Wednesday, January 20, 2010

Magacyada Dad ku sumoobay Hargeysa oo Cusbataalka guud la dhigay

Magacyada Dad ku sumoobay Hargeysa oo Cusbataalka guud la dhigay

Hargeysa - Saddex qof oo la sheegay inay ku Sumoobeen Rinjiga muraadayaha guryaha la mariyo, ayaa la geeyay Cusbatalka guud ee Hargeysa.

Sida uu sheegay Kayse Maxamed Muxumed oo ka tirsan hawlwadeenada qaybta gargaarka degdega ah ee Cusbatalka guud, saddexdan qof waxay ka shaqaynayeen dhisme laga dhisay Wasaaradda Hawlaha guud dhexdeedda.

Waxa uu sheegay in markii hore ee Cusbatalka la geeyay qaar ka mid ah shaqaalahaa dhismaha ku waxyeeloobay oo uu magacyadooda ku sheegay; Siyaad Daahir Diiriye, Cabdifataax Maxamed Maxamuud iyo Ibraahim Maxamed, ay qaarkood xaaladoodu cuslayd. "Waxay ku Sumoobeen waxyaabaha Rinjiga ah ee muraayadaha guryaha la mariyo, dabcana hawadaa ku xidhantay," ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay; "Waxay ka shaqaynayeen dhisme Hawlaha guud dhexdeeda ah, markii Cusbatalka la keenayna mid mooyaane inta kale xaaladoodu may liidan, markii dambe ee aanu daawaynta ku samaynayna kuligood way ladnaadeen, imikana (xalay) way ka baxeen Cusbatalka," ayuu yidhi.

Somaliland.Org


No comments:

Post a Comment