Wednesday, January 6, 2010

Shirguddoonka Guurtida oo si Qarsoodi u Beddelay Guddigii Joogtada ahayd ee Golaha, Kuna Beddelay Xubno Taageersan Madaxtooyada

Shirguddoonka Guurtida oo si Qarsoodi u Beddelay Guddigii Joogtada ahayd ee Golaha, Kuna Beddelay Xubno Taageersan Madaxtooyada

Go'aankani waxa uu salka ku hayaa qorshe xukuumaddu dabada ka riixayso oo kursigaga lagaga tuurayo Guddoomiayah Guurtida

Hargeysa (Jam)- Shirguddoonka Golaha Guurtida, ayaa si kedis ah u beddelay xubnaha guddida joogtada ah ee golaha, kuwaai oo dhawr bilood ka hor uu magacaabay Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo hadda booqasho ku jooga Ingiriiska.

Go'aanka beddellaadda guddida joogtada ah ay si qarsoodi ah u saxeexeen guddoomiye-ku-xigeenka 1aad, ahna ku simaha guddoomiyaha Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, ku-xigeenka 2aad Md. Siciid Jaamac Cali iyo xoghayaha guud ee golaha Cabdillaahi Maxamed Habbane, ayaa la filayaa in gole-weynaha la soo hordhigo fadhiga Sabtida soo socota.

Tallaabadan oo dib u soo cusboonaysiinaysa khilaafaadkii ka dhex aloosnaa garabyada guurtida ee kala taageersan mucaaridka iyo muxaafidka, kaasoo la aaminsan yahay inuu salka ku hayo qorshe madaxtooyadu dabada ka riixayso oo lagu damacsan yahay sidii xilka looga qaadi lahaa guddoomiyaha guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo haatan safar caafimaad ugu maqan dalka Ingiriiska.

Go'aanka qarsoodiga ah ee shirguddoonku ku beddeleen xubnaha guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa lagu caddeeyey magacyada xubnaha cusub ee beddelaya guddigii hore, kuwaas oo tiradoodu tahay 25 xubnood oo badankoodu ka soo jeeda garabka muxaafidka UDUB ee Madaxtooyada taageersan.

Haddaba, nuqul ka mid ah go'aankaas oo Jamhuuriya helay xalay, nuxurkiisuna xambaarsan yahay isku-shaandhayn guud oo lagu samaynayo guddi-hoosaadyada golaha, waxa uu isagoo dhammaystiran u dhignaa sidan:

"Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland, markuu arkay baahida loo qabo in goluhu si muddo-karnimo ku jirto u guto xilkiisa iyo waajibaadkiisa, si uu jawaabo wax-ku-ool ah uga bixiyo intii awooddiisa ah xalaadka taagan ee leh siyaasad, nabadgelyo, dhaqaale, dhaqan iyo bulshaba.

Markuu tixgeliyay baahida loo qabo in ay guddi-hoosaadyada goluhu noqdaan kuwo si rasmi ah u shaqeeya, maadaama goluhu hadda iyo wixii ka dambeeya u shaqayn doono oo keliya saddex maalmood (3 days) toddobaadkiiba ilaa inta u ka dhammaystirayo dhismaha hoolka golaha wakiiladdu.

Sidoo kalena, markuu lagama maarmaan u arkay in hawl-gallada guddi-hoosaadyadu ay noqdaan kuwo midho-dhal ah, lagana rajaynayo isbeddel shaqo oo wax-ku-ool ah.

Wuxuu soo saaray isku-beddelka guddi-hoosaadyada golaha guurtida Somaliland, waxana laga rajaynayaa guddi kasta in ay si xilkasnimo leh u gudato waajibaadka ay u xilsaaran tahay, iyadoo lagu xoojin doono guddi kasta waxay u baahan tahay ee la xidhiidha dhinacyada hadal-qoraalka, diwaangelinta kulamada, shirarka iyo ajandayaashoodaba.

Waxa mudanayaasha lagu wargelinaya in la xisaabtanka xubnuhu ahaan doono mid ka duwan hab-dhaqankii hore ee ku dhisnaa inta badan dulqaadka siiba maqnaanshaha sabab la'aaneed ee mudanayaasha.

Ugu dambayntii, mudanayaal innaga oo galnay sannad cusub, hawlaha ina horyaalana ay yihiin qaar baaxad weyn, islamarkaasina waqtigu kooban yahay ayaa la innooga fadhiya dadaal horleh iyo in waqti badan aynu ku qaadano xilkeena iyo masuuliyaddeenaba, iyado guddi kastana laga codsanayo, laguna adkaynayo in ay shaqo galaan saddex maalmood (3 days) toddobaadkiiba.

Waxa muhiim ah in guddi-hoosaad kasta dejisato barnaamij shaqo oo ka dhanbalan ajandaha kal-fadhiga 39aad iyo xeer-hoosaadka golaha oo ay guddi kasta la timaad hal-abuur dhab ah oo leh waxqabad la taaban karo. Dhammaanteen waxaan inoo rajeynayna in Illaahay xilkeena inoo fududeeyo, isku-beddelkii liistaduna waa sidan:

Liistada isku-beddelka guddi-hoosaadyada golaha

Guddida joogtada Golaha

1. Muxumed aw Axmed Xaaji Aadan

2. Axmed Jaamac Faarax

3. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan

4. Maxamed Hirad Shirtag

5. Axmed Nuur Aw Cali

6. Yuusuf Cabdillaahi Cawaale

7. Farxaan Ciise Ubaxle

8. Ibraahim Aw Nuur Jiciir

9. Cabdi Cabdillaahi Xasan

10. Xasan Cumar Axmed

11. Cismaan Cabdi Cali

12. Sheekh Cabdiraxmaan Xaaji Cabdi Faarax

13. Maxamuud Cabdillaahi Qaalib

14. Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug

15. Khadar Ismaaciil Maxamed

16. Yuusuf Sheekh Axmed Nuur

17. Diini Cabdillaahi Hande

18. Maxamuud Xareed Rooble

19. Xaaji Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac

20. Caydiid Cabdi Maxamed

21. Maxamed Jaamac Abokor

22. Khadar Xuseen Sahal

23. Maxamed Ducaale Qurux

24. Maxamed Nuur Sugaal

25. Jirde Siciid Maxamed."

Go'aankan lagu bedelay guddida joogtada ah ee Guurtida, ayaa sida ay ilo xogogaal ahi xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa uu daba socday buuqii ka dhashay fadhiyadii u horeeyey ee Golaha oo shirguddoonku xeer hoosaadka golaha si qarsoodi ah ugu dareen qodob ku saabsanaa wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha, si ay u fududaato bedelaada Guddoomiyuhu, qorshahaasi oo gudida joogtada ah ee la bedelay fashiliyeen.



Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment