Thursday, January 21, 2010

Dawlada Jabuuti Oo u Hawlgashay Sidii ay Dagaalo uga hurin lahayd Gobolada Bari ee Dalka Somaliland

Dawlada Jabuuti Oo u Hawlgashay Sidii ay Dagaalo uga hurin lahayd Gobolada Bari ee Dalka Somaliland

Bristol-UK (Somali Voice) Xukuumada Jabuuti ee uu hogaamiyo kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay colaado hor leh uga hurin lahaayeen gobolada Bari ee dalka Somaliland, iyaga oo kaashanaysa Maamulka Pundland iyo kooxo ka tirsan Garaadada debad wareega ah ee Gobolka Sool.

Warar sugan oo ay jariidada Somali Voice heshay ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu kulamo joogto ah oo aan kala joogsi lahayn la yeeshay Garaadada reer Sool ee debadwareega ah oo uu hor kacayay Garaad Jaamac Garaad Cali oo isagu ah nin si weyn uga soo hor jeeda Somaliland isla markaasna ahaa ninkii abaabulay shirkii fashilmay ee Nayroobi ay ku qabteen xubno qaxooti ah oo ku abtirsada Beesha Sool. Waxaana uu Ismaaciil Cumar Geelle ku dhiirri galiyay kooxahaas Somaliland ku kacsan inay dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka bilaabaan gobolka Sool, maadaama aanay u babac dhigi karin Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland oo ah geesiyaal ka adag cadawga Somaliland.

Sida ay ilo xogagaal ahi tilmaamayaan waxa uu Maamulka Ismaaciil Cumar Geelle go'aansaday in Colaad uu ku furo Somaliland si aanay fursad ugu helin horumarka dhaqaale iyo siyaaso ee sii xoogaysanaya ee Somaliland ay ku talaabsanayso maalinba maalinta ka danbaysa, waxaana uu Ismaaciil Cumar Geelle uu ka werwer qabaa in doorashooyinka Somaliland oo si cadaalad iyo nabadgelyo ah u dhacaa ay horseedi doonto aqoonsi buuxa oo Somaliland la siiyo, iyada oo Jabuuti u aragta Somaliland oo aqoonsi heshaa inay Jabuuti ka dhigi doonto gego laga hadaafay oo aan miisaan siyaaso iyo mid dhaqaale toona ku yeelan doonin Geeska Afrika hadii ay Somaliland noqoto qaran la aqoonsado. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu maanta iyo shalay kulamo googoos Jabuuti kula yeeshay Madaxweynaha Maamul Gaboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo imika ku sugan Jabuuti, waxaana ay ka wada hadlayaan qorshaha dhagareed ee uu Ismaaciil Cumar Geelle ku doono iyo Somaliland gudaheeda dagaalo lagaga huriyo.

Hadaba Dagaalka cad ee uu maamulka Jabuuti kula jiro Somaliland oo ah mid aan cidna daah ka saarnayn ayaan ilaa imika Xukuumada Somaliland aanay wax war ah kasoo saarin, waxaana jira shaki weyn oo muujinaya in masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada Rayaale ay qorshahan wax ka ogyihiin, iyada oo la is weydiin karo sababta ay xukuumada Somaliland ee loo dhaariyay ilaalinta amaanka qaranku aanay uga hadlin faragalinta qaawan ee uu kaligii taliyaha Jabuuti ku hayo Somaliland.

Dhinaca kale waxaa jira dhul balaadhsi ay xukuumada Jabuuti ku doonayso inay ku hanato deegaano ka tirsan galbeedka Somaliland, waxaa sidoo kale socda qorshayaal lagu doonayo in ugaaska beesha Ciise lagu caleemo saaro degmada Saylac ee Somaliland, waana qorshayaal is daba taxan oo uu Ismaacil Cumar Geelle uga dan leeyahay inuu ku hantiyo qaybo ka mid ah deegaamada Somaliland isaga oo adeegsana habab kala duwan.

Xukuumada Somaliland waxaa ku waajib ah inay degdeg uga hadasho gardarrada qaawan ee ay xukuumada Jabuuti ku hayso Somaliland, waxaana ku waajib ah inay dawlada Somaliland ku dhaqaaqdo talaabooyin lagaga hor tagayo falalka shaydaaniga ah ee Kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle. Golayaasha Baarlamaanka Somaliland iyo Xisbiyada Qaranka ayaa iyagana laga sugayaa inay jawaabo ka bixiyaan farogalinta Jabuuti ay ku hayso Somaliland.

Kaysar Cabdilaahi

Bristol. UK

kaysar@europe.com

www.thesomalivoice.co.uk



Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment