Saturday, January 30, 2010

Gudoomiye ku xigeenkii Guurtida oo Iscasilay iyo Fadhigii Maana oo Deg deg Loo Xidhay

Gudoomiye ku xigeenkii Guurtida oo Iscasilay iyo Fadhigii Maana oo Deg deg Loo Xidhay

Gudoomiye ku xigeenkii Guurtida oo Iscasilay iyo Fadhigii Maana oo Deg deg Loo Xidhay thumbnail

Hargeysa (Somalilandpress)- Gudoomiye ku xigeenkii Golaha Guurtida Somaliland, Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furreh ayaa iska casilay xilki Gudoomiyenimo, isaga oo warqada iscasilaadiisana maanta farta kaga saaray shirgudoonka Golahaasi kulankii ugu balaadhnaa ee ay yeeshaan intii ka dambaysay khilaaf soo kala dhex-galay oo hadheeyay.

Sh. Axmed Sh. Nuux Furreh ilaa hada lama oga, mana jirto cid ka hadashay waxa ku kelifay inuu iska casilo xilkaasi, hase yeeshee fadhigii maanta ugu balaadhnaa oo ay kasoo xaadireen 61 Mudane ayaa shirgudoonku ku naxay warqada iscasilaada ee uu usoo gudbiyay gudoomiye ku xigeenka.

Md. Saleebaan Maxamuud Aadan waa Gudoomiyaha Golaha GUurtida'e waxa uu Mudaneyaasha la socodsiiyay inay soo kordhay arrin culus, sidaa daraadeed waxa uu mudaneyaasha kuwar-geliyay in Goluhu xidhan yahay si loogu maaro helo arrinta soo korodhay.

Sh. Furreh oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino nuxurka ay xambaarsan tahay iyo waxa uu ku sababeeyay warqada iscasilaada ee uu u gudbiyay Golaha ayaa afka ka xidhay oo yidhi "Waydiiya Saleebaan.".

Sidoo kale, Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa isaguna dhinaciisa sheegay in aanu wax faahfaahin ah wakhtigan ka bixin karin, kana hadli karin iscasilaada Gudoomiye ku xigeenkiisa oo fiintu kala dhex-maraysay mudooyinkii u dambeeyay.

illo xog-ogaal ah ayaa Somalilandpress u sheegay inkasta oo aan la ogayn nuxurka iyo waxa ku qornaa warqada uu Gudoomiye ku xigeenku u gudbiyay shirgudoonka inay ahayd inuu ku codsaday in laga aqbalo iscasilaad xilkii Gudoomiyenimo iyo waliba xubinimadii Golahaas.

Iscasilaada Gudoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida ayaa ku soo beegan tahay fadhigii u horeeyay ee ay si wada jir ah uga soo qayb-galaan xildhibaanada Guurtidu intii ka dambaysay khilaafkii soo kala dhex-galay ee qaybiyay, kaasoo ka dhashay isku shaandhayntii uu gudi hoosaadyada Golaha ku sameeyay Md. Furren wakhtigii uu Gudoomiyaha Goluhuna safar dibadeed dalka uga maqnaa.

No comments:

Post a Comment