Sunday, January 31, 2010

Guddoomiyaha KULMIYE oo si aan hore loo arag loogu soo dhaweeyay Hargeysa (DAAWO SAWIRRADA)

Guddoomiyaha KULMIYE oo si aan hore loo arag loogu soo dhaweeyay Hargeysa (DAAWO SAWIRRADA)

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa, ka dib markii uu socdaal kaga soo laabtay dalalka Maraykanka iyo Itoobiya oo uu soo maray.

SL (8) by you.

 

 

 

SL (3) by you.

  SL by you.

 

 

 

SL (4) by you.

 

 

SL (9) by you.

 

SL (2) by you.   SL (7) by you.

 

 

 

SL (12) by you.

  SL (5) by you.

Kumannaan dadweyne ah ayaa maanta kala xidhay Jidadka Magaalada, isla markaana waxa guud ahaanba maanta joogsaday dhaqdhaqaaqyada Gaadiidka, marka laga reebo kuwa ka qayb-qaadanayay soo-dhawaynta Guddoomiyaha KULMIYE, kuwaas oo qiyaastii dhawr boqol oo Gaadhi tiradoodu gaadhaysay.   SL (11) by you.

 

SL (6) by you.

Taageerayaasha Xisbiga iyo Masuuliyiinta Xisbigaas ayaa loo diiday inay ka ag-dhawaadaan Garoonka Diyaaradaha, marka laga reebo hoggaanka sare ee Xisbiyada UCID iyo KULMIYE oo halkaas loo sii daayay. Ciidanka Booliska ayaa dadweynaha ku hortaagnaa Jidka hore ee laga galo Albaabka u horreeya ee Madaarka, halka Ciidamo kalena la dhigay Jidadka badhtamaha magaalada dhinacyadooda.

Jidka hormara Madaxtooyada ayaa guud ahaanba maanta la xidhay, waxaana halkaa la dhoobay Ciidan Boolis ah iyo Gaadiidkoodii oo lagu jaray.

Soo-dhawayn xamaasadi ku dheehnayd oo aan hore loo arag oo lagala hortegay Guddoomiyaha KULMIYE ka dib, waxa Axmed-Siilaanyo loo gelbiyay Xarunta dhexe ee Xisbiga, halkaas oo uu kula hadlay dadweynaha iyo Warbaahintaba.

Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu bulshada uga mahad-naqay soo-dhawaynta ay u sameeyeen oo uu sheegay inay si gaar ah u taabatay. "Waxa aad iyo aad ii taabatay soo-dhawaynta qiimaha leh ee ay shacabkaygu ilaa intii aan Madaarka ka soo socday aad ii soo dhawayseen, waxaanan ku maqnaa danaha Somaliland iyo qaddiyaddeena Aqoonsiga waxtar u leh, hase ahaatee, wixii faahfaahin ah dib baanu idiinka soo bandhigi doonaa." Ayuu ku yidhi Axmed-Siilaanyo hadalkiisii.

Mar Guddoomiyaha wax laga waydiiyay dhawaaq xukuumaddu hore ugu sheegtay in aan dalka soo geli karin intii uu safarka ku maqnaa, wuu ka gaabsaday oo wuxuu sheegay in aanu ka hadlaynin.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com


No comments:

Post a Comment