Sunday, January 17, 2010

Ahmed Silanyo Oo Si Balaadhan Logu Soo Dhaweeyay Minnesota

Ahmed Silanyo Oo Si Balaadhan Logu Soo Dhaweeyay Minnesota

(Somaliland.Org Minnesota MN USA) Maanta saacadu markii ahayd 1120 AM wakhtiga Central time ee woqooyiga Maraynkan, ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ee MSP ee Minnesota ka soo degey waftigii uu hogaaminayey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahmed Mohamed Siilaanyo isla markaana ah Musharaxa Madaxweynaha Jamhuuriyada S/land , waftiga waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey boqolaal qof oo ah jaaliyada S/land ee degan Minnesota oo ay horkacayaan gudida iyo taageerayaasha xisbigu , Xubnaha weftigu waxay mid midn u gacan qaadeen dadweynhii tirada badnaa ee ku soo dhoweeyey garoonka markaa ka dib waxaa loo gudbiyey waftiga Hotelka Hilton ee ku yaal badhtamaha magaalada Minneapolis oo ay ku sugnaan doonaan inta ay joogaan Minnesota.

 Galabta Saacadu markay tahay 4: 00 galabnimo waftigu waxay kala qayb geliyaan Jaaliyada S/land ee Minnesota iyo madax ka tirsan Gobolka Minnesota kulan isugu jira soo dhoweyn iyo xog waran oo ka dhici doona Hilton Hotel Minneapolis.

 Kulimiye Minneapolis visit 01172010 059_1 by you.

 
Xubnaha weftiga gudoomiyuhu hogaaminayo waxaa ka mid ah Dr. Maxamed Cabdilah Cumar oo ah xoghaya arimaha dibeda ee Cisbiga Kulmiye iyo marwo Amina Weris oo ah marwada Gudoomiyaha iyo Husein Abdi Duale oo ah Gudoomiyaha woqooyiga America oo waftiga kaga soo biiray Washington DC.
 
Wixii warar ah ee ka soo kordha booqashada waftiga inta ay joogaan Minnesota waxaanu idinla soo socodsiin doonaa saacadaha soo socda
 
Saeed Suleiman
Guul iyo Gobanimo

Somaliland.ORG
Minnesota MN USA

 

No comments:

Post a Comment