Saturday, January 30, 2010

Afyaheenka Xisbiga UDUB Mujaahid Cali Guray oo Laga Hor Istaagay...


Afyaheenka Xisbiga UDUB Mujaahid Cali Guray oo Laga Hor Istaagay Inuu Fooda Geliyo Xarunta Madaxtooyadda Somaliland

30.Jan.2010
Hargeysa-(Berberanews)-Afhayeenka Xisbiga Tallada haya ee UDUB Mujaaid Cali Guray, ayaa saaka ciidanka illaada madaxtooyadda Somaliland ka horjoogsadeen inuu gallo xarunta madaxtooyadda, ka dib markii abaaro 11:00 duhurnimmo ee maanta isagoo doonaya inuu gallo madaxtooyadda ay askarta illaladu ku wargeliyeen inaan la ogolayn cid gudaha u gudubta, waxaana halkaa ka dhahay muran dhexmaray ciidanka iyo mujaahid Cali Guray.

dad goob ka ahaa dhacdadan, ayaa u sheegay shebekadda Berberanews.com inay arkayeen murramnka xoogaystay ee u dhexeeya askarta iyo afhayeenka, kaasoo saxmad iyo buuq ka abuuray afaafka hore ee madaxtooyadda iyo wadada wadnaha ah ee hormarta, ka dib markii dadweyne aan sidaas u sii badnayd iyo gaadiid wadada marayey ay halkaas ku hakadeen. dadka goobta joogay waxay sheegeen inay arkayeen askarta oo tusaysa warqad aanay garanayn wax ku qoran, ka hor intii aan murranku abuurmin.

Images: Cali Guray 002 (Medium).jpg
Haseyeeshee daqiiqado ka dib oo aanu goobta soo gaadhnay, ayaanu la kulanay Mujaahid Calii Guray oo taagan ka sooo horjeedka dhismaha Baarlamaanka oo dhawr tallaabo u jirta madaxtooyadda,isagoo dhex fadhiya gaadhiisa, islamarkaana ku mashquulsan telefoonkiisa gacanta ee Mobile-ka, oo ay ka soo yeedhayaan erayo uu ku muujinayo dareenkiisa iyo sida uu uga cadhooday arrintaa. waxaanu isku daynay inaanu weydiino waxa dhacay, balse isagoon weli jawaab noo celin, waxa goobta soo istaagay mid ka mid saraaksha sare ee illaalada madaxtooyadda, kaasoo doonayay inuu dejiyo Xaallada Mujaahidka, kuna qanciyo inuu raaco, laakiin isagoo Cali Guray ku mashquulsan weli telefoonkii uu gacanta ku hayay wuxuu ugu jawaabay sarkaaslkaa "Waan is-casilayaa, dibna umma gelayo, innan gumeed baa tihiin, isagana {madaxweyne Rayaale} imikaan telefoonkiisa garaacayaa, ma waxay ii haystaan Guul-wadayaashii Cali Gobonimmo iyo kuwa la midka ah ayuu na moodayaa"
 kuwaasi waxay ahaayeen erayadii uu Cali ugu jawaabay Sarkaalka ka socday Madaxtooyadda oo aan weli ku qanacsanayn inuu sidaa kaga tago, laakiin akhirkii guul-darro kala hulleelay.
 
Mujaahid Cali Guray, oo u muuqday in laga qaban waayey amma uu mashquul galay telefoonkii madaxweyne Rayaale ee uu doonayey inuu la hadlo waxa uu ka dhaqaaqay goobtii, isagoo ku dhawaaqayay erayo ah ka mid yihiin "Saxaafadda ayaan immika isugu yeedhayaa" dhawr ka mid ah dhallinyaro ag taagnayd oo la socday xaallada illaa iyo wixii ka dhacay afaafka madaxtooyadda, ayaa ugu dhawaaqay "Caliyiw is-casil oo isbed-doonka ku biir amma halkaagii ku noqo"

Xig; Berberanews.com


No comments:

Post a Comment