Monday, January 4, 2010

TACSI: MARXUUM: Cabdullaahi Maajoor oo ku geeriyooday Toronto, Canada.




Cabdullaahi Maajoor oo geeriyooday

Cabdullaahi Maajoor, oo ahaa siyaasi iyo ganacsade hore ayaa ku geeriyooday magaalada Toronto ee dalka Canada.

Cabdullaahi Maajoor, waxaa uu ka tirsanaa baaralamaankii la doortay ee lixdamaadkii, wuxuuna Muqdisho ku lahaa Hotel loo yiqiin Maajoor oo ku yaallay dabka.Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa raggii u soo halgamay gobannimada.Wuxuuna ka qeyb galay shirkii ay Qarammada Midoobay oo markaa saddex sano jirtay, ay sannadkii 1948 Soomaalida ugu qabatay magaalada Muqdisho.

Cabdulahi waxa reer Soomaliland u hayaan abaal iyo ixtiraam ku aadan mawqifkiisii uu sida geesinimada ah uga hadli jiray xiligii xasuuqa loo gastay shacbiga Soomaliland iyo intii ka dambaysay oo uu aad uga hadlay gooni-isu-taaga Soomaliland,nabadeeda iyo dawladnimadeeda kuna sifeeyey inay tahay mid iyagu go'aankeeda leeyihiin, waxbana yeeleen Soomalinimada oo uu ku tilmaamay inay tahay mid ay lafta iyo wadnaha kaga jirto reer Soomaliland.

Alle ha u naxariisto oday Cabdullaahi, hana ka yeelo kuwa dhaxla janatul fardows,tafiir, ehel, qaraabo, xigto ,xigaal iyo Soomaliba, si gaar ah reer Muqdishu waxaan leeyahay samir iyo iimaan.


Ahmed Arwo

SAMOTALIS GROUP



No comments:

Post a Comment