase yeeshe dad badan olo reer Somaliland ah, oo an ogeyn nabadgelyodarro jirtaayi ka shakisanyihiin abuuritaanka raadadkii lagu yaqaannay xukuumadihii ka burbiurray caalamka maanta an joogno ,kuwaasoo ku dhisnaa cabsigelinta iyo cabudhinbta shacbiga .
Jawaabaha laga sheegi karo xabsiyo badinta iyo guddiyada xaafadaha aasaaskooda .Waa tan koowaade waxa loo qaadan karayaa inay tahay ,ama yihiin tallabaooyin loogu talogaleyo sidii loo cabidhin lahaa taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ,isla markaana hoggaamiyayaasha xisbiyadaasi iyo masuulyiintoodaba loogusii xaadhxaadhi lahaa meelo lagau hayo inta doorashooyinku dhacayaann ,iyagoo loogu marmarsiiyoon karo 'arrimo ka dhan nabadgelyada',isla markaana laga shidaal qaadanayo eedeymihii fooshaxumaa ee masuul ka atirsan xisbiga UDUB lana yidhaa Cismaan Hindi uu xisbiga Kulmiye ku eedeeyey inay xidhiidh la leeyihiin argagixisada caalamiga ah ,arrinhtaasoo uu xisbiga Kulmiye weli masuulkaasi ka sugayo caddaynta eedaymihiisa .
Sidoo kale ayaa xabsigan la furay ,iyo xoojinta saldhigyada Boolisku daba socdaan sidii loo waayi lahaa dad badan oo laa taxaabo, looguna daali lahaa baadigoobkiisa maadaama meelaha maanta dawladda Somaliland dadka ku xidhxidhataa yihiin meelo kooban oo la yaqaanno ,si dhibyarana loo heli karo qofkii ehelkiisu waayaan .
Tallaabooyinkan lagu badinayo meelaha shicibka lagu kadeedayo ee dhawaanahanba xukuumadda Rayaale ku tabcayso, ayaa sidoo kale loo qaadan karayaa inay doorkan doorashooyibka ku geleyso adeegsiga xoogga iyo xoolaha dalka oo ay ku doonayso inay kursiga kusii haysato shan sano oo la dhaariyo iyo shan ay korodhsato ,sidaa darteedna wejiga ka muuqda xabsiyada la badinayo iyo guddiya xaafadauhu noqoqnayaan weji kale oo kasii xoog badan kii lagu galay doorashooyinkii dalka ka dhacay 2003.
Ugu dambayntiina lama oga arrimaha kale ee la socda xabsiyadan ,iyo guddiyadan nabadgelyada\xaafadaha iyo xabsiga la furay, waxayse u egyihiin kuwa dalka kusoo kordhin doona arrimo cusub, walaac cusub iyo colaad siyaasadeed oo keeni doonta arrimo an maanta joogin, loona baahan yahay in malaayiinta shilin soomaa lilandka ah ee xukuumaddu ku bixinayso dhismayaasha saldhigyada bilayska loo leexiyo dhinaca waxbarashada,caafimaadka iyo nolosha danyarta .
Xisbiyada Mucaaradka ayaa sidoao kale looga fadhiyaa siday dadkooda uga badbaadin lahaayeen godadka iyo xeryaha dawladdu doonayso inay ku oodato wakhgtiga doorashada.
No comments:
Post a Comment