Thursday, January 28, 2010

Wasaaradda Daakhiliga iyo Badhasaabka Hargeysa oo Siyaabo Is-burinaya Uga Hadlay Dad la Sheegay Inay Qabanqaabinayaan Mudaharaadka ka Dhan ah Axmed-Siilaanyo

Wasaaradda Daakhiliga iyo Badhasaabka Hargeysa oo Siyaabo Is-burinaya Uga Hadlay Dad la Sheegay Inay Qabanqaabinayaan Mudaharaadka ka Dhan ah Axmed-Siilaanyo

Hargeysa (Jam)- Wasiirul-dawlaha arrimaha gudaha Md. Farxaan Jaamac Ismaaciil iyo Guddoomiyaha gobolka Hargeysa Md. Maxamed Cabdi Daa'uud, ayaa siyaaabo is burinaya uga hadlay dad la sheegay inay qabanqaabinayaan mudaharaad la doonanayo in lagala hortago guddoomiyaha xisbiga muacaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la filayo inuu maalmaha soo socda ka soo laabto booqashada uu ku joogo dalka Maraykanka.

Badhasaabka Gobolka Hargeysa Md. Maxamed Cabdi Daa'uud oo xalay Jamhuuriya khadka telefoonka ku weydiiyey waxa ka jira wararka sheegaya in Hargeysa laga qabanqaabinayo mudaharaad ka dhan ah guddoomiyaha KULMIYE, waxa uu caddeeyey inay jiraan dad ka codsaday inay mudaharaad sameeyaan, basle ay ka diideen, iyaga oo tixgelinaya nabada iyo xasiloonida dalka, balse wasiirul-dawlaha arrimaha guddaha Somaliland oo isagana aanu arrintaas xalay wax ka waydiinay, ayaa sheegay in aanay jirin meel cidi ugu keentay waraaqo ay mudaharaad ku codsanayaan.

Badhasaabka gobolka Hargeysa Md. Maxamed Cabdi Daa'uud oo ka jawaabaya waxa ka jira wararka sheegaya in xukuumaddu qabanqaabinayso mudaharaad lagaga soo horjeedo soo noqoshada guddoomiyaha KULMIYE waxa uu yidhi; "Way jirtaa dad noola yimi in aannu u oggolaano mudaharaad ay kala hortagaan Guddoomiyaha KULMIYE, laakiin waannu ka diidnay oo umaaanu oggolaanin, wixii nabadgelyada waxyeelanayana ma oggolin, mucaarad iyo muxaafid midna ka oggolaan mayno, dadkii noo yimi ee mudaharaadka wadayna waannu ka diidnay, qolada mucaaradkana Axmed Siilaanyo waa nin siyaasi ah oo qadarin mudan leh, haddii ay soo dhoweynayaan si nidaamsan oo aan ka badbadin iyo buuq lahayn ha u soo dhoweeyaan oo gurigiisa ha geeyaan."

Badhasaabka oo aannu weydiinay waxa uga meel yaalla, haddii dadka mudaharaadka ula yimi ay bannaan-bax sameeyaan, waxa uu ku jawaabay; "Annagu labada qolaba [mucaarad iyo muxaafid] ka oggolaan mayno mudaharaad aanay cid ogeyna oo aan fasax loo haysana cidi ma dhigi karto oo dadkeenu uma bisla mudaharaadada, ninkii doonaya inuu isu-soo-bax sameeyo beerta Xorriyadda ha cabirta oo siyaasadiisa iyo barnaamijyadiisa dadka ha uga sheekeeyo, buuq iyo rabshad midna ayaan la sameyn.

Ninkii sharaf leh ee mudaharaad diyaarinayaana waa inuu fasax u qaataa, isla markaana uu dammaanad qaadaa dadka uu isku soo ururiyey wixii dhibaato ah ee ay geystaan, haddii ay boolis shiidaan, gaadhi jabiyaan amma wax kale sameeyaan.

Mucaaradkana waxaad naga gaadhsiisaan [saxaafadda] wax mudaharaad ah oo Guddoomiyaha lagu soo dhoweyn karaa ma jiro oo inta sameecado waaweyn la qaato oo suuqyada la meeraysto rabshada halkaa ka dhacaan, waxaannu leenahay Axmed-Siilaanyo waa nin siyaasi ah oo si fiican u soo dhoweysta oo nidaam leh, qolada muxaafadkana uma oggolin in Guddoomiyaha KULMIYE wax mudaharaad ah lagu sameeyo, ninka leh niin soo degay ayaan mudaharaad iyo rabshad kala hortaganaana uma oggolin. Waxaan leeyahay ha la ilaaliyo nabadgelyada iyo deggenaanshaha oo wixii dhib inoo keenaya ayaan lagu dhaqaaqin."

Dhinaca kalena, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Farxaan Jaamac Ismaaciil oo isna dhinaciisa aanu xalay khadka telefoonka ku weydiinay waxa ka jira in xukuumaddu diyaarinayso mudaharaad lagaga soo horjeedo guddoomiyaha KULMIYE, waxa uu ku jawaabay; "Arrintaasi waa mid la yaab leh, Axmed Siilaayana wax dambi ah oo uu galay ma jiro, wax mudaharaad ah oo xukuumaddu qabanqaabinaysaana ma jiro, xukuumaddu nabadgelyada ayey ilaalisaa ee ma mudaharaado, mana garanayo sababta KULMIYE ku keliftay inay yidhaahdaan Guddoomiyahagii ayaa lagu mudaharaadayaa, Axmed Siilaanyo waa nin siyaasi ah oo u tartamaya jagada Madaxweynaha, sabab loogu mudaharaadaana iima muuqato," ayuu yidhi Md. Farxaan Jaamac Ismaaciil.

Wasiiru-dawlaha oo aannu weydiinay inuu ka war hayo dad qabanqaabinaya mudaharaad ka dhan ah Axmed Siilaanyo iyo cid wasaarad ahaan inay fasax u weydiisatay mudaharaadkaas, waxa uu ku jawaabay; "Marka hore xisbiyadu xaq bay u leeyihiin inay mudaharaad sameeyaan oo dastuurkeena ayey ku caddahay, laakiin waa inay sharciyadda looga baahan yahay maraan oo ay fasax weydiistaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, balse ilaa hadda ma hayno meel ciddi noogu keentay waraaqo ay ku codsanayaan mudaharaad."

Wasiirka beeraha Somaliland Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo isaguna u waramay shabakada wararka ee Ramaasnews, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in xukuumaddu wado mudaharaad ka dhan ah Axmed Siilaanyo, isaga oo arrintaa ku tilmaamay buuq mucaaridku samaysanayo.

"Xukuumadu nabad gelyo darro ma abuurayso ee hadh iyo habeen waxay heegan ugu jirtaa sugida amniga dalka, Guddoomiyaha KULMIYE waa nin murashax ah oo ah Guddoomiye Xisbi qaran qadarin iyo tix gelin ayuu xukuumada ka mudan yahay, xukuumada Somaliland-na ma abuurayso mudaharaadyo wararka arrintaasi la xidhiidhaana waa been abuur cad," ayuu yidhi; wasiirka beeruhu.

 


Jamhuuriya Online

 

No comments:

Post a Comment