Sunday, January 24, 2010

MURTIDA DAWLADDA RIYAALE

Axmed Keyse  waxa  uu yidhi  " Waa in Ax med Siilaanyo  cafis na weydiistaa, haddii kale dalka ma soo geli karo".

Cabdillaaihi Mohamed Ducaalena waxa uu yidhi"  Arrintaasu maaha arrin xukuumada ka suuro gasha, arrin xukuumada ka yimidna maaha, waa wax ku khaasa Wasiirka yidhi, Waxaanuna rejeynaynaa intii dalka ka mqanaana inuu  dalka wanaag u soo waday, oo wanaag ka soo sheegay, oo ku hawlgalay qaddiyada  Somaliland ciddii uu arkayba. , waxaanuna ognahay inuu arkay Sentor Donald Payne iyo ninka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somalia iyo Somalilandba, waxaanuna reynaynaa inuu ahaa duq  u maqnaa qaranka oo Qaranka wadajirkiisa iyo midnimadiisa  u maqnaa".

In yar kadib waxaa TV-ga UDUB soo galay oo isna ka hadlay socdaalka Axmed Siilaanyo Wasiirka Warfaafinta Ina Rayaale Axmed Xaaji Daahir ,waxaana uu yidhi: Mucaaridku inta ay xanaaqa iska daayaan , oo ay kala gartaan Rayaale iyo Somaliland, ha kala caddeeyaan inay Federal ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ahi u aaminsan yihiin sida afkooda laga hayo, iyo inay ka noqonayaan oo ay shacibiga  cafis iyo saamaxaad weydiisanayaan".
 
Weli sheekadu wasiirada ayey dhextaal, waxa hadhsan Jug-soo-dhacay, Ina -budh-iyo-tooriile (Badhasaabka Hargeysa), Cali Guray iyo Hindi iyo qaar kaloo badan..

No comments:

Post a Comment