Xukuumadda iyo Xisbigeeda UDUB oo la Aamusay Bixinta Qaadhaankii ay u Balanqaadeen Jaamacadda Gabiley
Mucaaridka iyo masuuliyiintii kale oo dhammaantood wada bixiyey qaadhaankii ay jaamacadda u balan qaadeen Hargeysa (Jam)- Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga UDUB, ayaa ku guul-darraysatay islamarkaana la aamusay inay ila hadda bixiyaan qaadhaan-lacageed oo ay hore fagaare ugaga ballanqaadeen inay ku taageerayaan Jaamacadda cusub ee Gabiley oo 5 November 2009 si rasmi ah loo furay. Wasiirro iyo xubno ka tirsan xisbiga talada haya ee UDUB oo ka qaybgalay munaasibaddii furitaanka Jaamacadda Timacadde ee degmada Gabiley, isla markaana fagaarahaas kaga dhawaaqay lacago ay sheegeen inay kaga qaybqaadanayaan qaadhaan lacageed oo xafladdaas loogaga yaboohay jaamacaddaas, ayaan ilaa hadda waxba ka bixin lacagihii ay ka ballanqaadeen munaasibaddaas oo ahayd dhoola tus mucaaradka iyo muxaafidku dhinaca jeebka ku tartameen. Sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah lacagta qaadhaanka ah, ayaa masuuliyiin ka tirsan xukuumadda dhowr jeer ballanqaadeen inay bixinayaan, haddana aanay ilaa iminka waqti la isku hallayn karo aanay sheegin, halka masuuliyiintii kale ee isugu jiray ganacsata iyo xisbiga mucaaradku bixiyeen lacagihii kaga soo hagaagay inay siiyaan jaamacadda Gabiley. Guddoomiyaha siyaasadda xisbul-xaakimka UDUB Mr. Cumar Jaamac Faarax oo ka mid ah masuuliyiinta fagaaraha kaga dhawaaqay qaadhaanka jaamacadda oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay, ayaa sheegay in dhinacooda bixiyeen lacagtii ay ugu deeqeen Jaamacadda Gabiley, balse aannu ka war-hayn in wasiirrada xukuumaddu fuliyeen ballanqaadkoodii iyo inkale. "Annagu xisbiga UDUB ahaan lacagtii aannu ballanqaadnay waannu bixinay, laakiin anigu kama warqabo shaqsiyaadka xukuumadda ee ballanqaaday inay bixiyeen iyo in kale," ayuu yidhi Cumar Jaamac Faarax. Haseyeeshee, wasiirrada iyo masuuliyiinta xisbiga UDUB ee la sheegay inay ku guuldarraysteen bixinta lacagihii ay u ballanqaadeen Jaamacadda Gabiley waxa ka mid ah; Wasiirka Ganacsiga Abiib Xasan Filfil oo ballanqaaday $500, Wasiirka Waxbarashada oo ballanqaaday $500, Wasiirka Qorsheynta Qaranka $500, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada Ismaaciil $500, Wasiir-ku-xigeenka Boosaha iyo Isgaadhsiinta $500, lamana garanayo ilaa hadda sababta masuuliyiintaasi u bixin waayeen qaadhaankii ay ballanqaadeen oo jaamacaddu ku xisaabtamayso. Dhinaca kale, masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka ah ee iyagu bixiyey qaadhaankii ay ugu yabooheen Jaamacadda Gabiley waxa magacyadoodu kala yihiin; Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) $1000, Muuse Biixi Cabdi $500, Cabdi Diiriye $500, Cabdillaahi Xuseen $500, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) $1000, Cabdicasiis Samaale $1000, Ibraahim Axmed Haybe $500, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Siiro) $2000, Eng. Faysal Cali-waraabe $1000, kuwaas oo dhammaantood oofiyey ballanqaadyadoodii. |
Jamhuuriya Online |
COMPREHENSIVE, INSTANTLY UPDATED INTERNATIONAL NEWS PORTAL WITH DEEP ANALYSIS OF ALL SOMALI RELATED AFFAIRS, SPECIAL ATTENTION GIVEN TO SOMALILAND NEWS.
Tuesday, December 1, 2009
Xukuumadda iyo Xisbigeeda UDUB oo la Aamusay Bixinta Qaadhaankii ay u Balanqaadeen Jaamacadda Gabiley
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment