Thursday, January 7, 2010

Marxuum Fagadhe: Siyaasi ka koray Dharabta Qabiilka

Marxuum Fagadhe: Siyaasi ka koray Dharabta Qabiilka

Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) wuxuu ahaa siyaasi ka koray dharabta beesha. Siyaasiyiinta Soomalidu waxa ay siyaasadooda ku saleeyaan xifaalaha beesha iyo afkaaro-qabiil, oo lama yimaadaan aragti midho-dhal ah oo umaddooda baahan guud ahaan dan-u wada ah oo horumar, nabad iyo wada-noolaasho sidii loogu hogaamin lahaa raadshaan. Waxa ay doonaan magac-beeleed iyo beel ayaan wax u raadinayaa iyo sad-bursiiyo qadhaabka yar ee dakhliga umada ah sidii uu ugu badsan lahaa.

Marxuum Fagadhe, wuxuu ka mid ahaa faro ku tiriska ku dadaalay  horumarinta bulsho-waynta Somaliland ama Soomaaliyeedba iyo horumarinta xorriyaadka muwaadiniinta, taas oo ka soo jeeda mudada dheer ee uu ku jiray halganka baadi-doonka xuquuqda shaqaalaha iyo aragtida hanti-wadaaga ee laf-dhabarkeedu yahay danaha xoogsatada.

Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa Aabbihii dhismaha maamulka Somaliland iyo nabadaynta beelaha Somaliland, oo aan illaa iyo maanta meel kale oo Soomaali degto aanay cidi ku guulaysan in ay dhisto maamul nabad iyo horumar u horseeda dadka ku hoos nool, ayaa waxa uu igu yidhi maalin isaga oo ka sheekaynaya marxuum Fagadhe: "Fagadhe waxa ku jecelahay waa nin isku kalsoon oo Somaliland u haysta in aan cidina ka xigin oo waliba gacan ku dara cidii afka-la soo gasha, waa ninka qudha ee Dhulbahante ee aan ku hubo in uu aaminsan yahay Somaliland".

Xamaasada uu u hayay Somaliland iyo kalsoonida uu isku qabay, waxa dhacday in marxuum Cigaal oo magaalo madaxda dalka Talyaaniga ee Rome kula shiray madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada Dawlada Talyaaniga isaga oo uu marxuum Fagadhe weheliyo oo markaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ah, ayaa nin ka mid ahaa qoladii Talyaaniga ahayd uu ka sheegay Somaliland wax aan dhab ahayn, marxuum Fagadhe inta uu is ilaaway ayuu feedh kula dhacay ninkii Talyaaniga ahaa, taas oo dirqi lagaga qabtay oo ku kaliftay marxuum Cigaal in uu warqad raali-gelin ah uu u qoro Wasiir ku-xigeenkii Arrimaha Dibadda dawlada Talyaaniga oo shirkaas fadhiyay.

Marxuum Fagadhe dadwaynaha Somaliland iyo Aqoon-yahan-kiisaba waa ay u aqoonsan yihiin kaalinta lama ilaawaanka ah ee uu ka soo qayb galay nabadeynta iyo dib-u-dhiska Somaliland. Wuu ka duwanaa siyaasiyiinta weli jiifta dharabta beesha. Kamuu helin marxuum Fagadhe markii xanuunka iyo da'duba ay la kulantay abaal xukuumada iyo mucaaridkaba, hase ahaatee, taariikhdu ma ilaawi doonto wixii uu gashaday umada Soomaaliyeed meel kasta ha joogtee.

Alle ha naxariisto marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), samir iyo iimaanna ha ka siiyo dadkiisii iyo ehelkiisii iyo dhamaan umada soomaaliyeedba meel kasta ha joogtee.

Qallinkii : Prof. Maxamed Siciid Maxamed (Gees)

No comments:

Post a Comment