Saturday, January 16, 2010

Was.Arrimaha Gudaha, Wasiirka xann.Xoolaha & Gudd. Gobola Hargeysa, ha ka daayaan dhabarjebinta, Beesha Mudan ee ay magaceeda Huwan yihiin!!

Waxa aan muran ku-jirin in waqtigan kala Guurka ah ee aynu ka hayaameyno, Nidaam Beeleedkii una soconno Dawladnimo dhab ah oo Doorashadan aynu u taagannahay kaadhka ugu Xidheyso, Dawlad Dimuqraaddi ah oo la aqoonsadana ugu guureyno, in ay waajib innagu tahay muwaadiniin iyo Mas'uulba in aan la'inoo adeegsan carqaladeynta, Dambabaska, xadhigga aan sharciga ahayn iyo horjoogsiga cadaaladda iyo kal qaybinta Bulshada!!
 
Waxa aan laga murmi kareyn in Mas'uul kasta oo xil haya maanta uu ku joogo magaca Beeshiisa, hadal kasta iyo ficilkasta oo ka soo baxaana noqonayo mid samahiisa iyo Xumaantiisu u tegeyso Madax dhaqameeddada Beesha uu Safiirka uga yahay Maamulka si ay uga go'aansadaan waxa dhgxumo u keenaya!!.Haddaba aniga oo ka duulaya qodobkan,  ayaan saddexda Mas'uul ee aan kor ku xusey oo xilal u haya ummadda , hddana u dhaqmaya si ka fog hannaanka Dawladnimo iyo shuruucda Dalka u dejisan, aan ka codsanayaa inay dhabar-jebinta ka daayaan Beesha Mudan ee ay duntu dhawrka jeer iigu xidhan tahay, iyo kala fogeynta Beelaha dhiigga iyo dhaqnka wadaaga. Saddexdan Mas'uul, Waa Arrimaha Gudaha eh, Dalkan waxa ka dhacaya Dilal ,Qaraxyo iyo Xaalad abuur layskaga hor-keenayo Ummadda. Amniga Gudahana isaga ayaa u xilsaaran. Laas-Caanood oo Dilal iyo qaraxyo hore uga jireen , Milateri iyo Boolisna heegan ku wada jireen ayaa Xaleyna lagu dilay Hoggankii-Hawlgelinta Boliska Gobolkaas ee Somaliland, Cid loo hayaana aanay jirin !! Wax la liqi karo maaha!!? Gabadh hargeysa joogta oo dumar ahi waxa ay qabatey may qaban kari-waayin Wasaaradda Arrimha Guduhu !! Cadowga Somaliland ayaa ka dambeeya, Baadhitaan baa socda, dad aan shaqo ku lahayn ku dhammaada oo maxkamaddu sii deyso maah wixii looga fadhiyey Wasiirkan, Waxaan u maleynayaa in Wasiirku uu mushkiladda ka mid yahay oo ay jirto awood ka sarreysa oo waxan hurineysaa ogyahayna , waxbase aanu ka qaban karin, mana qirayo!! Wasiirku, ama Ummadda wax ay ku qanacdo ha u sheego, ama isaga oo aan magac-xumo u soo jiidin Beesha uu ka dhashey, hayska dhiibo Xilkan aanu qaadi karin!!
 
 
Waxa jirta mushkilad amni oo qarax qarka u saaran haddii aan la soo dhexgelin!! Berbera , waxa ka socda dhisme maxjar la mid ah haddii aanu ka fiicneynba, kii carabka,  oo ay waddey sharikadda indhodeero, Waxa awood Maamul,  Madaxtooyada Dalku damacdey inay ku joojiso dhismaha maxjarka . Wasiirka Xoolaha oo beryahanba Riyaale uga wakiil ahaa Hantida lagula shuraakada yahay Carabkan lagu magaacabayo maalgelint Maxjarka ee hore oo laga waayey $7.5 ka neefkiiba lagaga qaadey xoolihii xajka Miisaaniyadda Sannadkan ,dakhliyadii soo xeroodey, Wasiirka Maaliyadduna sheegey in Wasiirka Xannaanada Xooluhu ka mas'uul yhay lacagtaas $7.5ka ah ee maxjarka lagu qaadey, ayaa ka hawlgaley joojinta mashruucan Maxjarka ee sharikadda indho Deero. Wasiirku waxa Ajnebi loo oggolaadey in aan muwaadin lagu horjoogsaneyn wuu arkaaye , ma afkii Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ayuu ku hadlayaa!! Dakhtarka waxaan leeyahay, Sakaaro laba tun oo la kala qalo ma laha!! keligaana ha is-odhan wad ka wada horreyn kartaa ummadda Somaliland !!.
 
Guddoomiya Gobolka Hargeysa , waxa uu ka lahaa t/vga , Allahayow dib dhegahayaga ha u maqashiin mar kale!! Wixii Dalkanu soo maray ismaan lahayn dad ay hadallada noocan ahi ku hadheen ayaan weli idiin hadhsan , marka aan isku xidho labada arrimood ee dhakhtarka iyo kan Guddoomiyuhu sida aan xishoodka lahayn reer-bariga Somaliland iyo sida gaarka ahayd ee uu weeraray Burco dadkeedu, may ahayn Mas'uul sida uu sheegay Xaraf u dhashey, ereyo uu ku hadlo!! Tacaaliimtii Alle Darajo iyo Raxmadba ha u kordhiye, Sheekh Cumar  Aw Yuusuf, iyo dhaqanka Gobta halkaa degta midna ma ahayn ee waa Siyaasad loo dhiibey. Waxaa aad noo dhibeysa in nalagula kaftamo liitinimo qaar naga mid ah oo ummadda xasuuq aamusan loogu soo dhexmaro, ama boobka hantiideeda , kala qaybinteeda iyo iska horkeenkeeda.
 
Waxaan aad ugu kalsoonahay in Jiridda adag ee Beeshaasi oo aanu qaddarin iyo hanweyniba u haynaa, ay dib u eegto hab dhaqanka caynkan ah iyo Cawaaqib xumada uu qoyska midka ah ku yeelan karo!!? Waar beel waliba nin jilicsan ama daneyste ah wey ledahay ee waxa aynu wada leenahay Mas'uuliin Alle taqaana, Xuquuda iyo Mas'uliyadaha qaranka ee loo igmadana aan dheg-xumo ugu soo jiidin Beelaha ha laga sinmo!! Arintan Maxjarka Ilmo indho-Deerana, ha laga hawlgalo inta aan isku dhac iman. Doolar ma gooyo Dalkeenna taako ka mid ah ee Siyasadaha Somaliland-diidka ah ee raggan loo soo dhiibey, yey noqon, qaar aan lagula xisaabtamin!! qalad aynu maanta si yar u Maareyn karrana yaanu innaga iyo Dalkeennaba galaafanin!!
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed
 
 

No comments:

Post a Comment