Friday, January 8, 2010

Ahmed Silanyo Iyo Waftigiisii Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Madaarka Washington

Ahmed Silanyo Iyo Waftigiisii Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Madaarka Washington

DSC03467

Gudoomiye Ahmed Silanyo Iyo Waftigiisii  Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Madaarka Washington

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo marwadiisa marwo Amina Sh Maxamed Jirde ayaa maanta oo Jimce ah saacado markay ahayd 07:30 subaxnimo ee saacada Washington DC ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Washington-Dulles International Airport. Waxaa gudomiyaha iyo marwadisa halkaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdillahi Cumar, xubno ka tirsan gudida fulinta xisbiga Kulmiye ee waqooyiga Maraykan, jaaliyadaha reer Somaliland ee gobolada Washington-Virginia iyo Maryland.

 

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Siilaanyo iyo marwadiisa oo  fiidnimadii Khamiista ka soo kicitimay magaalada Addis Ababa soona gaadhay Washington subaxnimadii Jimcaha ayaa kulan kooban kula yeeshay xubnihii ku soo dhoweeyay madaarka. Gudoomiyaha xisbiga kulmiye md Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo oo hadal kooban halkaa ka jeediyay wuxuu mahad  naq farabadan u soo jeediyay jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan Washington iyo nawaaxigeeda ee sida diiran u soo dhoweeyay wafdigiisa. Dhamaan  Dadweynihii ka soo qayb galay soo dhowaynta waftiga waxay si xamaasad ku dheehan tahay ugu gelbiyeen waftida baabuur illaa iyo hotelkii lagu soo dejiyay gudoomiyaha iyo waftigiisa.

Guji LINKAN oo DAAWO SAWIRADA;

http://www.flickr.com/photos/24945908@N02/sets/72157623169479114/show/

Xaghaya Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdillahi oo shir kooban kula qaatay hotelka masuuliyiinta ka tirsan xisbiga Kulmiye ee waddanka Marayka ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha iyo hawl galada waftiga inta ay ku sugan yihiin dalka Maraykanka.

Gudida Fulinta Xisbiga Kulmiye Ee  waqooyiga Maraykan
webmaster@kulmiye.org


No comments:

Post a Comment