Wednesday, January 27, 2010

Madaxweynihii Dalka wuu joogaa , Inqilaabkan ina furre iyo kooxdiisa ee Golaha guurtida & qraxyada Laas-Caanood , xil kama saarna


Xisbiyada Mucaaridku, Marka ay ka hadlayaan danaha iyo waayaha ummadda , Udub iyo Mas'uuliintedu,  Xisbiyada iyo shakhsiyaadka hoggaannadooda ayey ayaamo sidii Cumar Iid uga higaadiyaan, Idaacadda Madaxtooyada ee tooska ugu jirta Kambeynka. Waxaanse qarsoomyn oo cid waliba quruuruxa ku soo taabatey uurka madow ee Maamulkan, isku deygii inqilaabka Golaha Guurtida ee ay koox golaha iyo shirguddoonkiisa ka tirsan uu hoggaaminayo, ina nuux furre xukuumaddu dabada ka riixeysay uu isugu toley Ku-Simaha Goluhu ,sidii Maamulladii Hantiwadaagga , darajooyinkii kartoonkla lagu sidi jirey. awood Guddoomiye oo uu isku-dey kala beddel Guddi hoosaadyada golaha holladey, Bulshada Dalka ee wax dareenteyna wid tidhi !!
 
Qaraxyadan caadiga ka noqdey goob Ciidan oo la wada heegan yahay, cidna aan loo qabaneyn, ma Riwaayad jinbaa? Muwaadiniinta iyo Maxasta goorwalba laga nixinayo, mas'uuliyadi kama saarna sida muuqata , Maamulka Riyaale, waayo mushkiladdani Direyska Ciidankooda ayey ku dhex jirtaa, dhaqanka Gobolkaasna koob shaah ah ma cabbi karo qof ku cusub degaanka ilaa la aqoonsado! Haddii ay waxan wadaan dad debadda kaga yimid , reer Laas-Caanood ayaa innagaga filaan lahaa, markase ay direyska rag hubeysan ku dhex-jirto, Maamulka ayaa mas'uuliyadda soo saarkeeda leh!!
 
Madaxweynaha Somaliland waxna wuu yidhaahdaa, kumana camal falo. Sannadkii hore, mar la weydiiyey waxa uu u fulin waayey ballamihii uu Gobolka Togdheer u qaadey, waxa uu yidhi, wey dhici weydey. Waxa aan kariwaayeyna layguma eedyn karo!! waxa wax lagu fuliyaa Aqoonyahanka Dalka ee marka ay noociyadda lagu soo xulo Hawlwadeennada Dalku tahay tii Kcaanka, waxa loogu dhaadhacaa sow kaba la'aantii Afweyne Dalkii Somalia la odhan jirey kaga baxay oo kale Maaha?
 
Wiiggan waxa soo af-xidhmaya muran muddo-dheer soo jiitamayey, waxa Dalka ku soo guyo noqonaya Madaxweynihii Mustaqbalk Dalka hoggaaminayey, Muqaalka sida loo qaabilo ayaa waxa uu goynayaa, murankan ay idaacadaha dad aan xilkas ahayni k hadal hayaan Maamul lga digo-rogtey waqti hore. Mr. Mengiste oo Laf-Udub la liqsiiyey ayaanu nidhi, soo booqo beledkaaga, markii uu yimid ee uu inhihiisa wax ku soo arkey, waa la wada ogaa xaqiiqooyinka uu soo butaciyey!!  Waxa keliya ee aan loo dulqaadaneyn isku dhc aan la mahadin dooninna keenaya, haddii  ay Bulshoweynta Kulmiye Dareento ama aragto Farogelin ay UDUB xafladdaas soo dhaweynta Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Bulshada Dalku kaga hortegeyso. Waxa kale oo aan u sheegeynaa inay xareysato raggii quraaradaha shaaniga , Guurtida iyo Mas'uuliin maamulka ahba ku  qarxinayey agagaarkooda meelo cidlada ah!!
 
Hadal haddii uu wax qabanayo, qoladii UDUB uga horeysey Maamulkaniba Xaafad walba
xero ayy uga samaysatey hadalka, lagu hulluuqsiiyo Dadweynaha waqtigna lagaga qaado dhegeysiga , cantar-baqash aan dani ugu jirin, waanay anfici waayeen kuwii u meesha samaystey laftoodii. 2010ka UDUB, nidaamkii Afka u dhacay ee digdigta iyo Xoogga ciidanka lgu duduucayey in aanay soconeyn miye msaxantey memorigeeda dhacdooyinkii lagaga tallaal baxay khayaalkan!!  Madaxweynaha Dalka waxa uu xil ka saaran yahay in uu saxo waxan ka socda Golaha Guurtida, in uu ka hawlgalo sidii qaraxyadan iyo khalkhalgelinta Dalka lagu hayo , wax uga qaban lahaa ee si cad oon muhmal ahayn loogu heli lahaa, cidda wxan ka dambeysa. Uma maleynayo, waxa ay qof dumar ahi qabatey in qaran qban kariwaayey, haddaan sacabka xeelad loo tumeyn!!
 
 
Doorashadan waqtigeedu furan yahayna lala socodsiiyo Bulshada halka ay wax marayaan.
 
Kaamana agweynee, Ma ishaadeydun  waxkaga jari, Aragtee Ameerika, Ixtiraamkey siisiyo, arrimahay isla arkeen, Aqoonsiga dib loo eegeyayiyo, is-afgaradka noo muqdey,
Ma ogtihiin Hinaasaha in laguba hiir daayo!!
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed.


No comments:

Post a Comment