Monday, January 4, 2010

Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Oo Deeq Waxbarasho

Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Oo Deeq Waxbarasho Jaamacadeed Ah U  Fidiyey 10 Arday Oo Reer Laascaanoodooda


"Faarax Macalin Waxa Uu Kafaala Qaaday 10 Arday Oo Barandoona Dhakhtarnimada  Dadka Iyo Xoolaha  Waxaanu Balanqaaday In Khubaro Xaga Biyaha Wax Ka Qabta Usoo Diri Doono Laascaanood"

 Gudoomiye Ku Xigeenka  Wakiilada  Baashe Maxamed Faarax


Hargeysa, Janaury 4, 2010 (Haatuf) - Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Md Faarax Macalin ee dabayaaqadii bidhii December ee sanadkii dhamaaday booqashada ku yimid Somaliland ayaa deeq wax barasho heer jaamacadeed ah u fidiyey 10 arday oo ka mid ah ardayda dugsiyada sare ee laascaanood dhamaysatay, oo baran doona cilmiga dhakhtarnimada dadka iyo xoolaha oo la kala gayn doono jaamacadaha Camuud iyo Dugsiga sare ee Caafimaadka xoolaha ee dagmada Sheekh, isagoo dhinaca kalana magaalada Laascaanood ugu balan qaaday khubaro baadhis ku samayn doonta xaga biyaha uu u soo diri doono, halkaas oo ay ka jirto biyo la'aani.


Waxaana deeqdaasi gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo isagu shalay waraysi khaasa siiyey idaacada laanta afsomaliga ee BBC-da kaas oo u sidoo kale jawaab kaga bixiyey hadalada kasoo yeedhay shakhsiyaadka maamul goboleedka Puntland ay ku dureen safarkii gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin kusoo maray magaalada Laascaanood.


Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo ugu horayn ka hadlaya deeqdaas wax barasho waxa uu yidhi "halkan waxaan mahad naq uga soo jeedinayaa Faarax Macalin oo isagoo aan wakhti haysan tagay Laascaanood, markuu Laascaanood tagay wuxuu noo balan qaaday 10 dhakhtar, 5 xoolaha ah iyo 5 dadka ah oo la keeno Sheikh iyo Boorama, waxaanu balan qaaday 10-ka arday inuu isagu kafaalo qaatay oo uu bixindoona wixii kharash ah ee ku baxa. Waxa kale oo uu noo balan qaaday hadii aanu 10-kaa si fiican u maamulno in uu toban kale kusoo kordhin doono.

S: Ma waxaad u jeedaa ardayda dugsiyada sare ka baxda ayuu ka bixinayaa jaamacadaha Camuud iyo dugsiga sare ee Sheekh ee xoolaha iyo caafimaadka ay ku baranayaan ?


J: Haa waxa weeyi tobankaa ayuu ka bixinayaa, anaguna waxa aanu ku dadaali doonaa sanad dugsiyeedkan dugsiga sare ay dhamaystaan 10-ka arday ee ugu sareeyaa inaanu qaadano oo Sheekh iyo Boorama kala gayno, waxa kale oo uu noogu balan qaaday inuu naga caawiyo xaga biyaha oo uu soo diri doono niman khabiiro ah oo baadha meelaha biyuhu ku jiraan taana balan buu noogu qaaday.


S: Ma Laascaanood oo kaliyaa mise gobolka Sool oo dhan weeyaan?

J: Mayee waxa weeyi hada Laascaanoodbaa ugu daran xaga biyaha, markaa marka ugu horeeya in biyo loo helo Laascaanood ayuu balan qaaday inuu naga caawiyo.

S: Marka aad eegto xaga biyaha iyo caafimaadka dadku ma dhibaatay ka sheeganayaan oo aad bay u liidataa adeegyadaasi Laascaanood?

J: Laascaanood dhibaatada ugu wayn ee waligeed ka jiri jirtay ee mudo badnayd soo taxnayd waxa ay ahayd in biyo macaan loo helo Laascaanood, waxa kale oo iyana taagnayd waxa weeyi dugsiyada oo aad uga hooseeya oo Faarax Macalin markii uu tagay Boorama uu Camuud soo maray iyo wuxuu isbarbar dhigay Laascaanood markaas ayey ku dhalatay inuu bixiyo deeqdaasi waxbarasho oo isagu inuu jeebkiisa ka bixiyo uu noogu tabarucay.

S: Xaga caafimaadka iyo biyaha maxaad idinku wax uga qaban waydeen, in badanbaad balan qaadeen cashuuraa jiray gaar ah oo la saaray waxyaabaha soo dagaya oo loogu talo galay gobolka Sool markii ay Somaliland gaadhay ?

J: Waxna waa laga qabtay cisbitaalada laakiin sidii la rabay cisbitaalkii looma qaban, gobolada dalka oo dhan waxa maal galiya oo cisbitaalada iyo dhisaa waxa weeyi qurbajooga ka soo jeeda gobaladaas, anaga dhibaatada na haysataa waxa weeyi walaalahayaga qurbo jooga u dhashay Sool oo aan meeshii usoo jeedin oo maal galin aan waxba ku samayn iyagana waxa aan usoo jeedinaynaa wax kastaba rayiga aan ku kala duwanaano dadku ama Somaliweyn ha noqdeen ama Puntland ha noqdaan laakiin gobalkooda inay horumariyaan oo nagala qayb qaataan, waxa kale oo aan ugu mahad naqayaa ururka SOPORA oo aqoonyahano reer Somaliland ah oo $5000 ugu deeqay cisbitaalka mudana lacagtaa aanu haynay oo aanu is lahayn aad  wax kale ku dartaan, lacagtii waxaanu bilaabaynaa inaanu wado ugu samayno Cisbitaalka Laascaanood bishan dhexdeeda.

S: Runta markaynu sheegno Faarax Macalin gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya markii uu tagay Laascaanood ee madaxda aad ka midka tahay ee Somaliland kasoo jeedana ay maamulka Somaliland aad la socoteen waad ogayd oo waa la cambaareeyey oo xaga kale ee Puntland iyagana masuuliyiin kale oo deegaankaa kasoo jeeda ayaa cambaareeyey oo wasiiru dawlaha maamul wanaaga Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) oo kasoo jeeda gobolkaa uu ku tilmaamay gobolka dhul laga haysto Puntlanad ay leedahay, markaa side loo horumarin karaa meel hadii murankaasi ka taagan yahay ?


J: Waan dhagaystay hadalka Gaashaan, gaashaan waa nin oday ah oo kasoo jeeda gobolka Sool, Soolna waa naga wada dhexeeyaa markaa maamulka Puntland kula yaabi maayo waxaa dadka inay maqashiiyaan qurbo jooga ah inay hadalada caynkaas oo kale ah maqashiiyaan waa wax iska caadi ah, wax dhibaato ah male, isagana waxaan ugu baaqayaa inuu gobolka wax uu qabto oo ay ka daayaan gobolku amaan maaha oo ay iska hortaageen shirkadihii tagi lahaa.


HAATUF


No comments:

Post a Comment