Saturday, January 16, 2010

Shir Balaadhan oo KULMIYE ku Qabaty London.


Shir Balaadhan oo KULMIYE ku Qabaty London.

London,(Togdhnews)-Shir baladhan oo ka dhacay bariga magalada London shirkaas oo ay soo abaabuleen madaxda xisbiga kulmiye ee cariga ingiriiska kasoo ay kasoo qaybgaleen dad aad u farabad oo katirsan tageerayaasha Xisbiga Kulmiye

.Hosted by FreeImageHosting.net Free Image Hosting Service

Shirkaas oo uu daadihinaayey  Kayse Xidig oo ka mid ah madaxda Xisbiga Kulmiye ee UK.Waxa ugu horeyn shirka ka hadlay dhamaan gudoomiyayaasha daafaha magaladan London oo mid mid uga hadalay waxqabadkooda iyo horumarka ay sameeyeen iyo weliba u diyaargarowga doorashada Somaliland ee lafilayo in ay dhawaan qabsoonto.

Intaas ka dib waxa isna madasha lagusoo dhaweyey gudoomiyaha  xisbiga kulmiye/UK mudane  Ibraahim Huseen oo  ugu horeyn usoo jeediyey mahadnaq dadweynihii madasha kasoo qaybgalay kuna amaanay xaafadan Tawer Hamlet sida ay had iyo jeer ugu dadaalaan soo dhaweynta madaxda xisbiga iyo abaabulada shirarka noocan oo kale ah isagoo intaas raaciyey in Somaliland loo bahan yahay in shacabka reer Somaliland maamulka gacanta loo galiyo si iyaguna ay ciday doonaan doortaan iyaga oo u madax banana ciday dooranayaan.

Intaas ka dib waxa isna hadal kaas oo kale ah madasha kasoo jeediyey Cabdi Bacow oo ah gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye ee cardigan ingiriiska waxa uuna Mr Cabdi ka sheekeeyey qiso layaab ahayd oo ka dhacdey Somaliland gaar ahaan magalada Hargaisa oo ku saabsaneyn wiil yar oo hooyadii beri hore six xun loogu dilay kadibna ku danbeyey baalashle oo aan haysanin daryeel waxku ool ah isaga oo shegay in.KulmiyeLondonShir2

Intaas ka dib waxa hadlkii qaatey Dr Cabdi aw Dahir  oo marka hore salaam usoo jeediyey  shacabweynaha reer Somaliland gaar ahaan kuwa xisbiga Kulmiye iyo dadkii soo abaabulay  shirkan intaas ka dibna shirka  kasoo jeediyey warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa oo ku saabsan Bulshada iyo Caafimaadka isagoo si qodobaysan usoo bandhigay. Waxa uu Dr Cabdi aw dahir sheegay in ay arimaha bulshada wax weyn ka qaban doonaan iyo inay caafimaadka sare u qaadi donaan oo ay furi donaan xarumo Caafimaad oo waaweyn oo dadka lagu xanaaneeyo.DrCabdiAw

Waxa iyana hadalo aad u qiimo badan soo jeediyey shirka gudoomiyahii hore ee commisonka Cadami iyo Ahmed Adan Cali (Godir) oo dhamaantood aad uga waramay in la taageero in doorasho xalaali ahi  dalka ka dhacdo laguna dadaalo in nabada la wada ilaashado.

Waxa ugu danbayntii su'aalo dhawr ah la weydiiyey madaxdii shirka kasoo qaybgashay iyaga oo si wanagsan uga jawaabay shirkuna ku dhamaaday jawi aad u wacan.

Hamse Ahmed Salaan

Xig: Togdhnews

No comments:

Post a Comment