Monday, February 1, 2010

Madaxtooyada oo Sas ka Qaadday Baaxadda soo Dhoweyntii ugu Ballaadhnayd ee loo Sameeyey Guddoomiyaha KULMIYE


Madaxtooyada oo Sas ka Qaadday Baaxadda soo Dhoweyntii ugu Ballaadhnayd ee loo Sameeyey Guddoomiyaha KULMIYE 

= Siilaanyo oo ku indha-daraandaray faraha dadweynaha soo dhoweeyey iyo guuldarradii mudaharaad UDUB la damacsanayeen

 

= Markuu ku dhowaaday inuu ku neef-qabatoobo ayaa si degdeg ah loogula cararay hudheelka Maansoor si uu uga nasto buuq xad-dhaaf ah oo dadweynuhu saareen gurigiisa

 = Nuxurka xog-warranka socdaalkiisii Maraykanka iyo taageerayaasha KULMIYE ee Burco oo isu soo bax ku soo dhoweeyey

 Hargeysa (Jam)- Xukuumadda Somaliland, ayaa gebin ahaanba dhaqdhaqaaqa gaadiidka ka xayirtay subaxnimadii hore ee shalay jidka laamiga ah ee hormara qasriga Madaxtooyada, kadib markii sida la sheegay ay soo baxeen dareenno cabsi leh oo ka dhashay abaabullo xooggan oo loogu diyaargaroobayey soo dhoweyn aad u ballaadhan oo loo sameeyey Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka soo laabtay socdaal muddo bil ah qaatay oo uu ku soo maray dalalka Maraykanka iyo Itoobiya.

 Waxa subaxnimadii hore ee shalay heegan culus la geliyey ciidammada ammaanka, iyadoo dhaqdhaqaaqii gaadiidka laga xayiray laamiga hormara Madaxtooyada, waxana hareeraha jidka la dhoobay ciidamo tiro badan.

 Xidhitaanka jidka Madaxtooyada hormara waxa uu ahaa mid muuqaal ahaan ka duwanaa marar badan oo ka horreeyey shalay, waxana labada dhinac ee waddada lagu jaray gaadiidka waaweyn ee bilayska, halkii hore biraha loo dhigi jiray, sidoo kalena inta u dhexaysa cusbitaalka guud iyo qasriga Madaxtooyada waxa lagu diyaariyey cutubyo ka tirsan ciidammada booliska oo watay hubka iyo qalabka lagaga hortago rabshadaha, kuwaas oo si weyn ula socday dhaqdhaqaaqa kumanaan qof iyo boqollaal gaadiid ah oo ka qaybgalayey soo dhoweynta Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo shalay barqadii ay Madaarka Hargeysa keentay diyaarad khaas ah oo ka soo qaadday magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya oo uu dhawrkii habeen ee u dambeeyey ku sugnaa.

 Kumanaan qof oo isugu jira taageerayaasha KULMIYE oo ay weheliyaan boqollaal taageerayaal cusub ah oo la saftay xisbigaas, kadib markii siday sheegeen ay ka cadhoodeen hanjabaad xukuumaddu ku sheegtay inay dalka ka horjoogsanayso Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa ilaa saqdii dhexe ee habeen hore abaabul ugu jiray diyaargarowga soo dhoweynta Axmed-Siilaanyo oo dad badani ku tilmaameen inay ahayd tii ugu ballaadhnayd ee loo sameeyo hoggaamiye xisbi qaran.

 Tallaabadan ayaa sida la sheegay ka dhalatay dareen sas leh oo xukuumadda ku beeray welwel la xidhiidha saamaynta caaddifadda dadweynaha baaxadda leh ee isugu soo baxay soo dhoweynta Axmed-Siilaanyo, kuwaasoo looga shakisanaa inay sameeyaan rabshado wax u dhimi kara xasilloonida caasimadda, sidaa awgeedna loo adkeeyey ammaanka qasriga Madaxtooyada.

 Sidoo kale, waxa guuldarraystay mudaharaadyo la damacsanaa in lagala hortago Axmed-Siilaanyo oo ay soo abaabuleen kooxo aad u tiro yar oo ka tirsan xisbul-xaakimka UDUB, isla markaana ku taageerayeen hadalkii Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xiisadda abuuray, isla markaana dhawr goobood ka taagtaagay boodhadh ay ku qoran yihiin hal-ku-dhegyo dhan ka ah Guddoomiyaha KULMIYE oo dhowaan xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku dhawaaqday in aannu dalka soo geli karin, kuwaasoo waqti kooban kadib kala yaacay, markii sida la sheegay ay hafiyeen mowjado dad iyo gaadiid ah oo ka qaybgalay soo dhoweyntii Siilaanyo oo si weyn looga dareemay caasimadda Hargeysa.

 Geesta kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Madaarka Hargeysa ka soo degay abbaaro 10:00 barqanimo ee shalay, ayaa wejigiisa laga dareemayey inuu farxad darteed ku indha-daraandaray soo dhoweynta lagu qaabilay oo ku noqotay wax aannu filayn, taasoo si weyn wax uga beddeshay jewiga qorshihiisii hore ee uu dalka kula soo guryo noqday.

 Md. Axmed-Siilaanyo saxaafadda kula hadlay qolka martida ee Madaarka Hargeysa, halkaasoo uu tafaasiil kaga bixiyey natiijada uu kala soo hoyday safarkiisii Maraykanka iyo Itoobiya. Intaa kadibna Md. Siilaanyo oo ka soo gelbiyaan kumanaan qof oo watay boqollaal gaadhi oo dhinacyada laga lulay calanka KULMIYE, qaarkoodna ku rakibnaayeen makarafoonno heesaha astaanta u ah ka baxayeen, ayaa isku shubay xarunta dhexe ee xisbiga oo ay isugu yimaaddeen dad tiradooda lagu qiyaasay nus-malyuun ruux oo jibbaysnaa soo dhoweynta iyo taageerada Guddoomiyaha KULMIYE.

 Guddoomiye Siilaanyo oo dhawr jeer damcay inuu la hadlo dadweynaha isugu baxay soo dhoweyntiisa, haddana cidhiidhiga iyo saxmadda jirtay darteed uma suurtogelin inuu wax hadal ah jeediyo, waxana markuu ku dhowaaday inuu ku neef-qabatoobo culayska dadka si degdeg ah loo saaray baabuur lagu shaqlay calanka KULMIYE oo loo asteeyey inuu kaga qaybgalo ololaha tartanta doorashada, kaasoo ula cararay dhinaca hudheelka Maansoor si uu uga nasto buuqa iyo culayskii xad-dhaaf ahaa dadweynuhu saareen gurigiisa iyo xarunta dhexe ee xisbiga, kuwaasoo ilaa gelinkii dambe ee shalay hordhoobnaa.

 Muxuu Axmed-siilaanyo ka yidhi Safarkiisii Maraykanka?

 Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo warbaahinta ugu waramay xarunta xisbigiisa, ayaa tafaasiil kooban ka bixiyey safarkiisa uu kaga soo laabtay dalka Maraykanka oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid guul badani uga soo hoyatay Somaliland.

 Ugu horreyn Md. Siilaanyo oo u mahadnaqayey dadka soo dhaweeyey, kana waramayey socdaalkiisa iyo meelihii uu ku maray waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, "Mahad aad u ballaadhan ayaan u jeedinayaa dadweynaha reer somaliland meel ay joogaanba oo ay ka muuqato taageerada iyo wadaniyadda ay u hayaan xisbiga, aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa. Waxaan dalka ka maqnaa muddo bil ah oo aan socdaal ugu maqnaa dalka Maraykankan, waxa kale oo aan sii maray dalka Itoobiya, meelahaas aan marayey oo dhan waxaan u maqnaa dalka Somaliland oo aan kala kulmo dawladahaasi. Dawladda Maraykan waan la kulmay, gobolo badan baan gatay dad badan ayaan soo arkay oo reer Somaliland ah oo aad iila shaqeeyey, meel walbana dadku aad iyo aad ayuu noo soo dhaweeyey."

 Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay inuu la kulmay hay'ado ka mid ah dawladda Maraykanka oo uu kala hadlay qadiyadda Somaliland, isla markaana uu aaminsan yahay inuu wax badan ku soo guulaystay oo dalka faa'iido u yeelan doona.

 "Dadka aannu isaragnay ee ka tirsan hay'adaha kala duwan ee dalka Maraykanka sida Baarlamanka iyo Congreskaba leh intuba way na soo dhaweeyeen, waxaannu ka dhaadhicinaynay qadiyadda Somaliland, waxaannuna qabnaa in aannu arrintaasi si aad u weyn ugu guulaysanay oo ay waxtar iyo qiimo wayn u noqon doonto dadka reer Somaliland. Arrimahaasi waxaan si buuxda oo tafaasiil ah uga warami doonaa ummadda reer Somaliland maalmaha soo socda."

 Md. Axmed Siilaanyo oo la waydiiyey sida uu u arko hadalkii xukuumadda ka soo yeedhay muddadii uu maqnaa ee wasiir ka tirsani uu sheegay in uu aaminsan yahay nidaamka faderaalka, isla markaana ku baaqay in aannu dalka soo gelin, waxa uu ku jawaabay, "Arrimahaasi way i soo gaadhayeen, wax alle wax aan anigu qiimo siinayaase ma jirto. Shacabka Somaliland waxaan guday iyo waxaan galayba way ogyihiin, waxaan dalkan u soo marayna waa la ogyahay, qarankan waan u soo halgamay, waanan u soo shaqeeyey, madaxweyne ayaan u taaganahay, maantana ka ugu horreeya ee qaranka Somaliland u halgama ayaan noqonayaa, rag qaarkiisa sidaa lehna taariikhdooda waa la yaqaanaa ee waxba anigu ku dheeraan maayo."

 Guddoomiyaha waxa la waydiiyey waxay ahaayeen wixii ugu muhiimsanaa ee ay ka wadahadleen dawladda Maraykanka iyo waxa ka jira warar sheegaya inay u jeediyeen in Golaha Wakiillada Maraykanka ay Somaliland ku yeelato mudanayaal ka shaqeeya aqoonsiga Somaliland waxaannu yidhi; "Waxaannu ka wadahadlanay arrimo fara badan oo la xidhiidha horumarka Somaliland, ictiraaf raadinteeda, wax la qabadkeeda, dimuqraadiyadeeda iyo mucaawinooyinkeeda, guulo badana waanu ka soo gaadhnay. Waxaanan idiin sheegayaa dawladda Maraykanku aad bay u danaynaysaa mandaqadan aynu ku noolnahay iyo in aan doorashadeenu mar kale dib u dhicin.

 Tan kale; mudanayaasha Maraykanku waa dawlad wayn oo saamayn badan ku leh adduunka, waa dawlad wax badan ina tari karta inaga, dunida qaar badan ayaa ku leh wakiilo, taasina waxaannu qabnaa waxyaabaha dawladdeenu ka gaabisay weeye, gobollada qaar sida Puntland oo kale waxay ku leedahay qaar u shaqeeya, markaa tallaabo aanu soo jeedinay ayey ahayd."

 Md. Siilaanyo oo la su'aalay baaxadda taageerada xisbigiisu haysto ee uu soo bandhigay inay keeni karto in xukuumaddu mar kale isku daydayo inay doorashada dib-u-dhigto waxa uu kaga jawaabay, "Doorashooyinkeenu inay dhawr jeer dib u dhaceen waynu ognahay, intaasna masuuliyadeeda cid kale may lahayn ee dawladda ayuun baa lahayd, laakiin sidii heshiisku ahaa dalka iyo caalamku isla wada gaadhay iyadu haddii ay ka baxayaan iyaga ayey jirtaa, waxaynuse ku talogalaynaa in doorashadu qabsoonto, Komishanka doorashooyinkana kalsooni badan ayeynu ku qabnaa. Kolay xukuumaddu markay u muuqato in aanay taageeradii shacabka iyo ummadda haysan way isku dayeysaa sidii awalba dhaqanka u ahayd inay ku dhaqaaqdo wax kasta oo waxyeelaynaya geedi-socodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka, laakiin ummadda iyo caalamkuba way u soo jeedaan."

 Waxa kaloo la waydiiyey waxa uu kaga jawaabayo eedayn xukuumaddu ugu jeedisay inuu la kulmay Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Afrika u qaabilsan Aqalka Wakiillada Maraykanka Donald Payne oo ay ku sheegeen nin cadow u ah Somaliland, waxa uu yidhi; "Donald Payne ciddii garanaysa ayaa garanaysee Congres-ka (Wakiillada) ragga ugu miisaanka badan ayuu ka mid yahay, waa ninka qudha ee Congres Maraykan ah ee halkan [Somaliland] yimi waqtigii Madaxweynihii Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waa nin aad loo dhegaysto, annaga ayaa soo wada sheekaysanay colaad uu u hayo Somaliland ma jirto, balse waxaaban odhan karaa waa nin aad u taageersan qadiyadda Somaliland, danaheeda, horumarkeeda iyo maslaxadeeda."

 "Wixii Somaliland aan u soo qabanay waa mid aannu ummadda oo dhan u bandhigayno, waayo waa mid aannu dalka iyo dadkaba u soo qabanay, diyaarna waanu u nahay cidii danaynaysa arrimaha Somaliland xukuumadda ha noqoto ama cid kale ha noqotee ee dan u aragta diyaar baanu u nahay in aannu u bandhigno," ayuu yidhi Md. Siilaanyo oo ka jawaabayey su'aal ahayd in wixii Somaliland u dan ah ee uu kala soo noqday safarkiisa inuu u soo bandhigayo dawladda sidii uu hore u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibaddu.

 Ugu dambayntii Axmed-Siilaanyo oo la su'aalay muddadii uu siyaasadda ku jiray inuu weligii reer Hargeysa kala kulmay taageeradii shalay ay u muujiyeen mid la mid ah iyo waxa uu dareemayo, waxa uu yidhi; "Maanta (shalay) farxad aad iyo aad u wayn ayaan dareemayaa, soo-dhawayntaasi waxay ka markhaatikacaysaa dareenka dadweynuhu qabo ee taageerada uu xisbiga iyo anigaba ii hayo, aadna waan u qiimaynayaa, horeba waan ugu kalsoonaa in ummaddaydu i taageersantahay, halgan dheer ayaan u soo maray, taariikh badanina way na soo wada martay, waad ogaydeen berigii hore [doorashadii hore] intii yarayd ee la igaga qaaday iyo siday ahaydba, markaa mar walba dadkayga waan ku kalsoonaa."

 Sidoo kale magaaladda Burco ee xarrunta Gobolka Togdheer, ayaa shalay lagu qabtay isoo bax ballaadhan oo teegeerayaasha xisbiga KULMIYE ku taageerayeen soo dhaweynta guddoomiye Axmed-siilaanyo, waxaana halkaas dadweynaha kala hadlay afhayeenka xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed, Cabdiraxmaan Awal Bari iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhammaantood si kulul u cambaareeyey hadalkii dhawaan ka soo yeedhay wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibedda oo ay ku tilmaameen xaalad abuur iyo marmarsiiyo xukuumadda Rayaale ku carqaladaynayso doorashadda madaxtooyada ee qabsoomideeda loo diyaargaroobayo.

 

Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment